Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Sawiro:-Puntland iyo DPWorld oo heshiis rasmiya kala saxiixday
    Somalia

    Sawiro:-Puntland iyo DPWorld oo heshiis rasmiya kala saxiixday

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyApril 6, 2017No Comments3 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Dawladda Puntland ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay  6 April 2017 la saxiitay heshiis taariikhiya shirkada DPWORLD ee wadanka Isutaga Imaaraadka Carabta, heshiiskaas oo ku saabsan balaarinta dekada magaalada Boosaaso oo laga dhigi doono dekad casri ah oo la jaanqaada dekadaha waaweyn ee adduunka.

    Weftigii balaadhnaa ee Madaxweynaha Dawladda Puntland ku weheliyey safarkiisa shaqo ee goobjooga ka ahaa heshiiska maanta ayaa waxaa ka mid ahaa Gudoomiya Baarlamaanka Puntland Mudane. Axmed Cali Xaashi, wasiirka Dekedaha Iyo Ladagaalnka Budhcad Badeeda Siciid Maxamed Raage, Wasiirka Maaliyada Puntland Cabdillaahi Sheekh, Wasiirka Arimaha Gudaha Iyo Dawladdaha Hoose Axmed Cilmi Karaash, Wasiiru Dawlaha Xidhiidhka Gobolada Bashiir, Agaasimaha PMPF Cabdiraxmaan Maxamuud Xaaji Xasan iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland

    Heshiiskan maanta ay wada gaadheen Dawllada Puntland iyo Shirkada P&O (DPWORLD) ayaa dhinacyada Puntland iyo P&O (DPWOLRD) waxaa ukala metelayey wefti balaadhan oo uu hogaaminayey Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo dhinaca kale oo ay u matalayeen  madaxa shirkada P&O (DPWORLD) mudane. Sultan Ahmed Bin Suleyman iyo masuuliyiin kale oo wehelisay, waxaana dhinca Puntland u saxiixay Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Wasiirka Dekedaha Siciid Maxamed Raage halka dhinaca P&O DPWORLD uu usaxiixay Maamulaha shirkada DPWOLd Sultaan Ahmed Bin Suleyman.

    Qodobada gundhiga u ah heshiiska ayaa ah in deked balaceedu yahay 450 mitir joogeeda hoosena yahay 12 mitir oo cusub la dhiso, isla marhaantaana la dayactiri doono dekeda hada jirta ee Magaalada Boosaaso, lacagta lagu maalgelinayo mashruuca ayaa dhan $ 336 million Dollar, lacagtaas oo wejiga koowaad ee dekada la gelin doono $ 2oo million Dollar, halka wejiga labaad ee dekada la gelin doono lacag dhan $ 136 million Dollar, dhismaha dekada ayaa lagu dhamays tiri doonaa mudo 24 bilood gudahood ah oo ka bilaabmaysa taariikhda heshiiska la saxiixay, heshiiska ayaa waxaa uu socon doonaa mudo 30 sanadood ah oo ka bilaabmaysa taariikhda heshiiska la saxiixay.

    Maamulaha shirkada DPWOLd Sultaan Ahmed Bin Suleyman oo ka hadlay munaasibadii saxiixa heshiiska ayaa sheegay iuu aad ugu faraxsan yahay inay heshiis la galaan dawladda Puntland, sidoo kalena sheegay inay balaadhinta Dekada Boosaaso wax badan ku soo kordhin doonto ganacsiga iyo isu socdka wadamada Africka iyo guud ahaan mandaqada oo dhan , isla marhaantaan ay diyaar u yihiin in xidhiidh wanaagsan oo ganacsi oo dhow la yeeshaan welibana ka dhabaynayaan kana midha dhalin doonaan xili dhow.

    Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cai Gaas ayaa sheegay in uu soo dhaweynayo shirkada P&O (DPWORLD) ugana mahadcelinayo soo dhawaynta wanaagsan ee ay isu sameeyeen isaga iyi weftigii balaadhnaa ee la socday iyo weliba sida wanaagsan ee ay ugu heelan yihiin, Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in mashuruuca dekeda Boosaaso uu qaynb ka yahay mashaariicda kele ee Dawladdu wado ee horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha.

    ”waxaa la gaadhay xiligii aan u jihaysan lahayn horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha, waxaan rabnaa markaa in Puntland wejiga ay maanta leedahay wejika bedelan ay yeelato, waxaan rajaynaynaa markaa insha Allaahin in mashruucani uu ka qayb qaato horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha, dabcan dekada Boosaaso oo keliya waxba tarimayso laakiin waan in la helaa mashaariic kale oo kaabta sida garoomada aan dhisayno ee aan ka wadno Garoowe, garoonka Gaalkacayo ee aan bilaabayno iyo jidadka aan wadno hada sidoo kale taa ayaana horumar lagu gaadhi karaa taa ayaana isu soo dhawaynasa labada dal welibana abuuraysa inaan shaqo u helno dhalinyaradayada , dadkayaga iyo mustaqbalka dadka soo socda waxaana rajaynayaa Insha Allaah in mashruucani hirgalo” ayuu yidhi Madaxweynaha dawladda Puntland.

    –DHAMMAAD–

    XAFIISKA, WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA PUNTLAN

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Baaq ku socda Kufsi wadareedka ka dhacay LC.

    June 17, 2025

    Shirka Bangiyada iyo Maaliyada Puntland oo soo xirmay

    June 17, 2025

    Trump oo ku doodaya Ruushka in lagu daro G-7

    June 17, 2025
    Latest Posts

    Baaq ku socda Kufsi wadareedka ka dhacay LC.

    Shirka Bangiyada iyo Maaliyada Puntland oo soo xirmay

    Trump oo ku doodaya Ruushka in lagu daro G-7

    Wararkii ugu danbeeyay dagaalka Iran iyo Israa’iil?

    Faallo:-Maxaa dhacaya hadii Maraykanku ku biiro dagaalka Iran?

    Update:-Dagaalka Iran iyo Israa’iil

    Shirweynaha Bangiyada iyo Maaliyada oo Garowe ka furmay

    Wararkii ugu danbeeyay dagaalka Iran iyo Israa’iil

    Doonyo laga shakiyay oo lagu qabtay Bender-beyla

    Wararkii ugu danbeeyay ee dagaalka Iran iyo Israa’iil

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.