Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Video:-Daawo Madaxweyne Gaas oo si baarqabnimo leh usoo bandhigay waxqabadka xukuumadiisa
    Somalia

    Video:-Daawo Madaxweyne Gaas oo si baarqabnimo leh usoo bandhigay waxqabadka xukuumadiisa

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJune 15, 2017No Comments4 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta  15 June 2017 si rasmi ah u furay kal-fadhiga 39aad ee Baarlamaanka Dawladda Puntland.

    Furitaanka Kalfadhigani ayaa waxaa goob joog ka ahaa Gudoomiyaha Baarlaanka Puntland Mudane. Axmed Cali Xaashi iyo kuxigeenkiisa koowaad, Masuuliyiin ka tirsan goloyaasha dawladda Puntland, saraakiil ka tirsan Madaxtooyada dawladda Puntland, guddoomiyaha Maxkamada Sare ee Puntland, Wasiirka Dastuurka DFS, hay’addaha ka hawlgala Puntland, xildhibaano ka tirsan Barlamaanka DFS, Masuuliyiin ka socdey beesha caalamka, hay’addaha ka hawlgala Puntland,  gudoomiyaha daladda PUNSA, ururka saxafiyiinta Puntland ee MAP, Isimo, cuqaal, waxgarad, Aqoon yahano iyo marti sharaf kale.

    Madaxweynaha Dawlaada Puntland oo si rasmi ah u furay kalfadhiga 39aad ee Baarlaanka Puntland ayaa sidoo kale xadhiga ka jaray hoolka baarlamaanka Puntland oo lagu sameeyey dib u casriyeyn, waxaana uu munaasimada Furitaanka kalfadhiga ka jeediyey khudbad taarikhi ah taasi oo uu xooga kusaaray wax qabadka xukuumada uu hormuudka u yahay madaxweynuhu mudadii u dhexaysey labada kalfadi ee 38aad iyo 39aad, waxayna  khudbadiisu  salka kuhaysey waxqabadka  dhisida iyo kobcinta kaabayaasha dhaqaalaha Puntland iyo sidoo kale xidhiidhada caalamiga ah ee Beesha Caalamka.

    Mdaxweynaha Dawladda Puntland oo ku dheeraaday xaalada nabadgelyada dalka ayaa sheegay in dawladda Puntland markasta ku heelantahay ilaalinta nabadgelyada, sharafta, cisiga, karaamada shacabka Puntland iyo sidii shacabkeedu nabadgelyo iyo xasilooni ugu warilahaa, waxaana uu ugu horayn ka hadlay wax qabka xukuumadu ka samaysay arrimaha amaanka.

    ” Mudane Gudoomiye, Mudanayaal sida aan wada ogsoonahay Puntland waxaa lagu soo qaaday duulaan wajiyo badan leh, oo uu ugu danbeeyay, duulaankii saldhiga ciidanka Daraawiishta ee Af-Urur si loogu waxyeeleeyo nabad galyadeena iyo jiritaankeena.

    Mudanayaal, sida aad la socotaan waxay Dowladdu ku dhawaaqday 9kii June 2017 dagaal balaaran oo looga sifeynayo Puntland Burcad-Diimeedka Al-shabaab, waxayna ciidamadeenu u diyaarsan yihiin inay u dhaqaaqaan goob-kasta oo ay ku dhuumaalaysanayaan Al-shabaab, waxaana hubaal ah inay ka qoomameyn-doonaan shacabkii iyo Askarteenii ay waxyeelada u geysteen iyagoo Illaahay hortii u soomanaa. Sidoo kale Mudanayaal, waxaa lagu qabtay magaalooyinka Gaalkacyo iyo Boosaaso qaraxyo waaweyn oo lagu dhibaateyn lahaa shacabka Puntland ee qaaliga ah, waxayna Dawladdu abaal-marin iyo dalacsiin u diyaarisay ciidamadii qabtay qaraxyadii Boosaaso iyo Gaalkacyo iyo mujaahidkii ku dhintay qaraxii Boosaaso oo Dawladdu qoyskiisii u diyaarisay damaanad qaad nololeed.

     

    Sidoo kale Dawladdu waxay hirgelisay 

    • Unugta Gorfaynta Amniga
    • Barnaamijka Sharciga iyo kala-danbeynta laamaha Booliska,
    • Dhismaha & furitaanka xafiiska Laanta Socdaalka iyo Jinsiyadda.

    Mudanayaal iyo Marwooyin, waxaa hadda ka socda guud ahaan magaalooyinka waaweyn ee Puntland hawl-galo lagu sugayo nabad-galyadeena iyo xasiloonideena, anagoo adeegsaneyna awoodeena ciidan, isla markaasna kaashaneyna shacabkeena waxaana naga go’an in aysan argagixisadu magaalooyinkeena ku yeelan xarumo ay ku cabsi geliyaan shacabka.

    Mudanayaal, mudaddii u dhaxeysay labada kal fadhi ee Baarlamaanka waxaa socday hannaanka isku dhafka ciidamada Federaalka Soomaaliya oo aan dhawaan doonayno in la howl-geliyo ciidan qaran oo Soomaaliyeed oo looga gudbo ciidan beeleed-yadii watay magaca ciidan qaran” ayuu yiri Madaxweynuhu.

     

    sidoo kale Madaxweynaha oo ka hadlaya arrimo la xidhiidha Fadaraalka ayaa sheegay in Dawladda si dhaw ula shaqayn doonto dawladda cusub ee ee Soomaaliya.

    ”Mudanyaal, sida aan la socono dalku hadda wuxuu u jahaystay hirgelinta hannaanka Federaalka, sidaa owgeed Dawladda Puntland waxay ka rajeynaysaa Madaxda cusub ee hadda hogaanka haya oo ay Puntland kusoo dhaweysay niyad-sami balaaran inay taabo-geliyaan hannaan Federaal oo dhab ah, lagana fogaado caqliyadii Dawlad dhexe oo xoog badan oo ah tii Soomaaliya ku bur-burtay” ayuu yiri Madaxweynuhu.

    Gudoomiayaha Baarlamaanka Puntland Mudane Ahmed Cali Xaashi ayaa isna dhankiisa ku dheeraaday wax qabadka golaha Wakiilada Dawladda Puntland mudadii u dhexeysey labada kal-fadhi, sidoo kale waxaa uu talobixin iyo baaq usoo jeediyey dawladda Fadaraalka Soomaliya kaasi oo ku saabsan arrimaha dib u habaynta Dastuurka Soomaaliya.

    Dhinaca kale Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa cadeeyey in dawladdu wakhti xaadirkan ku hawlan tahay qodida ceel biyoodyo horleh taasi oo laga hirgelin doono Puntland, madaama nolosha bini aadanku ku xidhantahay Biyaha.

    ”Waxaan hadda ka socda oo dhawaan shaqo-gelaya Ceelal gaaraya 8 oo laga qodayo deegaamada kala ah Xiriiro, Xabaal-Reer, Bali-dhidin, Kala-dhacda, Karin-dabel-weyn, Garoowe iyo mid kale oo laga qodayo Xaar-xaarka” ayuu yiri Madaxweynuhu.

    Madaxweynaha ayaa sidoo kale Kahadlay wax qabadka Dawladda ee la xidhiidh arrimaha kala ah, Arrimaha Maaliyadda, Ilaalinta Hantida Dawladda. Arrimaha  Guddaha, Gurmadkii Abaaraha, Arrimaha Caafimaadka, Beeraha iyo Waraabka, Arrimaha Deegaanka, Arrimaha Cadaaladda, Dekadaha, Garoomada Puntland, Arrimaha Ganacsiga, Arrimaha Qorsheyta iyo Xiriirka Caalamiga, Arrimaha Haweenka, Arrimaha Waxbarashada, Howlaha Guud iyo Gaadiidka, Dhismaha wadada Garoowe – Gaalkacyo, Xanaanada Xoolaha, Kaluumeysiga Puntland, Arrimaha Xisbiyada badan ee Puntland, Biyo dhaan Abaaraha  Puntland, Heshiiyada Caalamiga ah.

    –DHAMMAAD–

     

     

     

     

     

    Halkan ka daawo muuqaalka

    https://youtu.be/ZYLr4otCxo4

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Dagaalka Iran iyo Israa’iil oo Maalinkii Lixaad galay.

    June 20, 2025

    Xasan si farsamaysan,ayuu ufuliyay amarkii Beesha Caalamka

    June 19, 2025

    Xeerka la dagaalanka argagaxisada PL oo wax laga badalay

    June 19, 2025
    Latest Posts

    Dagaalka Iran iyo Israa’iil oo Maalinkii Lixaad galay.

    Xasan si farsamaysan,ayuu ufuliyay amarkii Beesha Caalamka

    Xeerka la dagaalanka argagaxisada PL oo wax laga badalay

    Maxaa kasoo baxay Shirkii Xasan Shiikh Ee Xamar?

    Baaq ku socda Kufsi wadareedka ka dhacay LC.

    Shirka Bangiyada iyo Maaliyada Puntland oo soo xirmay

    Trump oo ku doodaya Ruushka in lagu daro G-7

    Wararkii ugu danbeeyay dagaalka Iran iyo Israa’iil?

    Faallo:-Maxaa dhacaya hadii Maraykanku ku biiro dagaalka Iran?

    Update:-Dagaalka Iran iyo Israa’iil

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.