Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Soomaaliya oo dib ula wareegtay maamulka Hay’addo ka maqnaa
    Somalia

    Soomaaliya oo dib ula wareegtay maamulka Hay’addo ka maqnaa

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeySeptember 21, 2021No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Magaalada Muqdisho ayaa waxaa lagu qabtay munaasabad ay dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ay Qaramada Midoobay dib ugala soo wareegeysay masuuliyadda Hay’adaha Falanqeynta Sugnaanta Cuntada iyo Nafaqo-darrada (FSNAU) iyo hay’adda xog ururinta biyaha iyo dhulka Soomaaliya (SWALIM).

    Munaasabadda la wareegitaanka oo ka dhacday Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka qeyb galay Madax ka socotay Hay’adda FAO oo dhamaan ay wada hoostagayeen, kaaliyaha xoghayaha Wakiilka Qaramada ee Soomaaliya iyo Wasiiro uu kamid yahay Wasiirka qorsheynta Xukuumadda Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan, waxaana hehiiska lagu go’aamiyay in Soomaaliya ay si buuxda ula soo wareegtay maamulka Hay’adaha (FSNAU) iyo (SWALIM).

    Madaxa Hay’adda FAO ee Soomaaliya ayaa sheegay inay wax badan kasoo qabteen dhinaca horumarinta sugnaanta Cuntada iyo Biyaha, isla markaana ay rajeeynayaan in Soomaaliya ay wax badan ka bedeli doonaan horumarinta mashaafiicdaan.

    Agaasimaha Guud ee Hay’adda Istaatiitikada Qaranka ayaa tilmaamay in hay’adaha ay la wareegeen ay muhiimad gaar ah u leeyihiin dalka waxbadana ay ka bedeli doonaan xogihii laga gudbin jiray Soomaaliya .

    Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa bogaadiyay dadaalka ay Hay’adda Istatistikada Qaranka Soomaaliyeed kula soo wareegtay masuuliyadda Hay’adaha (FSNAU) iyo (SWALIM) oo muddo dheer kadib maamulkeedu dib ugu soo laabtay gacanta Dawladda Federaalka Soomaaliya.

    Dowladda Soomaaliya ayaa horay waxaa ay ula soo wareegtay Hay’ado iyo Barnaamijyo kale oo ay Hay’ado kale iyo dowladdo gacanta ku hayeen 30-kii sano ee la soo shaafay, kuwaas oo hadda ay sitoos ah u maamuleyso dowladda Soomaaliya.

    Idilnews

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Imaaraadka oo uga digay Yurub xagjiriinta Islaamka

    January 11, 2026

    Maraykanka oo duqaymo isdaba joog ah ka fuliyay Buuraha Calmiskad

    January 11, 2026

    Villa Somaliya awood ma uleedahay in ay Ciidamo ka hawlgiso gudaha dhulka PL?

    January 10, 2026
    Latest Posts

    Imaaraadka oo uga digay Yurub xagjiriinta Islaamka

    Maraykanka oo duqaymo isdaba joog ah ka fuliyay Buuraha Calmiskad

    Villa Somaliya awood ma uleedahay in ay Ciidamo ka hawlgiso gudaha dhulka PL?

    2025 oo noqday Sanadkii xaqiijinta Amniga Puntland.

    Faallo:-Xiriirka Sacuudiga iyo Imaaraadka keebaa uleh muhiimad PL?

    Faallo:-Villa Somaliya maka saari kartaa Dalka Dowlada Imaaraadka?

    Villa Somaliya oo ku cadaadinaysa Shiinaha in uu Wasiirka Arimaha dibada yimaado.

    Faallo:-Maxaa sababay baaqashada Wasiirka Shiinaha Ee Muqdisho?

    Faallo:-Khudbada Madaxweyne Xasan Shiikh Ee Caawa?

    Maraykanka oo ka baxay xubinimada hay’ado fara badan oo caalamiya

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.