Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Sawiro:-Maalinta Caruurta Africa oo si weyn looga xusay Garowe
    Somalia

    Sawiro:-Maalinta Caruurta Africa oo si weyn looga xusay Garowe

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJune 17, 2017No Comments3 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 16 June, 2017 waxa uu ka qayb galay munaasabad lagu maamuusayay maalinta caruurta Africa oo ku beegan 16 June sanad kasta, waxaana munaasabaddaas si wada jir ah usoo qaban qaabiyay Wasaaradda Haweenka iyo Arrimaha Qoyska iyo Wasaaradda Waxbarashada Puntland.

    Madaxweynaha Dawladda Puntland oo kahadlay Munaasibadaasi ayaa mahad balaadhan u soo jeediyey Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Puntland iyo Wasaaradda Haweenka iyo Arrimaha Qoyska oo siwadda jira u soo qaban qaabiya munaasibadani sanad walba markay ku aadan tahay ‘’16th June’’ , sidoo kale Madaxweynaha ayaa xusay in daryeelka iyo waxbarashadda dhalaanku ay tahay shaqadda ugu muhiimsan ee loo bahan yahay in bulshadu wakhti badan geliyaan si loo helo dhalaan tayo iyo tacliin wanaagsan leh.

     

    Sidoo kale Madaxweynaha oo ka tala bixiyey barbaarinta caruurta ayaa sheegay inay muhiim tahay in laga feejinaado dhalaan ku ababay dhaqan ku salaysan anshax xumo iyo kuwo leh dhaqankii iyo cadooyinka 30-kii sano ee ugu danbeeyey kuwaas oo ragaadiyey dawlad nimadeena,

     

    ‘’ Soomaalidu waxay ku maah-maahdaa ‘’Ratiba ratiga ka horeeya buu saan qaadkiisa leeyahay’’, hadaba si aan uga dheeraano soo bixitaanka dhalaan ku ababay dhaqan ku salaysan anshax xumo iyo dhaqamada xunxun ee Soomaalida mudadii 30-kii sano ee u danbeysey u diidey inay degto ragaadiyeyna dawladd nimadeda, waa inaynu diyaarimo qorshayaal horumaineed iyo mid siyaasadeed oo jiilka cusub u sahlaya inay helaan nolol ka duwan tan maanta ay ku jiraan’’. Ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.

     

    Dhinaca kale, Madaxweynaha oo kula dardaarmay waalidiinta reer Puntland inay caruurtooda ku carbiyaan  ama ku ababiyaan dhanka wanaagsan ee ku salaysan diinteena islaamka kaas oo ka beriya faldenbiyeed yadda uu ilmuhu ka arko waalidkii amaba uu caruutiisa waalidku ugu sheekeeyo waxaan dhaqan wanaagsan ahayn ay tahay mid majara habaabin karta  caruurta .

     

    Madaxweynaha ayaa sheegay in Puntland ka qayb tahay dhaqan gelinta xeerarka caalamiga ah ee dhawrista xuquuqda caruurta, waxaan uu sheegay madaxweynuhu inay ka kooban yihiin afar qaybood oo kala ah

    • Badbaadin,
    • Horumarin
    • Difaacid iyo
    • Ka qayb gelid

    Wasiirka Haweenka iyo Arrimaha Qoyska Aniisa Xaaji Muumin iyo Wasiirka Waxbarashada Abshir Aw-Yuusuf  Ciise iyo sidoo kale Wasiirka Cadaaladda  Saalax Xabiib Jaamac ayaa sharaxaad kooban ka bixiyay ujeedka munaasabadda oo sanadkasta la xuso, waxayna tilmaameen in dhowrista iyo daryeelka caruurtu ay tahay muhiim Allena waajib inagaga dhigay.

     

    Ugu Danbayn Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in Dawladda Puntland ay ka go’an tahay daryeelka barbaarinta caruurta iyo ilaalinta khataraha ku xeeran dhalaankeena, si taas looga midha dhaliyona waxaa uu sheegay Madaxweynuhu inay  lagama maarmaan tahay in bulshada qaybaheeda kala duwan ka qayb qaataan horumarka dhalaanka iyadoo qof walbi masuuliyad isa saarayo gurigiisa iyo inta uu masuulka kayahay dawladduna garab ku siinayso in horumar buuxa laga gaaro hababka kala duwan ee lagu difaacayo, loogu adeegayo laguna korinayo dhalaankeena iyo caruur teena.

     

    —DHAMMAAD—

    XAFIISKA, WARFAAFINTA WACYI GELINTA HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

     

     

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maraykanka oo si dadban ugu digay Xasan Shiikh

    August 22, 2025

    CDPL iyo firxadkii argagixisada oo isku helay Toga Baallade

    August 22, 2025

    Dhexdhexaadintii Kenya Ee Axmed iyo Xasan oo fashilantay

    August 22, 2025
    Latest Posts

    Maraykanka oo si dadban ugu digay Xasan Shiikh

    CDPL iyo firxadkii argagixisada oo isku helay Toga Baallade

    Dhexdhexaadintii Kenya Ee Axmed iyo Xasan oo fashilantay

    Dagaal kharaar oo ka socda Toga Baallade Ee Calmiskaad

    Beesha Warsengeli iyo Dowlada Puntland oo Shir uga furmayo Bosaso

    Madaxda Yurub,Nato iyo Maraykanka oo ka xaajoonaya dagaalka Ukrain

    Zelensky oo markale lagu soo dhaweeyay Aqalka-cad

    Ciidamada Difaaca Puntland oo sardar leh uwada Wajiga Afraad

    Yaa umaalgelinaya Itoobiya garoonka diyaaradaha cusub?

    Puntland oo soo saartay Boolis Tayo iyo Tiro sareeya

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.