Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Video:-Cunsuriyadii Yurub oo laga adkaaday iyo Macron oonoqday madaxweynaha faransiiska
    Somalia

    Video:-Cunsuriyadii Yurub oo laga adkaaday iyo Macron oonoqday madaxweynaha faransiiska

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyMay 7, 2017No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Emmanuel Macron ayaa ku guulaystay doorashada madaxtinnimada Faransiiska, asagoo helay ku dhawaad 65.5% codadkii la dhiibtay, halka haweeneydii la tartamaysay ee Marine Le Pen, ay heshay ku dhawaad 34.5%.

    Macron ayaa ah 39 jir aan horay loogu dooran wax xil ah, waxa uuna noqonayaa madaxweynihii ugu da’da yaraa ee soo mara Faransiiska.

    Mr Macron ayaa sidoo kale noqday madaxweynihii ugu horeeyay ee tan iyo sanadkii 1958 ka soo baxa xisbi aan ahayn labada axsaab ee ugu waaweyn Faransiiska.

    Waxa uu sheegay in bog cusub uu u furmay taariikhda Faransiiska.

    “Waxaan dhagaystay carada, walwalka iyo shakiga aad muujiseen qaar badan oo idinka mid ah,” ayuu yiri madaxweynaha cusub, asagoo wacad ku maray in shanta sano ee soo socota uu ka shaqeyn doono mideynta shacabka dalkiisa.

    Kumannaan taageerayaasha Macron ah ayaa isugu soo baxay bartamaha caasimadda Paris, halkaas oo uu kula hadlay madaxweynaha cusub.

    Madax badan oo caalamka ah, oo uu ka mid yahay Trump-ka Maraykanka ayaa u hambalyeeyay madaxweynaha la doortay ee Faransiiska.

    Ammaanka caasimadda Paris iyo qeybaha kale ee dalka ayaa weli si weyn loo sugayaa.

     

     

     

    Halkan ka daawo muuqaalka

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Beesha Warsengeli iyo Dowlada Puntland oo Shir uga furmayo Bosaso

    August 18, 2025

    Madaxda Yurub,Nato iyo Maraykanka oo ka xaajoonaya dagaalka Ukrain

    August 18, 2025

    Zelensky oo markale lagu soo dhaweeyay Aqalka-cad

    August 18, 2025
    Latest Posts

    Beesha Warsengeli iyo Dowlada Puntland oo Shir uga furmayo Bosaso

    Madaxda Yurub,Nato iyo Maraykanka oo ka xaajoonaya dagaalka Ukrain

    Zelensky oo markale lagu soo dhaweeyay Aqalka-cad

    Ciidamada Difaaca Puntland oo sardar leh uwada Wajiga Afraad

    Yaa umaalgelinaya Itoobiya garoonka diyaaradaha cusub?

    Puntland oo soo saartay Boolis Tayo iyo Tiro sareeya

    Kulankii Taariikhiga ahaa Ee Trump iyo Putin oo bilowday

    Maraykanku miyuu aqoonsanayaa Somaliland?

    Ciidamada Difaaca Puntland oo horumar ka sameeyay Gacanmarinta Godadka

    Kulan Taariikhiya oo dhexmaraya Trump iyo Putin

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.