Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Sawiro:-Daawo xafladii Guthenberg ee madaxweyne Gaas lagu soo dhaweeyay
    Somalia

    Sawiro:-Daawo xafladii Guthenberg ee madaxweyne Gaas lagu soo dhaweeyay

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyMay 21, 2017No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link
    Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wefti balaadhan oo uu hogaaminayo ayaa xalay oo ay taariikhdu ahayd19/5/2017 loogu sameeyey xaflad soo dhoweyn ah magaalada Guthenberg ee dalkaasi Sweden.
     
    Xafladan lagu soo dhoweynayey Madaxweynha Dawladda Puntland oo ahayd mid si wanaagsan loo soo agaasimay ayaa waxaa soo qabanqaabisay jaaliyada Puntland ee magaalada Guthenberg, xafladaasi oo ay ka soo qayb galeen dhamaan soomaalida ku dhaqan magaalada Guthenberg.
     
    Sidoo kale madashii lagu qabtay xaflada soo dhoweynta ah ee lagu maamuusayey Madaxweynaha Dawladda Puntland iyo waftigiisa ayaa iyana waxaa kasoo qayb galay jaaliyadaha iyo wakiilada Dawladda Puntland ee wadamo badan oo qaarada Europe kamida.
     
    Dhinaca kale waxaa xafladani iyaguna qayb weyn ka ahaa Fanaaniinta iyo kooxaha ciyaaraha hidaha iyo dhaqanka ee reer Sweden, kuwaas oo soo bandhigay heeso iyo ciyaaro hido iyo dhaqan ah oo aad iyo aad u xiiso badnaa welibana ku abuuray shucuur wanaagsan dadweynihii kasoo qayb galay xaflada soo dhaweynta Madaxweynaha Dawladda Puntland.
     
    Intii ay Xafladu socotay ayaa waxaa hadalo koo kooban ka jeediyey yimi Wasiiro, Xildhibaano, odayaasha dhaqanka, culimada, aqoonyahanda, siyaasiyiin, ururada dhalinyarada, ururada haweenka, xubnahaas oo dhamaantood si isku mida uga jeeday talooyin ku aadan adkaynta amniga iyo horumarinta Puntland iyo weliba horumarinta iyo ka qayb qaadashada bhorumarka dalka.
     
    Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo gebagebadii kulanka soo afmeeray ayaa aad iyo aad ugu mahad celiyey Jaaliyada Soomaalida Sweden, isagoo Madaxweynuhu mahad gaar ah u celiyey Jaaliyada Puntland ee magaalada Guthenberg, isla markaana tilmaamay sida uu ula dhacsan yahay iskuduubnidooda iyo sida wanaagsan ee ay usoo dhaweeyeen isaga iyo weftigiisa.
     
    ”waxaan doonaynaa inaan gaadhno hadafkeena, waxaan doonaynaynaa ka midha dhalino himaladeena, waana ta sababtay inaan xooga saarno horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha , waxaad maqashaan aniga oo ka hadlaya markasta kaabayaasha dhaqaala, sababta aan uga hadlayaa oo aan ugu soo celcelinayaa waxaa weeyaan, wadan aan lahayn kaabayaal dhaqaale oo xoog badani ma horumaro, waana taas sababtu, ka daalimayno tan iyo inta aan gaadhsiinayno Puntland meesha aan labaro, Soomaliya guud ahaana waxaan jecelahay iyo ku dedaalaan inay dhinaca horumarka u dhaqaaqaan, waad og tihiin si loo helo isbedelkii dhabta ahaa ee aan doonaynay, waxaan markiiba samaynay dib u eegistii, dhaqaalaha, shaqaalaha, cadaalada iyo garsoorka, aniga ayaana bilaabay oo Puntland ayaa ka kow ah Soomaaliya oo dhan wax la yimi hindisahaas” ayuu yidhi Madaxweyna Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas”
      
    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Wararkii ugu danbeeyay dagaalka Baallade Ee Calmiskaad

    August 24, 2025

    Puntland oo Ciidamo cusub gelisay hawlgalka Calmiskaad

    August 24, 2025

    Warbixin:-Kobaca dhaqaale Muwaadinka Somaliyed 5-tii Sano udanbaysay

    August 24, 2025
    Latest Posts

    Wararkii ugu danbeeyay dagaalka Baallade Ee Calmiskaad

    Puntland oo Ciidamo cusub gelisay hawlgalka Calmiskaad

    Warbixin:-Kobaca dhaqaale Muwaadinka Somaliyed 5-tii Sano udanbaysay

    Faallo:-Beesha Sool Bari oo markale siriq Siyaasadeed iyo Juquraafi isgelisay

    Faallo:-Puntland miyaa la diciifin karaa saamaynteeda Siyaasadeed?

    Xarunta Daaweynta iyo Dhaqida Kalyaha oo laga hirgeliyay isbitaalka Garowe

    Waxbadan ka ogow Dagalakii Shalay ka dhacay Godka Yucrin,Maragade iyo naf hurnimada ay muujiyeen CDPL

    Maraykanka oo si dadban ugu digay Xasan Shiikh

    CDPL iyo firxadkii argagixisada oo isku helay Toga Baallade

    Dhexdhexaadintii Kenya Ee Axmed iyo Xasan oo fashilantay

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.