Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Sawiro:-Madaxweynaha Jubaland oo tababar usoo xiray cutubyo ka tirsan ciidamada ee 43aad
    Somalia

    Sawiro:-Madaxweynaha Jubaland oo tababar usoo xiray cutubyo ka tirsan ciidamada ee 43aad

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyApril 29, 2017Updated:April 29, 2017No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link
    Kismaayo,idilnews,Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland ee Soomaaliya Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa Maanta oo Sabti ah tababar usoo xiray Ciidamo katirsan Xooga Dalka qaybta 43 ee Magaalada Kismaayo.
     
    Munaasabada Tababarkan lagu soo xirayay waxaa ka qayb galay Wasiiru Dowlaha Wasaarada Difaaca Soomaaliya iyo Sarakiil ka socotay Dowlada Federaalka ah iyo Hawlgalka AMISOM.
     
    Ciidamadan oo noqonaya dufcadii ugu horaysay ee ka qalin jabisa Qaybta 43 ee Ciidamada Xooga Dalka ayaa waxaa ay geedo ka Ciyaar kusoo bandhigeen Madaxda hortooda iyagoo soo bandhigay hababkii loo tababaray iyo Casharadii ay barteen.
     
    Ciidamadan ayaa ka kooban qaybta kumaandooska iyo Ciidamada Lugta waxaana ay mudo ku tababaranayeen Magaalada Kismaayo.
     
    Madaxweynaha Dowlada Jubbaland mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa sheegay in wax lagu farxo ay tahay in ay manta qalin jabinayaan dufcadii ugu horaysay ee Ciidamada Qaranka oo isku dhaf ah.
     
    Dhamaan dadkii gacanta ka gaystay hawshan ayuu Madaxweynahu u mahad celiyay isagoo sheegay in Al-Shabaab ay burbur qarka u saran yihiin wiilashii dhamaystiri lahaana ay manta diyaar u yihiin in ay ku dhaqaaqan.
     
    Ciidamada ayuu ku booriyay in ay muujiyaan dareen lahaansho oo ay Dalkooda xorayntiisa Naftooda u huraan isagoo xusay in ay Dowlada Federaalka ah laga sugayo wixii tasiilad ah oo Ciidamadan ka dhiman.
                       
    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Baaq ku socda Kufsi wadareedka ka dhacay LC.

    June 17, 2025

    Shirka Bangiyada iyo Maaliyada Puntland oo soo xirmay

    June 17, 2025

    Trump oo ku doodaya Ruushka in lagu daro G-7

    June 17, 2025
    Latest Posts

    Baaq ku socda Kufsi wadareedka ka dhacay LC.

    Shirka Bangiyada iyo Maaliyada Puntland oo soo xirmay

    Trump oo ku doodaya Ruushka in lagu daro G-7

    Wararkii ugu danbeeyay dagaalka Iran iyo Israa’iil?

    Faallo:-Maxaa dhacaya hadii Maraykanku ku biiro dagaalka Iran?

    Update:-Dagaalka Iran iyo Israa’iil

    Shirweynaha Bangiyada iyo Maaliyada oo Garowe ka furmay

    Wararkii ugu danbeeyay dagaalka Iran iyo Israa’iil

    Doonyo laga shakiyay oo lagu qabtay Bender-beyla

    Wararkii ugu danbeeyay ee dagaalka Iran iyo Israa’iil

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.