Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Taariikhdii Suldaan Mohamed Qaan Al-faatix Ibn Muraad,WD.Osmaan Saed Hersi
    Somalia

    Taariikhdii Suldaan Mohamed Qaan Al-faatix Ibn Muraad,WD.Osmaan Saed Hersi

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyApril 17, 2017No Comments3 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Waa suldaan Mohamed qaan al-faatix Ibn muraad

    Waa ninkii furtay magaalada qusdhan-dhiiniyya ee kadib loo baxshay islam buul Haddana loo yaqaan Istanbul ee caasimadda turkiga .

    Waxa uu dhashay 835 tii hijriyada …waxaana uu ahaa suldaan kii dhidibada u taagay dowladii islaamka oo mid ah soo daadihineeysey in ka badan 600 sano ee cusmaaniyiinta loo yiqiinay …waana suldaankii ugu adkaa uguna firfircoonaa ee soomaray dowladaas…uguna dadaal badnaa …ahaana mujaahidkii weeynaa e caanka ahaa .

    Mujaahid meelo badan kasoo dagaallo galay buu ahaa laakiin jihaadkiisii kiisii ugu caansanaa abid waxaa uu ahaa kii uu ku furtay qunasdhandhiin kadib cunaqabateyn 51 casho uu ku saaray kadib ku qabsaday magaaladaasi taariikh du markeey aheyn 24 tii jumaadul aakhir bisha loo yaqaan sanaddii 857 dii ,isagoo 24 jir ah da,diisa .

    Nin saaxibul karaamaadka ah buu ahaa oo wali ilaaheey ah ….suufi ah …Ahlusunna Waljamaacah ah …waxaana uu xukun ka soo hayey 31 sano …oo ah ilaa uu ka dhinto sanad ku markuu ahaa 886 dii hijriyada…waa sida ku xussan kitaabka loo yaqaan min samadhal nujuum alcawaalii fii abnaa al-awaa,il wal tawaalii ,ee u qoray cabdul Malik bin xusien alcussaamii almakiyyi ee ilaah oofsaday sanadii 1111 hijriyada …juzkiisa afraad ,baalkiisa lixdan Iyo todobaad.

    Bishaarada nabiga ee ku wajahan suldaankaas

    Waxaa lagusoo wariyey musnadka imam Ahmed bin xanbal xadiithka lanbarkiisu yahay 18189 aad oo sidatan u dhigan Kuwa soo wariyey sanadkoodana lagu kalsoonyahay.

    Waxaa inoo waramay cabdullaahi bin maxamedbin abii sheybah..Anna aan ka maqlay isla cabdalla bin maxamed bin abii sheybah laf ahaantiisa ,isna uu u warramay zeyd bin alxubaab …isna waxaa uu kasoo qaaday warkaas oo u warramay alwaliid bin mugirah al macaafiri …isna waxaa uu warkaasi u warramay oo uu kasoo qaaday saana ku yiri cabdalla Bintu bishrin al-kath maciyyu …isna saa waxaa ku yiri aabihii oo isna hadalaas dhagihiisa kaga maqlay nabiga nabad Iyo naxariis eebbe haku galladeeytee oo leh sidatan .

    {{{ muslimiinta waa eey furan doonaan o waa eey furan meesha qusdhan-dhiin layiraahdo waana la mahadin oo waa la mahaddin amiirka meeshaas furan doono oo kheyr qabe ah Sido kale waxaa iyana kheyr qabayaal ah oo la mahaddin doonaa ciidanka halkaas furan doono…oo ah isaga ciidankiisa…}}}} dhammaad hadalka nabiga .

    Xadiithkaas waxaa uu ku xussan yahay musnadka imam Ahmed bin xanbal waana xadiithka lanbarkiisu yahay 18189 aad…waana xadiith dhab ah oo lahubiyey.

    Ammaan taas nabiga sidaas u ammaanay qof kastaa oo muslimka laga soo bilaabo saxaabdii waxaa uu isku dayi jiray in uu hanto…laakiin nasiib darro Nina nasiib uma yeelan aan ka aheyn Kheyr-qabe mujaahid maxamed alfaatix althaani oo nabigu Uga marqaati kacay in uu ahaa qof kheyr qaba o la mahadindoono …..waana dhacday taasi …..waxaa uu ahaa Ahlusunna Waljamaaca ,suufi ah , nabiga xusa ..awliyadana barakeeysta oo ku tawasula …waana marqaati nabiga inooga marqaati kacahayo wanaaga caqiidayada ah Ahlusunna Waljamaaca …sax ahaanteeda waayo hadii uu caqiido xun heeysan Lahaa ninkaaan nabigu ma ammaaneen…..xadiithka nabiga 800 sano kadib waxaa xaqiijiyey amiirkaas…..waana ninkii dhidibada u aasaasay dowladii cuthmaaniyiinta oo islaamka soo daadihineeysey in ka badan 500 sano Islamka oo mid ah …waana lamahadiyey sida uu nabiga inooga bishaareeyey.

    Madadkiisa Iyo nafaxaadkiisa alloow Ina sii mujaahidkaasi.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Baaq ku socda Kufsi wadareedka ka dhacay LC.

    June 17, 2025

    Shirka Bangiyada iyo Maaliyada Puntland oo soo xirmay

    June 17, 2025

    Trump oo ku doodaya Ruushka in lagu daro G-7

    June 17, 2025
    Latest Posts

    Baaq ku socda Kufsi wadareedka ka dhacay LC.

    Shirka Bangiyada iyo Maaliyada Puntland oo soo xirmay

    Trump oo ku doodaya Ruushka in lagu daro G-7

    Wararkii ugu danbeeyay dagaalka Iran iyo Israa’iil?

    Faallo:-Maxaa dhacaya hadii Maraykanku ku biiro dagaalka Iran?

    Update:-Dagaalka Iran iyo Israa’iil

    Shirweynaha Bangiyada iyo Maaliyada oo Garowe ka furmay

    Wararkii ugu danbeeyay dagaalka Iran iyo Israa’iil

    Doonyo laga shakiyay oo lagu qabtay Bender-beyla

    Wararkii ugu danbeeyay ee dagaalka Iran iyo Israa’iil

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.