Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Sawiro:-Madaxweyne Axmed madoobe oo maanta xariga ka jaray garoonka kubada cagta ee Waamo oo dib u dhis lagu sameeyay
    Somalia

    Sawiro:-Madaxweyne Axmed madoobe oo maanta xariga ka jaray garoonka kubada cagta ee Waamo oo dib u dhis lagu sameeyay

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyApril 26, 2017No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link
    Kismaayo, Jubbaland,idilnews.. Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland ee Soomaaliya Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta oo Arbaco ah si rasmi ah u furay garoonka kubada Cagta ee Waamo kaas oo dib u dhis heer sare ah lagu sameeyay isla markaana la dhigay rooga macmalka ah.
     
    Madaxweynaha oo uu dhinac taagan yahay Madaxweyne ku xigeenka koobad ayaa sidoo kale furay Ciyaartii u horaysay oo lagu ciyaaro garoonka Waamo oo roog uu yaalo taas oo muujinaysa sida dar darta leh ay ku socdaan adeegyada dhinaca Hormarka ee Dowladu ay Kismaayo ka wado.
    Ciyaarta ugu horaysay ayaa waxaa ay dhex martay Ciyaartoyda Xulka Kubada Cagta Jubbaland iyo kooxda heerka koobad ee Koman.
     
    Madaxweynaha Dowlada Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa sheegay in ay muujinayso talaabadan sida ay Dowlada ay uga go’an tahay hormarinta Adeegyada Bulshada waxaana uu hoosta ka xariiqay in garoonka Waamo uu dhawaan marti galinayo Ciyaaraha Dowlad Goboleedyada dalka.
     
    Jubbaland ayuu Madaxweynahu sheegay in ay soo celinayso Tariikhdi dhinaca Ispoortiga ee Gobolku uu lahaa taas oo indhawaale dadaal ay Dowladu galinaysay.
     
    Xulka Jubbaland iyo Kooxaha heerka koobad ayuu Madaxweynahu sheegay in tababaro loogu qaadi doono Dalka dibadiisa si loo dhiso Muruqa iyo Maskaxdooda ayna awood ugu yeeshan Ciyaaraha Dalka oo dhan.
     
    Wasaarada Dhalinyarada iyo Ispoortiga ayuu ku amaanay dadaalkii ay hawshan u gashay isagoo sheegay in Ciyaaraha kala duwan ee deeganka lasoo noolayn doono.
    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Imaaraadka oo uga digay Yurub xagjiriinta Islaamka

    January 11, 2026

    Maraykanka oo duqaymo isdaba joog ah ka fuliyay Buuraha Calmiskad

    January 11, 2026

    Villa Somaliya awood ma uleedahay in ay Ciidamo ka hawlgiso gudaha dhulka PL?

    January 10, 2026
    Latest Posts

    Imaaraadka oo uga digay Yurub xagjiriinta Islaamka

    Maraykanka oo duqaymo isdaba joog ah ka fuliyay Buuraha Calmiskad

    Villa Somaliya awood ma uleedahay in ay Ciidamo ka hawlgiso gudaha dhulka PL?

    2025 oo noqday Sanadkii xaqiijinta Amniga Puntland.

    Faallo:-Xiriirka Sacuudiga iyo Imaaraadka keebaa uleh muhiimad PL?

    Faallo:-Villa Somaliya maka saari kartaa Dalka Dowlada Imaaraadka?

    Villa Somaliya oo ku cadaadinaysa Shiinaha in uu Wasiirka Arimaha dibada yimaado.

    Faallo:-Maxaa sababay baaqashada Wasiirka Shiinaha Ee Muqdisho?

    Faallo:-Khudbada Madaxweyne Xasan Shiikh Ee Caawa?

    Maraykanka oo ka baxay xubinimada hay’ado fara badan oo caalamiya

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.