Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Sawiro:-Wasiir Xoosh Jibril oo bilaabay qorshihiisii dib u eegista dastuurka fadaraalka ee shakiga xooga leh laga qabay
    Somalia

    Sawiro:-Wasiir Xoosh Jibril oo bilaabay qorshihiisii dib u eegista dastuurka fadaraalka ee shakiga xooga leh laga qabay

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJune 14, 2017No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link
    Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Fadaraalka Somaliya,ayaa kulan wadatashi oo ka dhacay Xarunta Cilmibaarista ee Nabadda iyo Horumarinta Puntland u qabatay qaybaha kala duwan ee bulshada rayidka ee deegaanada Puntland.
     
    Kulanka ayaa waxaa ka soo qaybgalay bulshada qaybaheeda kala duwan iyo masuuliyiin katirsan dawlad Puntland oo ay kamid ahaayeen Wasiirka Arrimaha Dastuurka ee Puntland iyo Gudoomiye Ku-Xigeenka Baarlamaanka Puntland.
     
    Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil wasiirka wasaaradadastuurka fadaraalka oo kulanka khudbad ka jeediyay,ayaa sheegay in uu aad ugu farxasanyahay kulanka maanta.
     
    “Aad ayaan ugu farxsanahay aniga iyo waftiga ila socday wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee dawladda Federaalka in aan maanta kulamadii wadatashiga ee hannaanka dib u eegista Dastuurka aan soo gaarsiino Puntland,anaga oo ku sii wajahan dhamaan Dawladaha xubnaha ka ah dawlada fadaraalka ah” ayuu yiri Wasiir Xoosh.
     
    Qaar kamid ah dadkii ka soo qaybgalay kulanka ayaa su’aallo ku saabsanaa Qorshaha Guud ee Geedi-sicidka dib u eegista Dastuurka weydiiyay Wasiirka, sidoo kale waxa ay aragtiyo muhiim ah la wadaageen Wasaaraadda.
     
    Kulankan maanta ka dhacay magaalada Garoowe waxaa xigi doona kulamo ceynkan oo kale ah oo ay Wasaaradda ku qaban doonto caasimadaha dawlad goboleedyada.
     
    Isku soo wada duuboo baqdin iyo shaki xoog leh ayay bulshadu kamuujinaysaa wasiir Xoosh Jibril,iyadoo bulshada inteeda badan ay u aragto wasiir Xoosh in uu isagu khatar ku yahay dastuurka iskabadaa waxuu saxo ama si cadaalad ah ku fuliyee.
     
    Xoosh waa nin musuqmaasuq badan,balwad leh aad loogu xanto laaluush qaadashada,isla markaana lasoo tijaabiyay.
     
    Dawlada Puntland oo ahayd bud dhigayaashii dastuurka fadaraalka iyo guud ahaan nidaamka dawliga ah ee Somaliya,ayaa looga fadhiyaa ilaalinta dastuurka iyo in ay il gooniya oo taxadar leh kula socoto shaqada wasiir Xoosh.
    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Imaaraadka oo uga digay Yurub xagjiriinta Islaamka

    January 11, 2026

    Maraykanka oo duqaymo isdaba joog ah ka fuliyay Buuraha Calmiskad

    January 11, 2026

    Villa Somaliya awood ma uleedahay in ay Ciidamo ka hawlgiso gudaha dhulka PL?

    January 10, 2026
    Latest Posts

    Imaaraadka oo uga digay Yurub xagjiriinta Islaamka

    Maraykanka oo duqaymo isdaba joog ah ka fuliyay Buuraha Calmiskad

    Villa Somaliya awood ma uleedahay in ay Ciidamo ka hawlgiso gudaha dhulka PL?

    2025 oo noqday Sanadkii xaqiijinta Amniga Puntland.

    Faallo:-Xiriirka Sacuudiga iyo Imaaraadka keebaa uleh muhiimad PL?

    Faallo:-Villa Somaliya maka saari kartaa Dalka Dowlada Imaaraadka?

    Villa Somaliya oo ku cadaadinaysa Shiinaha in uu Wasiirka Arimaha dibada yimaado.

    Faallo:-Maxaa sababay baaqashada Wasiirka Shiinaha Ee Muqdisho?

    Faallo:-Khudbada Madaxweyne Xasan Shiikh Ee Caawa?

    Maraykanka oo ka baxay xubinimada hay’ado fara badan oo caalamiya

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.