Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Shirweynaha Wasiirada Arrimaha Shaqada dalalka carabta oo Qaahira ka furmaya
    Somalia

    Shirweynaha Wasiirada Arrimaha Shaqada dalalka carabta oo Qaahira ka furmaya

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeySeptember 5, 2021No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Soomaaliya , Cabdiwahaab Ugaas Xuseen Ugaas Khaliif ayaa ka qeybgalaya kalfadhiga 47 ee shir-weynaha arrimaha Shaqada iyo Shaqaalaha waddamada Carabta , oo Maanta oo Axad ah ka furmaya magaalada Qaahira ee xarunta dalka Masar.

    Shirkan heerka wasiir ee dalalka Jaamacadda Carabta , oo lagu wado inuu daahfuro Ra’iisul Wasaaraha Masar Moustafa Madbouly waxaa diiradda lagu saari doonaa xal u helida shaqo la’aanta ay wajahayaan muwaadiniinta waddamada Jaamacadda Carabta , furadaha shaqo, Horumarinta Shaqaalaha iyo saameynta COVID-19.

    Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada , Cabdiwahaab Ugaas Xuseen ayaa shirkan ku tilmaamay inuu albaab cusub u furayo sidii ay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Soomaaliya iskaashiga wanaagsan ula yeelan lahayd wasaaradaha dhiggeeda ah ee Jaamacadda Carabta.

    “ Shir sannadeedkan wuxuu na dhaxal siin doonaa inan fursad qeyb ka noqonaysa dadaallada shaqooyin iyo Horumarinta shaqaalaha ku raadino.” ayuu yiri wasiir Cabdiwahaab, isagoo intaa ku daray khudbad uu ka jeedin doono shirka inuu arrimahaa diiradda ku saari doono.

    Wasiir oo sidoo kale boggaadiyay doorka safaaradda Soomaaliya ee Masar, ayaa kulamo dooceed la yeelan doona wasiirrada dhiggiisa ah ee dalalka Jaamacadda Carabta iyo Saraakiisha Jaamacadda Carabta.

    Idilnews

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Imaaraadka oo uga digay Yurub xagjiriinta Islaamka

    January 11, 2026

    Maraykanka oo duqaymo isdaba joog ah ka fuliyay Buuraha Calmiskad

    January 11, 2026

    Villa Somaliya awood ma uleedahay in ay Ciidamo ka hawlgiso gudaha dhulka PL?

    January 10, 2026
    Latest Posts

    Imaaraadka oo uga digay Yurub xagjiriinta Islaamka

    Maraykanka oo duqaymo isdaba joog ah ka fuliyay Buuraha Calmiskad

    Villa Somaliya awood ma uleedahay in ay Ciidamo ka hawlgiso gudaha dhulka PL?

    2025 oo noqday Sanadkii xaqiijinta Amniga Puntland.

    Faallo:-Xiriirka Sacuudiga iyo Imaaraadka keebaa uleh muhiimad PL?

    Faallo:-Villa Somaliya maka saari kartaa Dalka Dowlada Imaaraadka?

    Villa Somaliya oo ku cadaadinaysa Shiinaha in uu Wasiirka Arimaha dibada yimaado.

    Faallo:-Maxaa sababay baaqashada Wasiirka Shiinaha Ee Muqdisho?

    Faallo:-Khudbada Madaxweyne Xasan Shiikh Ee Caawa?

    Maraykanka oo ka baxay xubinimada hay’ado fara badan oo caalamiya

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.