Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Video:-22 Ku geeriyootay Qarax ka dhacay manchester
    Somalia

    Video:-22 Ku geeriyootay Qarax ka dhacay manchester

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyMay 23, 2017No Comments3 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link
    Labo iyo labaatan ruux oo ay ka mid yihiin carruur ayaa hadda la ogyahay in ay ku dhinteen 59 kalana ay ku dhaawacmeen weerar argagixiso looga shakisan yahay oo ka dhacay magaalada Manchester ee dalka Britain.
     
    Dad goob joogayaal ah ayaa sheegay inay maqleen dhawaq xooggan markii ay dhamaadeen heeso ay goobtaasi si toos ah uga qaadeysay Ariana Grande, oo ah fanaanad caan ah oo u dhalatay dalka Mareykanka.
    Manchester explosion.
     
    Goobjoogayaasha ayaa sheegay inay maqleen qarax ka dhacay albaabka hore ee laga galo goobta uu bandhig faneedku ka socday.
    Boosteejada tareennada Manchester Victoria oo u dhaw goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa la xiray, waxaana la baajiyay dhammaan safaradii tareenada ee qorsheysnaa.
     
    Waxa sababay qaraxa lama garanayo, balse ra’iisal wasaaraha Britain, Theresa May, ayaa sheegtay in falkani ula dhaqmayaan inuu yahay mid argagixisnimo.
    Waxay hakisay ololeehdii doorashada guud waxayna maanta shir guddoomin doontaa kulan degdeg ah oo ay isugu imaan doonaan wasiirradeeda. Waxay ka arrinsan doonaan sida ay uga jawaab celin lahaayeen weerarkan.
    May ayaa tiri: “Waxaan isku dayaynaa in aan helno macluumaad dhameystiran oo ku aadan sida ay wax uga dhaceen Manchester.
     
     
    Jahwareer ayaa jiray
     
     
    Mid ka mid ah dadkii halkaasi joogay ayaa sheegay in xooga qaraxa dartii uu ku dhacay meel dhawr mitir ujirta, markii uu soo kacayna uu indhaha saaray dad daadsan dhulka.
     
    Waxaana goobta isku gedaamay ciidammada booliska iyo kooxaha gurmadka, iyadoo la xiray waddada marta halka uu qaraxa ka dhacay.
     
    Nin ku sugnaa halka uu qaraxa ka dhacay ayaa sharaxay sida qaraxa uu u dhacay, iyadoo taagerayaashii ay ka baxayeen halkii lagu qabanayay bandhig faneedka.
    Majid Khan, oo 22 jir ah kuna sugnaa halka uu qaraxa ka dhacay oo sharaxay sida ay wax u dhaceen ayaa waxa uu yiri ” qarax weyn oo ka argagixiyay qof walba ayaa ka dhacay halkaasi, qof walbana waxaa uu isku dayay inuu baxsado”
     
    Oliver Jones, 17 jir bandhig faneedkana kala qeyb galay walaashii ayaa yiri: ”dhawaqa qaraxa waxaa laga maqlay goobta oo dhan qof walbana wuxuu billaabay inuu baxsado”.
    ”Jahwareer ayaa jiray iyadoo dadka ay jihooyin kala duwan u cararayeen”, ayuu sii raaciyay Oliver.
     
    laa iyo hadda maxaan ognahay?
    22 qof ayaa dhimatay 59 kalana way ku dhaawacantay qaraxa.
     
    Qaraxa wuxuu ka dhacay saaxadda heesaha lagu tumo ee Manchester wax yar ka dib markii uu dhamaaday bandhig-faneed.
     
    Qaraxa waxaa la sheegay inuu ka dhacay dibedda iyadoo dadka ay isku dayayeen inay baxaan.
    Boolisku waxay sheegeen in qofkii ugu horreeyay uu soo wacay 10.35 pm wakhtiga Manchester.
     
    Waddooyiinka ayaa markiiba la xiray.
     
    Waxaa loo arkaa inuu yahay weerar argagixiso.
    1.30 pm wakhtiga Manchester booliiska ayaa qarxiyay wax ay uga shakiyeen inay ahayd bambaano.

     

     

     

     

     

     

     

     

     

     

     

     

     

     

    Halkan ka daawo muuqaalka

    https://youtu.be/i_IuHA5DKGY

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Xeerka la dagaalanka argagaxisada PL oo wax laga badalay

    June 19, 2025

    Maxaa kasoo baxay Shirkii Xasan Shiikh Ee Xamar?

    June 19, 2025

    Baaq ku socda Kufsi wadareedka ka dhacay LC.

    June 17, 2025
    Latest Posts

    Xeerka la dagaalanka argagaxisada PL oo wax laga badalay

    Maxaa kasoo baxay Shirkii Xasan Shiikh Ee Xamar?

    Baaq ku socda Kufsi wadareedka ka dhacay LC.

    Shirka Bangiyada iyo Maaliyada Puntland oo soo xirmay

    Trump oo ku doodaya Ruushka in lagu daro G-7

    Wararkii ugu danbeeyay dagaalka Iran iyo Israa’iil?

    Faallo:-Maxaa dhacaya hadii Maraykanku ku biiro dagaalka Iran?

    Update:-Dagaalka Iran iyo Israa’iil

    Shirweynaha Bangiyada iyo Maaliyada oo Garowe ka furmay

    Wararkii ugu danbeeyay dagaalka Iran iyo Israa’iil

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.