Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Video:-12 ku dhimatay dab ka kacay Guri ku yaala London
    Somalia

    Video:-12 ku dhimatay dab ka kacay Guri ku yaala London

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJune 14, 2017No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Booliska ayaa sheegay in laba iyo toban qof ay ku dhinteen dhisme dheer oo dab qabsaday oo ku yaal galbeedka magaalada London. Waxaana la filayaa in ay tirada dhimashadu korodho.

    Shaqaalaha dab demiska oo lagu wargeliyey masiibadan abaaro 12:54 habeenimo saacadda London, ayaa ka badbaadiyey 65 qof dhismaha dheer ee Grenfell Tower oo ku yaal woqooyiga Kensington.

    Dad goob joog ahaa ayaa sheegay in dadku ku go’doomeen dhismaha dheer oo ay u qayshanayeen in caruurtooda loo soo gurmado oo la badbaadiyo.

    Wasiirka booliska iyo dab demiska, Nick Hurd, ayaa sheegay in ay hada qorshaynayaan in ay baadhaan dhismeyaasha dhaadheer ee la mid ka ah kan gubtay.

    Shaqaalaha caafimaadka ayaa sheegay in 68 qof oo dhaawacmay loo kala qaaday lix isbitaal oo ku yaal magaalada London, dadkaas oo ay ka mid yihiin 18 qof oo xaaladoodu ba’antahay.

    Taliye xigeenka waaxda dab demiska London, Steve Apter, ayaa sheegay in “weli dab ka baxayo qolal ka mid ah dhismaha, kuwaas oo ah kuwa xaga sare ku yaal ee ay adag tahay in la gaadhaa, bal se dhismaha gabi ahaantiiba dadkii laga daad gureeyey”.

    Ra’isal wasaare Theresa May ayaa sheegtay in ay aad uga murugaysantahay in dad naftooda ku waayeen shilkan

     

     

     

    Halkan ka daawo muuqaalka

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    November 19, 2025

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    November 19, 2025

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    November 19, 2025
    Latest Posts

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    Faahfaahin duqaymo lala beegsaday firxadka argagixisada

    Faah-faahin dheeraad ah Miisaaniyadda sanadka 2026 Ee Puntland

    Somaliya oo codkeeda ku biirisay Qasa in la geeyo Ciidan shisheeye

    Palestinian Authority welcomes UN Security Council resolution on Gaza

    𝗪𝗮𝗳𝘁𝗶 𝘂𝘂 𝗵𝗼𝗴𝗴𝗮𝗮𝗺𝗶𝗻𝗮𝘆𝗼 𝗪𝗮𝘀𝗶𝗶𝗿 𝗝𝘂𝘅𝗮 𝗼𝗼 𝗴𝗮𝗮𝗿𝗮𝘆 𝗗𝗵𝗮a𝗱𝗮𝗮𝗿

    Wasaarada Arimaha gudaha oo go’aan ka gaartat khilaafka Golaha Deegaanka

    Ciidamada Puntland oo qaaday hawlgal culus

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.