Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Safaarada Somalida ee Pakistan oo xarig iyo tacadiyo kale u gaysatay arday reer Puntland ah!!!
    Somalia

    Safaarada Somalida ee Pakistan oo xarig iyo tacadiyo kale u gaysatay arday reer Puntland ah!!!

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJune 14, 2017No Comments4 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link
    Ardeyda soomaliyeed ee kunool dalka Pakistan gaar ahan kuwa reer Puntland,ayaa tan iyo markii isbadalku ku dhacay madaxda safaarada soomaliyeed ee dalka Pakistan sanadkii 2016 bilowgiisii,ayaa caadaadis dheeraad ah iyo dhaqaalo abuuris lacageed dusha laga saarey.
     
    Safaarada Somalida ee Pakistan oo doorkeeda laga rabay in uu ahaado garabgalka ardayda iyo ufududaynta adeega ay ubaahan yihiin,ayaa waxay isku badashay xarun dhaqaale laga sameeyo adeega ardayda.
     
    Halkaan waxaan idiinku soo gudbinaynaa qaybo kamid ah dhibaatooyinka safaardu ku hayso ardeyda :
     
     
    1. Visa-yaasha oo halkii markii hore lagu xareyn jirey wasaarada arimaha gudaha ee Pakistan loo soo wareejiyay safaarada si lacag looga helo iyadoo ardeyda lacago badan la dulsaarto.
     
    2. Noc (warqada visa iyo admission loo adeegsado) ayaa la adkeeyey,iyadoo safaaradu kusoo rogtay waraaqo hor leh oo midiiba lagu qaadanayo lacag gooniya.
     
    3. Iyadoo sanad waliba ay dowlada Pakistan siiso ardeyda soomaliyeed kuraas waxbarasho oo bilaasha (scholarship),kuwaasoo iskugu jirta engineering iyo medicine,ayaa hadana aysan helin Ardaydu waxaana lacag qaaliya ku iibsata safaarada somalida.
     
    4. In gudoomiyihii hore ee jaaliyadii ugu danbeysay oo dadku ku mideysnaa oo safaaradu ku xirtay saacado badan gudaha safaarada isagoon wax fal danbiyeed ah faraha kula jirin xiliga la xirayo,isla markaana tacadi loogu gaystay iyadoo markii danbena gacanta loo galiyay ciidamada amaanka Pakistan laguna shaabadeeyay in uu yahay argagixiso.
     
    5. Tacadiyo gooniya oo loogeysto ardeyda Puntland kasoo jeeda,waxaana ay ahayd Dhacdadii ugu danbeysay midii dhacdey 6-june-2017,taasoo shan ardey oo kasoo jeeda Puntland safaarada gudaheeda loogu xirtay.
     
     
    Dhanka kale waxaa xusid mudan in ardeyda soomaliyeed ay si guud ugu direen xog faahfaahsan dowlada fadaraalka soomaliya iyo dawladaha xubnaha ka ah dawlada fadaraalka.
     
     
    Hadaba markale hoos ka akhriso qoraalkii ay ardaydu ukala direen dawlada fadaraalka iyo dawladaha xubnaha ka ah:-
     
     
     
     
    Ku: Madaxwaynaha Dowlada federalka ee soomaliya mudane
     
    Maxamed cabdullahi farmajo,
     
    Og:Gudoomiyaha golaha shacabka mudane Maxamed cisman jawaari,
     
    Og:Reysaysul wasaaraha xukuumada mudane Xasan cali kheyre,
     
    Og:Wasiirka wasaarada arimaha dibada mudane Yuusuf garaad cumar,
     
    Og:Wasaarada waxbarashada iyo tacliinta sare mudane
     
    Cabdullahi daahir cusmaan.
     
    Ku:Dawladaha xubnaha ka ah dawlada fadaraalka.
     
     
     
     
    Ka: Ardeyda soomaliyeed ee kunool dalka Pakistan.
     
    Ujeedo: Cabasho.
     
    Anagoo ah ardeyda soomaliyeed ee kunool dalka Pakistan waxaan kacabanaynaa dhibaato naga soo foodsaartey safaaradayada soomaliyeed ee aan kuleenahay dalka Pakistan (Islamabad).Tan iyo markii la magacaabey safiirada cusub 14-july-2016 iyo madaxda la shaqeeysa.
     
    Cabashooyinkaas oo ay ugu waaweyn yihiin qodobadan soo socda :-
     
    1. Visa-ha:
     
    visayaasha oo ay ardaydu ka qaadan jireen Wasaarada arimaha gudaha dalka Pakistan si shakhsi ah kuna hilijireen mudo 3 asbuuc ah ayaa hada safaaradu kacodsatay wasaarada in loosoo wareejiyo yadoo waraaqo lacag ah dulsaartey ardeyda uuna qaadanayo wakhtiga hilida inta udhaxeysa 6 bilood ilaa 8 bilood.
     
    2. Musuqmaasuq:
     
    In lamusuqmaasuqo deeqihii waxbarasho ee ay dowlada Pakistan siinjirtey dowlada soomaliya, Waxay safaaradu si toos ah ugu lug leedahay musuqmaaqsuq ay ugaysato Deeqaha waxbarasho oo ay bixiyaan dowladda Pakistan iyo dowladaha muslimiinta ah oo ku leh safaaradaha dalkan Pakistan, Deeqahaas oo kala ah Engineering iyo Caafimaad.
     
    Engineering ka oo ah lacag dhan $4500 oo dollar.
     
    Caafimaadka oo ah lacag dhan $8000 oo dollar.
     
    3. Maamul xumo:
     
    Guud ahaan bulshada Soomaaliyeed ee kunool dalka Pakistan waxaa safaarada ka haysta maamul xumo baahsan oo ka dhalatay khibrad la’aan shaqaalaha safaarada ah ayagoo ubadan dad sifo sharci dara ah uga shaqeeya safaaradda, iyagoo awood dawladeed adeegsanaya ayay kasoo xireen xafiisyada ay waraaqaha ka dhamaysan jireen ardayda arintaasoo la xiriirta sababa dhaqaale uruursi, iyadoo safaaradu aysan lalahayn wax xiriir ah dhamaan bulshada soomaaliyeed.
     
    4. Cadaadis:
     
    In cabashooyinkii ugu dameeyay ardayda soomaaliyeed ay soo jeediyeen ay Safaaradu uga jawaab celisay cagajuglayn, cadaadis iyo xarig iyadoo 6-june-2017 iyo 13-june-2017 ay safaaradu xirtay arday Soomaaliyeed.
     
    5. Kala qaybin bulsho:
     
    In safaaradu ay kala qaybiso umadda soomaaliyeed iyadoo ula macaamilaysa hab deegaan ku salaysan si ay uga hortagto in bulshada cabashooyinkooda si midaysan ugu gudbiyaan laamaha ay khusayso. Iyadoo kala qaybintaas ay ka dhalatay in cadaadis gaar ah la saaro ardayda ka timid deegaanada Puntland kuwaas oo 2 jeer lagu xiray gudaha safaarada somalida oo laamaha amniga Pakistan ay kuwarysteen safaaradda dhexdeeda taas oo bahdilaad iyo xadgudub ku ah qaranimada Soomaaliyeed iyo shuruucda caalamiga ah ee Khuseeysa Safaaradaha.
     
    Codsi:
     
    Anagoo ah ardayda Soomaaliyeed ee kunool dalka Pakistan waxan si xushmad leh uga codsanaynaa madaxda qaranka oo ay ugu horeeyaan madaxwaynaha qaranka Mudane Maxamad Cabadulaahi Farmaajo, Gudoomiyaha golaha shacabka mudane Maxamad Cismaan Jawaari, Raysulwasaaraha xukuumadda federal-ka ah mudane Xasan Cali Khayre, Wasiirka arimaha dibada Soomaaliya mudan Yuusuf Garaad Cumar, ineey si degdeg ah wax uga qabtaan dhibaatooyinkaan baaxada leh ee soo food saaraya ardayda Soomaaliyeed ee ku nool dalkan Pakistan.
     
    Dhamaad
    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Dagaalka Iran iyo Israa’iil oo Maalinkii Lixaad galay.

    June 20, 2025

    Xasan si farsamaysan,ayuu ufuliyay amarkii Beesha Caalamka

    June 19, 2025

    Xeerka la dagaalanka argagaxisada PL oo wax laga badalay

    June 19, 2025
    Latest Posts

    Dagaalka Iran iyo Israa’iil oo Maalinkii Lixaad galay.

    Xasan si farsamaysan,ayuu ufuliyay amarkii Beesha Caalamka

    Xeerka la dagaalanka argagaxisada PL oo wax laga badalay

    Maxaa kasoo baxay Shirkii Xasan Shiikh Ee Xamar?

    Baaq ku socda Kufsi wadareedka ka dhacay LC.

    Shirka Bangiyada iyo Maaliyada Puntland oo soo xirmay

    Trump oo ku doodaya Ruushka in lagu daro G-7

    Wararkii ugu danbeeyay dagaalka Iran iyo Israa’iil?

    Faallo:-Maxaa dhacaya hadii Maraykanku ku biiro dagaalka Iran?

    Update:-Dagaalka Iran iyo Israa’iil

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.