Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Safaaradda Soomaaliya ee Pakistaan oo ka jawaabtay eedeymo loo jeediyay
    Somalia

    Safaaradda Soomaaliya ee Pakistaan oo ka jawaabtay eedeymo loo jeediyay

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyAugust 30, 2021No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Safaaradda Soomaaliya ee dalka Paakistaan ayaa ka jawaabtay cabashooyin iyo eedeymo culus oo kaga yimid Bulshada Soomaaliyeed ee ku nool dalkaasi, kuwaasi oo maal mihii ugu dambeeyay Baraaha Bulshada si weyn loogu faafiyay.

    Dadka Soomaalida ah ee ku nool dalkaasi oo u badnaa Arday wax ka barata Dalka Pakistaan ayaa sheegay in dhibaato weyn ay ka haysato fiisaha, waxaana ay intaa ku dareen in Safaaraddu ay ka gaabisay howlihii loo baahnaa in ay bulshada u qabato, balse War-saxaafadeed kasoo baxay Safaaradda ayaa waxaa lagu sheegay in arrinta Fiisaha ee ay ardaydu ka cabanayaan sida ugu dhaqsiyaha badan wax looga qaban doono, oo ay safaaraddu u taagan tahay sidii Ardayda cabashada keenay u xalin laahyd.

    Waxaa War-saxaafadeedka kasoo baxaya Safaaradda ayaa Ardayda iyo dadka kale ee Soomaaliyeed ee ku nool dalkaasi waxaa loogu sheegay hannaanka la doonayo in ay maraan si ay u helaan Fiisaha.

    Sidoo kale Qoraalka kasoo baxaya Safaarada ayaa waxaa lagu sheegay in isbeddal uu ku yimid qaabkii loo qaadan jiray Fiisaha, iyadoo Dowaldda Pakistan ay bilowday hannaan cusub oo Online ah, kaaso oo loo baahan yahay in Ardaydu ku baraarugaan, sida Qoraalka Safaaradda lagu sheegay.

    Idilnews

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Imaaraadka oo uga digay Yurub xagjiriinta Islaamka

    January 11, 2026

    Maraykanka oo duqaymo isdaba joog ah ka fuliyay Buuraha Calmiskad

    January 11, 2026

    Villa Somaliya awood ma uleedahay in ay Ciidamo ka hawlgiso gudaha dhulka PL?

    January 10, 2026
    Latest Posts

    Imaaraadka oo uga digay Yurub xagjiriinta Islaamka

    Maraykanka oo duqaymo isdaba joog ah ka fuliyay Buuraha Calmiskad

    Villa Somaliya awood ma uleedahay in ay Ciidamo ka hawlgiso gudaha dhulka PL?

    2025 oo noqday Sanadkii xaqiijinta Amniga Puntland.

    Faallo:-Xiriirka Sacuudiga iyo Imaaraadka keebaa uleh muhiimad PL?

    Faallo:-Villa Somaliya maka saari kartaa Dalka Dowlada Imaaraadka?

    Villa Somaliya oo ku cadaadinaysa Shiinaha in uu Wasiirka Arimaha dibada yimaado.

    Faallo:-Maxaa sababay baaqashada Wasiirka Shiinaha Ee Muqdisho?

    Faallo:-Khudbada Madaxweyne Xasan Shiikh Ee Caawa?

    Maraykanka oo ka baxay xubinimada hay’ado fara badan oo caalamiya

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.