Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Soomaaliya oo ka qeybgalay Shirweynah 47-aad ee Wasiirada Shaqada JC (VIDEO)
    Somalia

    Soomaaliya oo ka qeybgalay Shirweynah 47-aad ee Wasiirada Shaqada JC (VIDEO)

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeySeptember 5, 2021No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Soomaaliya Cabdiwahaab Ugaas Xuseen Ugaas Khaliif ayaa ka qeybgalay furitaanka shir-weynaha Shaqada ee waddamada Jaamacadda Carabta oo maanta ka furmay magaalada Qaahira ee xarunta Dalka Masar.

    Shirka ayaa muddada uu socdo looga hadlayaa arrimaha Shaqada iyo Shaqaalaha,iyadoo diiradda la saarayo caqabadaha iyo horumarrada. Waxaa ka qeybgalaya dhammaan wasiirrada Shaqada ee waddamada Carabta.

    Madaxweynaha Masar, Cabdel Fataax Al-Sisi oo hadal la xiriirray shirka hab muuqaal ah ku soo gudbiyay, wuxuu ku tilmaamay shir weynaha inuu muhiimad u leeyahay muwaadiniinta Jaamacadda Carabta, isagoo hoosta ka xariiqay iskaashiga waddamada inay wax u tiri karto dadaallada lagu dhimayo shaqo la’aan.

    Axmed Abul Gheit,Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta, Wasiirka Shaqada Masar,Maxamed Maxamuud Saafan iyo Agaasimaha Guud ee ururka Shaqaalaha Jaamacadda Carabta, Fayez Ali Al-Mutairi oo furitaanka shirka hadlay ayaa si isku mid ah u sheegay shirka in laga doonayo in lagu gaaro xal wada jir ah oo lagu dhimayo caqabadaha shaqo ee ka jira dalalka Carabta.

    Docda kale, inta uu shirka socday wuxuu wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Soomaaliya, Mudane Cabdiwahaab Ugaas Xuseen kulan dooceedyo la yeeshay xoghayaha guud ee Jaamacadda Carabta, Agaasimaha ururka Shaqaalaha Jaamacadda Carabta iyo wasiirrada dhiggiisa ah ee ururka Jaamacadda Carabta, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen wasiirrada dalalka, Masar, Qatar, Sacuudiga, Iraaq , Kuweit, Suudaan,Jordan iyo Marooko,iyadoo laga wada-hadlay sidii loo xoojin lahaa xiriirka iyo iskaashiga wax wada qabsi, horumarinta Shaqaalaha,barnaamijyada taageerraya shaqo abuurka,xirfadaha iyo maalgashiga.

    Wasiirrada waddamada Qatar, Sacuudiga,Ciraaq iyo Kuweit ayaa casuumad rasmi ah u fidiyay Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Soomaaliya, si dalalka ay uga taageeraan Soomaaliya mashaariicda shaqo abuur, tababarrada, xirfadaha muhiimka ah ee shaqada, taas wax ka tari karta amniga iyo dhaqaalaha Soomaaliya.

    Gabagabadii, wuxuu Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Soomaaliya oo sheegay muddada uu socdo shirka inuu kullamo kale la qaadanayo qaar ka mid ah wasiirrada iyo ururrada shirka ka qeybgalaya, ururka Jaamacadda Carabta iyo dalalka Carbeed uga mahadceliyay taageerrada ay Dawladda iyo Bulshada Soomaaliyeed ku siinayaan dib u dhiska iyo horumarinta Dalka.

    Idilnews

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Wararkii ugu danbeeyay dagaalka Baallade Ee Calmiskaad

    August 24, 2025

    Puntland oo Ciidamo cusub gelisay hawlgalka Calmiskaad

    August 24, 2025

    Warbixin:-Kobaca dhaqaale Muwaadinka Somaliyed 5-tii Sano udanbaysay

    August 24, 2025
    Latest Posts

    Wararkii ugu danbeeyay dagaalka Baallade Ee Calmiskaad

    Puntland oo Ciidamo cusub gelisay hawlgalka Calmiskaad

    Warbixin:-Kobaca dhaqaale Muwaadinka Somaliyed 5-tii Sano udanbaysay

    Faallo:-Beesha Sool Bari oo markale siriq Siyaasadeed iyo Juquraafi isgelisay

    Faallo:-Puntland miyaa la diciifin karaa saamaynteeda Siyaasadeed?

    Xarunta Daaweynta iyo Dhaqida Kalyaha oo laga hirgeliyay isbitaalka Garowe

    Waxbadan ka ogow Dagalakii Shalay ka dhacay Godka Yucrin,Maragade iyo naf hurnimada ay muujiyeen CDPL

    Maraykanka oo si dadban ugu digay Xasan Shiikh

    CDPL iyo firxadkii argagixisada oo isku helay Toga Baallade

    Dhexdhexaadintii Kenya Ee Axmed iyo Xasan oo fashilantay

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.