Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Video:-Daawo khudbadii Trump ee shirka carabta iyo maraykanka
    President Donald Trump delivers a speech to the Arab Islamic American Summit, at the King Abdulaziz Conference Center, Sunday, May 21, 2017, in Riyadh. (AP Photo/Evan Vucci)
    Somalia

    Video:-Daawo khudbadii Trump ee shirka carabta iyo maraykanka

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyMay 21, 2017Updated:May 21, 2017No Comments3 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link
    Madaxweynaha Mareykanka Dolland Trump ayaa Riyadh kula kulmaya madaxda Carabta iyo Islaamka, isaga oo hadlakiisa ku bilaabay mahadcelin uu u jeediyay Sacuudiga.
    Mr. Dolland Trump waxaa uu madaxda Carabta iyo Islmaaka u sheegay in maanta ay bilaabayaan bog cusub oo weligii jiri doona.
     
    Madaxweynaha Mareykanka waxaa uu sheegayaa in heshiiska uu la galay Riyadh gaarayo 400 Bilyan Dollar oo shaqo abuur u sameyn doona Sacuudiga iyo Mareykanka iyo Sacuudiga oo heli doona taageero militari oo wax badan ka badali doona awoodda Sacuudiga.
     
    Trump waxaa uu dalalka Carabta iyo Islmaaka u sheegay in dadka Muslimiinta ay hoggaamiyaan iska dhicinta kooxaha argigixisada oo aaney cid kale sugin.
     
    Madaxweynaha Mareykanka waxaa uu madasha ka sheegay in aan halaasi u tagin cashar bixin, in aanu cidna u sheegeyn waxa la qabanaayo, sida wax loo qabanaayo iyo sida wax loo caabudo laakin waa halkaasi uu u yimid iskaashi dhex mara labada dhinac, isaga oo intaa raaciyay Isu imaatinka in uu bilow u noqdo nabad ka dhacda bariga dhexe iyo caalamka.
     
    Trump waxaa uu Carabta iyo dalalka Islaamka ku wargeliyay in gobolkan in aaney qaxooti ka cararin ee loo soo cararo.
    Mar uu ka hadlayey Diimaha waxaa uu yiri “Ma jiro dagaal diimaha ah ee dagaalka jira waa dagaal dagaal u dhaxeeya dad xun iyo dad fiican”.
     
    Madaxweynaha Mareykanka waxaa uu dalalkaasi ku yiri “Dalalka bariga dhexe waa in ay dortaan, Mareykanka waxba idiinma doori karo, ka kaxeeyay argigixisada dhulkiina, dadkiina iyo meelaha aad wax ku caabudaan, waa in aan jarno khadka ay lacagaha ku helaan argigixisada.
     
    Waa uu goobta uga dhawaaqay Xarun ay Mareykanka iyo Sacuudiga madax ka noqon doonaan oo looga hortagayo habka ay lacagta ku helaan kooxaha argigixisada isaga oo ugu baaqay in lagu soo biiro.
     
    Diimaha waxaa uu sheegay “Qarniga badan ayey ku wada noolaayeen diimaha Islaamka, Kirishtaan-ka iyo Yuhuudda, waxaa la joogaa in qof kasta diin walba ha lahaadee uu ku noolaado nolol sharaf leh.
     
    Ugu dameyntii, waxaa uu Trump ka hadlay arrinta Iran isaga oo shirka ka sheegay “Iran waxaa ay mas’uul ka tahay dhibaatada ka jirta bariga dhexe, waa dal caado ka dhigtay caburinta iyo in Mareykanka dhulka la galaan, waa in Iran la go’doomiyo lagana hortago maalgelinteeda argigixisada, waa in aan ku duceysanaa in la helo maalin ay dadka reer Iran aayahooda ka tashtaan”,hoos ka daawo muuqaalka.

     

     

     

     

    Halkan ka daawo muuqaalka

    https://youtu.be/O0B6RenUm2w

     

    Halkan ka daawo muuqaalka 2aad

    https://youtu.be/Jx4Vm4PXG1A

     

     

     

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Wararkii ugu danbeeyay dagaalka Baallade Ee Calmiskaad

    August 24, 2025

    Puntland oo Ciidamo cusub gelisay hawlgalka Calmiskaad

    August 24, 2025

    Warbixin:-Kobaca dhaqaale Muwaadinka Somaliyed 5-tii Sano udanbaysay

    August 24, 2025
    Latest Posts

    Wararkii ugu danbeeyay dagaalka Baallade Ee Calmiskaad

    Puntland oo Ciidamo cusub gelisay hawlgalka Calmiskaad

    Warbixin:-Kobaca dhaqaale Muwaadinka Somaliyed 5-tii Sano udanbaysay

    Faallo:-Beesha Sool Bari oo markale siriq Siyaasadeed iyo Juquraafi isgelisay

    Faallo:-Puntland miyaa la diciifin karaa saamaynteeda Siyaasadeed?

    Xarunta Daaweynta iyo Dhaqida Kalyaha oo laga hirgeliyay isbitaalka Garowe

    Waxbadan ka ogow Dagalakii Shalay ka dhacay Godka Yucrin,Maragade iyo naf hurnimada ay muujiyeen CDPL

    Maraykanka oo si dadban ugu digay Xasan Shiikh

    CDPL iyo firxadkii argagixisada oo isku helay Toga Baallade

    Dhexdhexaadintii Kenya Ee Axmed iyo Xasan oo fashilantay

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.