Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Saynisyahankii hubka Nukliyeerka ee Pakistan oo geeriyooday
    Somalia

    Saynisyahankii hubka Nukliyeerka ee Pakistan oo geeriyooday

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyOctober 10, 2021No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Allaha u Naxariisto Dr. Cabdulqaadir Khan oo ahaa Sameeyihii Hubka Nukliyeerka ee Pakistan ayaa saakayto oo Axad ah ku geeriyooday caasimadda dalkaasi ee Islamabad.

    Saynisyahanka oo 85 jir ahaa ayaa la sheegay inuu u geeriyooday xanuun kaga dhacay Sambabada.

    Telefishinka Qaranka Pakistan ee PTV ayaa saakayto sheegay inuu Saynisyahanka Nukliyeerka Pakistan uu geeriyooday, xilli loo wareejiyey Isbitaal kale sababo la xiriira dhibaayooyonka dhanka Sambabada (Lung problems).

    RW Pakistan, Imran Khan waxa uu sheegay inay Dr. C/qaadir Khan aad loo jeclas, maadaama uu door muhiim ah ka qaatay sidii uu dalka Pakistan u noqon lahaa dal haysta Hubka Nukliyeerka iyo isagoo noqday Halyeey Qaran oo Tusaale muhiim u ah dadka iyo dalka.

    Saynisyahanka farsameeyey Nukliyeerka Pakistan waxaa lagu aasi doonaa Masjidka Jaamaca ee Faysal Mosque oo ku yaalla magaalladda Islamabad, sida uu horey ugu dardaarmay Marxuumka.

    Warar ayaa sheegayo in Marxuumka laga daaweeyey Xanuunka COVID-19, kana soo bogsaday.

    Idilnews

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Puntland maka faa’idaysan doontaa Saabiriina Dhowre

    November 22, 2025

    Maqnaanshaha Trump oo macno tirtay Shirkii G-20

    November 22, 2025

    Madaxii GPS-yada Daacush oo Gacanta lagu dhigay

    November 22, 2025
    Latest Posts

    Puntland maka faa’idaysan doontaa Saabiriina Dhowre

    Maqnaanshaha Trump oo macno tirtay Shirkii G-20

    Madaxii GPS-yada Daacush oo Gacanta lagu dhigay

    Tiro kale oo argagixisada ah oo lagu dilay duqayn Cirka ah

    Firxad argagixiso oo isku soo dhiibay Ciidamada Puntland

    Abaaraha daran Ee Puntland ka jira oo laga shiray

    Xildhibaan Ilhaan Cumar oo ka hadashay hakintii barnaamijka TPS

    Trump oo meesha ka saaray sharci Somalida macno weyn ulahaa

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    Saxaafada caalamka oo isku soo shubtay Puntland

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.