Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Shabakad hubeysan oo lagu qabtay magaalada Muqdisho
    Somalia

    Shabakad hubeysan oo lagu qabtay magaalada Muqdisho

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyOctober 7, 2021No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Howlgal qorsheysan oo la sheegay inay hormuud ka ahaayeen Ciidanka Howlgallada gaarka ee Taliska Nabad Sugidda Gobolka Banaadir ayey ka fuliyeen Degmada Kaxda iyo Deegaanka Garasbaaley ee Gobolkan Banaadir.

    Howlgalka ayaa waxaa lagu sheegay in lagu soo qabtay shabakad ka hawlgali jirtay qeybta galbeed ee Gobolka Banaadir iyo hub kala duwan oo iskugu jira qoryaha fudud, rasaasta Hobiyaha, Bambooyin iyo qorayga RBG-ga ama baasuukaha.

    Saraakiil dhinaca amniga ah ayaa sheegay in Shabakadan oo ka koobnayd rag iyo dumar ay Sirdoonka Soomaaliya burburiyeen, ayna ku dabajiraan Xubnihii ka haray shabakadan iyo qori Hobiye ahaa oo ay ummadda ku dhibaatayn jireen.

    ” Sirdoonka Caasimadda ayaa mar walba heegan u ah ka hortagidda khataraha cadawga argagixisada ah ee caadaystay daadinta dhiiga Shacabka Soomaaliyeed ayaa lagu yiri” Qoraalka kasoo baxay dowladda Soomaaliya.

    Dowladda Soomaaliya ayaa dhowr jeer oo hore sheegtay in howlgallo laga fuliyay Magaalada Muqdisho lagu qabtay hub iyo Xubno katirsan Al-Shabaab.

    Idilnews

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Imaaraadka oo uga digay Yurub xagjiriinta Islaamka

    January 11, 2026

    Maraykanka oo duqaymo isdaba joog ah ka fuliyay Buuraha Calmiskad

    January 11, 2026

    Villa Somaliya awood ma uleedahay in ay Ciidamo ka hawlgiso gudaha dhulka PL?

    January 10, 2026
    Latest Posts

    Imaaraadka oo uga digay Yurub xagjiriinta Islaamka

    Maraykanka oo duqaymo isdaba joog ah ka fuliyay Buuraha Calmiskad

    Villa Somaliya awood ma uleedahay in ay Ciidamo ka hawlgiso gudaha dhulka PL?

    2025 oo noqday Sanadkii xaqiijinta Amniga Puntland.

    Faallo:-Xiriirka Sacuudiga iyo Imaaraadka keebaa uleh muhiimad PL?

    Faallo:-Villa Somaliya maka saari kartaa Dalka Dowlada Imaaraadka?

    Villa Somaliya oo ku cadaadinaysa Shiinaha in uu Wasiirka Arimaha dibada yimaado.

    Faallo:-Maxaa sababay baaqashada Wasiirka Shiinaha Ee Muqdisho?

    Faallo:-Khudbada Madaxweyne Xasan Shiikh Ee Caawa?

    Maraykanka oo ka baxay xubinimada hay’ado fara badan oo caalamiya

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.