Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Sawiro:-Puntland iyo Tanzaaniya oo heshiis wada gaaaray
    Somalia

    Sawiro:-Puntland iyo Tanzaaniya oo heshiis wada gaaaray

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJune 3, 2017No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Wafdi uu hogaaminayo wasiirka wasaaradda shaqada, shaqaalaha, dhalinyaradda iyo ciyaaraha dawladda Puntland ayna ka mid yihiin hay’adda shaqaalaha rayidka ah, jaamacadda PSU iyo kooxda xiriirka mashruuca tayeynta shaqaalaha dowladda oo baryahaan safar shaqo ku marayey dalalka deriska ah ayaa maanta waxay heshiis waxbarasho iyo tababarrada shaqaalaha Dowladda la sixiixdeen mac-hadka tababarka shaqaalaha ee dalka Tanzania (Tanzania Public Service College).

    Ujeedka Heshiiskaan ayaa ah Tababarka iyo Tayeynta Shaqaalaha Dowladda Puntland kaas oo qeyb ka ah  qorshaha dib u qaabeynta maamulka shaqaalaha (Civil Service Management Reform), taas oo mac-hadka tababarka shaqaalaha ee Tanzania uu kala shaqeyn doono jaamacadda PSU oo fulin doonta tababarka shaqaalaha ee Puntland gaar ahaan tababarrada wakhtiga dhow (Short term trainings)

    Heshiiska ayaa waxaa si rasmi ah u kala sixiixday jaamacadda Puntland State University (PSU) iyo mac-hadka tababarka shaqaalaha dowladda ee Tanzania, sidoo kale waxaa heshiiska qeyb ka ahaa wasiirka wasaaradaha shaqada, shaqaalaha, dhalinyaradda iyo ciyaaraha (MOLYS) ee Puntland Mudane.Cabdiraxmaan Axmed Cabdulle iyo Wasiiru Dowlaha wasaaradda maamulka shaqaalaha iyo maamul wanaagga dalka Tanzania (Public Service Management and Good Governance) Mss Angellah Jasmine Kairuki (MP)

    Hore Dowladda Puntland waxay heshiisyo noocaan oo kale ah  u kala sixiixdeen Mac-hadka Tababarka Shaqaalaha Dowladda Kenya (Kenya School of Government KSG) oo ay ka wada shaqeyn doonaan tababarrada madaxda dowladda (Executive Leadership Trainings) iyo Jaamacadda Tababarka Shaqaalaha ee Dalka Ethiopia (Ethiopia Civil Service University) taas oo dowladda Puntland kala shaqeyn doonta tababarka wakhtiga fog sida heerarka waxbarashada jaamacadeed ee kala duwan (Long term training).

    Dowladda Puntland waxaa ka go’an sidii ay shaqaaleheedu u heli lahaayeen tababar iyo tayo aqooneed oo aad u sarraysa taas oo  laf dhabar u noqon doonta horumarka Wasaaradaha iyo hay’adaha kala duwan ee dowladda si bulshada loo gaasiiyo adeegyo hufan oo tayo leh.

    Arrintaan waxaa ka taageeraya dowladda Puntland Mashruuca tayeynta ee CIP (Capacity Injection Program) ee uu maalgelinayo Baanka Adduunka.

     

    -DHAMAAD-

     

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maraykanka oo si dadban ugu digay Xasan Shiikh

    August 22, 2025

    CDPL iyo firxadkii argagixisada oo isku helay Toga Baallade

    August 22, 2025

    Dhexdhexaadintii Kenya Ee Axmed iyo Xasan oo fashilantay

    August 22, 2025
    Latest Posts

    Maraykanka oo si dadban ugu digay Xasan Shiikh

    CDPL iyo firxadkii argagixisada oo isku helay Toga Baallade

    Dhexdhexaadintii Kenya Ee Axmed iyo Xasan oo fashilantay

    Dagaal kharaar oo ka socda Toga Baallade Ee Calmiskaad

    Beesha Warsengeli iyo Dowlada Puntland oo Shir uga furmayo Bosaso

    Madaxda Yurub,Nato iyo Maraykanka oo ka xaajoonaya dagaalka Ukrain

    Zelensky oo markale lagu soo dhaweeyay Aqalka-cad

    Ciidamada Difaaca Puntland oo sardar leh uwada Wajiga Afraad

    Yaa umaalgelinaya Itoobiya garoonka diyaaradaha cusub?

    Puntland oo soo saartay Boolis Tayo iyo Tiro sareeya

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.