Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Video:-27-qof oo ku geeriyooday qarax ka dhacay dalka Iraq
    Somalia

    Video:-27-qof oo ku geeriyooday qarax ka dhacay dalka Iraq

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyMay 30, 2017No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Laba qarax oo kala duwan oo ka dhacay waddooyin aad u mashquul badan oo ku yaalla magaalada Baghdad ee caasimadda Ciraq ayaa dilay ugu yaraan 27 qof, waxaana ku dhaawacmay tobaneeyo kale.

    Qaraxa koowaad ayaa ka dhacay meel ku dhow dukaanka jalaatada laga iibsado ee caanka ah ee ku yaalla degmada Karrada, halkaasi oo 16 qof ay ku naf waayeen. Waxaa sidoo kale ku dhaawacmay 75 kale.

    Kooxda Daacish ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxaas.

    Saacado kadib ayaa qaraxa labaad waxa uu ka dhacay meel ku dhow xafiis dowladda ay ku leedahay xaafadda Shawaka. Ugu yaraan 11 qof ayaa ku dhintay qaraxaas.

    Weerarada ayaa yimid maalmo kadib markii muslimiinta ay billaabeen gudashada bisha barakeysan ee Ramadan, markaasi oo inta badan ay isugu tagaan maqaayadaha iyo goobaha lagu shaaho, marka la gaaro xilliga afurka.

    Kooxda Daacish ayaa sidoo kale mas’uul ka ahayd qarax loo adeegsaday baabuur xamuul oo ramadaankii tagey ka dhacay degmada Karrada, kaasi oo lagu dilay 300 oo qof,hoos ka daawo muuqaalka.

     

     

     

    Halkan ka daawo muuqaalka

     

     

     

     

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Imaaraadka oo uga digay Yurub xagjiriinta Islaamka

    January 11, 2026

    Maraykanka oo duqaymo isdaba joog ah ka fuliyay Buuraha Calmiskad

    January 11, 2026

    Villa Somaliya awood ma uleedahay in ay Ciidamo ka hawlgiso gudaha dhulka PL?

    January 10, 2026
    Latest Posts

    Imaaraadka oo uga digay Yurub xagjiriinta Islaamka

    Maraykanka oo duqaymo isdaba joog ah ka fuliyay Buuraha Calmiskad

    Villa Somaliya awood ma uleedahay in ay Ciidamo ka hawlgiso gudaha dhulka PL?

    2025 oo noqday Sanadkii xaqiijinta Amniga Puntland.

    Faallo:-Xiriirka Sacuudiga iyo Imaaraadka keebaa uleh muhiimad PL?

    Faallo:-Villa Somaliya maka saari kartaa Dalka Dowlada Imaaraadka?

    Villa Somaliya oo ku cadaadinaysa Shiinaha in uu Wasiirka Arimaha dibada yimaado.

    Faallo:-Maxaa sababay baaqashada Wasiirka Shiinaha Ee Muqdisho?

    Faallo:-Khudbada Madaxweyne Xasan Shiikh Ee Caawa?

    Maraykanka oo ka baxay xubinimada hay’ado fara badan oo caalamiya

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.