Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Sawiro:-Ra’isalwasaare Khayre oo maanta ka qaybaglay shir amniga badaha looga xaajoonayo
    Somalia

    Sawiro:-Ra’isalwasaare Khayre oo maanta ka qaybaglay shir amniga badaha looga xaajoonayo

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJune 28, 2017No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa shir guddoomiyay kulanka guddiga amniga Badaha, kaasoo looga hadlayay arrimo dhowr ah oo la xiriira badda Soomaaliya.

    Guddigan ayaa waxaa loo sameeyey in xiriir joogto ah ay la yeeshaan hay’adaha kala duwan ee dawladda ee ka shaqeeya arrimaha badaha.

    Kulanka ka soo qeyb galay Wasaaradaha Arrimaha Dibadda, Amniga, Maaliyadda, Gaashaandhigga, Kaluumeysiga, Caddaaladda iyo Xeer ilaaliyaha Qaranka , waxaana dood dheer laga yeeshay qodobadii looga hadlayay.

    Wasiirka Amniga Maxamed Abuukar Isloow (Ducaale) ayaa faah faahin ka bixiyey qaabka ugu haboon ee loo sugi karo amniga xeebaha dalkeena, isagoo tilmaamay muhiimadda ay leeyihiin ciidamadda Ilaalada xeebaha oo hadda qorshuhu yahay in la hoos geeyo Wasaaradda Amniga, maadaama ay xiligii hore ay hoostagi jireen Wasaaradda Gaashaandhigga ciidamadani.

    Wasiiirka Kalluumaysiga iyo Khayraadka badda dawladda Federaalka Soomaaliya C/raxman Maxamed Cabdi Xaashi ayaa faah faahin ka bixiyey sida ay ku bilowdeen kuna dhamaadeen shirarkii looga hadlayay wadaagga kheyraadka dalka ee u dhexeeyay Wasaaradda iyo wasaaradaha maamul gobolleedyada, gaar ahaan shir saddex cisho uga socday maamullada iyo Wasaaradda oo arrimahaas looga hadlayay, wuxuna xusay in Wasaaraddu ay joogteyn doonto wada xaajoodka u dhexeya labada dhinac si loo gaaro heshiis loo dhan yahay.

    Ugu danbeyn, Ra’iisul Wasaaraha ayaa kula dar-daarmay guddiga in la sameeyo qorshe cad oo loo marayo arrimaha badaheena, isla markaana cid waliba oo quseyso arrintani lala fariisto si qodobada ka soo baxaya shirarka u noqdaan kuwa leh aragti fog.

    “Badda Soomaaliya Soomaaliya waxay dhacdaa goob istaraatiiji ah oo muhimad weyn ugu fadhida caalamka gaar ahaan marka laga hadlaayo ganacsiga, gaadiidka badda iyo siyaabo kale, waxaana dadka Soomaaliyeed idinka sugayaan inaad danahooda ka shaqeysaan oo tallaabo walba oo la qaadayo noqoto mid cad oo wax mugdi ah uusan ku jirin, dalkeenana loogana faaiideeyo kheyraadkaas”ayuu yiri R.Wasaare Xasan Cali Kheyre.

    Kulanka ayaa waxaa sidoo kale ka hadlay Wasiirka Arrimaha Dibedda Mudane Yuusuf Garaad iyo qaar kamid ah Wasiiradda Maamul gobolleeyada qaar ee kulanka goob-joog ka ahaa oo dhamaantood ku dheeraaday muhiimadda uu dalkeena u leeyahay guddigani ka shaqeynaya Badaha Soomaaliya.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    November 19, 2025

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    November 19, 2025

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    November 19, 2025
    Latest Posts

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    Faahfaahin duqaymo lala beegsaday firxadka argagixisada

    Faah-faahin dheeraad ah Miisaaniyadda sanadka 2026 Ee Puntland

    Somaliya oo codkeeda ku biirisay Qasa in la geeyo Ciidan shisheeye

    Palestinian Authority welcomes UN Security Council resolution on Gaza

    𝗪𝗮𝗳𝘁𝗶 𝘂𝘂 𝗵𝗼𝗴𝗴𝗮𝗮𝗺𝗶𝗻𝗮𝘆𝗼 𝗪𝗮𝘀𝗶𝗶𝗿 𝗝𝘂𝘅𝗮 𝗼𝗼 𝗴𝗮𝗮𝗿𝗮𝘆 𝗗𝗵𝗮a𝗱𝗮𝗮𝗿

    Wasaarada Arimaha gudaha oo go’aan ka gaartat khilaafka Golaha Deegaanka

    Ciidamada Puntland oo qaaday hawlgal culus

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.