Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Sawiro:-Dufacdii 15aad Dugsiga sare ee Ganbool Garowe oo qalanjabisay
    Somalia

    Sawiro:-Dufacdii 15aad Dugsiga sare ee Ganbool Garowe oo qalanjabisay

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJune 27, 2017No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha Dawlada Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 27 June 2017 ka qayb galay xafladda qalin jebinta ardayda dugsiga sare ee Ganbool, kuwaas oo ah dufcaddii 15 aad ee ka baxda dugsigaasi.

    Madaxweynaha ayaa waxaa xafladda ku wehelinaayey Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Puntland Abshir Aw yuusuf Ciise iyo ku xigeenkiisa, masuuliyiin ka tirsan goloyaasha dawladda Puntland, saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland, ardayda iyo macalimiinta dugsiga Ganbool, waalidiin iyo marti sharaf kale.

    Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa  hambal iyo bogaadin u soo jeediyey ardayda qalin jebisey, maamulka iyo macalimiinta dugsiga Ganbool iyo sidoo kale waalidiinta ku soo tabcday ardaydaasi, waxaana uu ku dheeraaday muhiimadda ay leedahay waxbarashadu,

    Sidoo kale Madaxweynaha ayaa ardayda kula dardaarmay inay markasta ku dedaalaan sidii ay aqoon tooda usii kobcin lahaayeen,  si ay mustaqbalka dhaw ugu  faa’iideyaan aqoonta ay soo barteen   dalkooda iyo dadkood, madaama ay yihiin jiilkii berito hogaanka u qaban lahaa dalka.

    dhinaca kale Madaxweynaha oo ka hadlaya shaqooyinka iyo mihiimada ay leeyihiin yaa sheegay in shaqo kasta oo qofku qabtaa ay tahay sharaf (shariif) ama wax wanaagsan hanoqoto tan ugu liidata ee laqabto ama tan ugu mustawe saraysa.

    Madaxweynaha Dawladda Puntland oo lahadlayey ardayda ayaa sheegay in qorshaha uga degan dawladda Al-shabaab uu yahay mid aan naxariisi ku jiren lana cidhib tirayo dhammaantood, isla markaana la karkarinayo lafahooda, mid midna loo ugaadhsan doono sida duurjoogta, waxaana uu hoosta ka xariiqay madaxweynuhu in ay Al-shabaab yihiin dabayl soconaysa oo dhaafaysa shacabka Soomaaliyeed.

    Wasiirka Wasaaradda Waxbarasha iyo taliinta sare ee Dawladda Puntland Abshir aw. Yuusuf Ciise ayaa dhankiisa ardayda ku boqaadiyey in ay sii wataan waxbarashoododa, isla markaana ay ka midha madhilyaan himiladooda iyo tan waalinkoodaba, waxaana uu sheegay in dugsiga Ganbool uu ka qayb qaatay Gurmadkii abaara taasina ay tahay wax lagu bogaadiyo, sidoo kale wasiirka aya xusay in qofka beeralayda ahi uu ugu farxad badan yahay marka dalagu usoo go’, halka bahda waxbarashaduna ay farxadooda tahay marka ay soo baxaaan arday  aqoon leh dhisan oo karti leh.

    Ugu danbayn Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa Illahay uga baryey inuu ku badhitaaro dedaalka ay da’yartani ugu jirto inay ka guul gaadhan meesha ay himiladoodu tahay, waxaana uu marlabaad ugu hanbalyeyey guusha ay gaadheen.

    –DHAMMAAD–

    XAFIISKA, WARFAAFINTA, WACYIGELINTA HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

     

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maraykanka oo si dadban ugu digay Xasan Shiikh

    August 22, 2025

    CDPL iyo firxadkii argagixisada oo isku helay Toga Baallade

    August 22, 2025

    Dhexdhexaadintii Kenya Ee Axmed iyo Xasan oo fashilantay

    August 22, 2025
    Latest Posts

    Maraykanka oo si dadban ugu digay Xasan Shiikh

    CDPL iyo firxadkii argagixisada oo isku helay Toga Baallade

    Dhexdhexaadintii Kenya Ee Axmed iyo Xasan oo fashilantay

    Dagaal kharaar oo ka socda Toga Baallade Ee Calmiskaad

    Beesha Warsengeli iyo Dowlada Puntland oo Shir uga furmayo Bosaso

    Madaxda Yurub,Nato iyo Maraykanka oo ka xaajoonaya dagaalka Ukrain

    Zelensky oo markale lagu soo dhaweeyay Aqalka-cad

    Ciidamada Difaaca Puntland oo sardar leh uwada Wajiga Afraad

    Yaa umaalgelinaya Itoobiya garoonka diyaaradaha cusub?

    Puntland oo soo saartay Boolis Tayo iyo Tiro sareeya

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.