Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Video:-Daawo muuqaalka oo dhamaystiran Madaxweyne Gaas oo daahfuray dhismaha wadada garowe iyo Eyl
    Somalia

    Video:-Daawo muuqaalka oo dhamaystiran Madaxweyne Gaas oo daahfuray dhismaha wadada garowe iyo Eyl

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyApril 29, 2017Updated:April 29, 2017No Comments3 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wefti uu hogaaminayo ayaa maanta 29  April 2017 dalka dib ugu soo laabtay kadib shirkii Madaxdda Africa ee Tana High Level Forum, waxaaana uu madaxweynuhu daahfuray dhismaha mashruuca wadada isku xidhidoonta Garoowe iyo Eyl.

    Weftiga Madaxweynaha ayaa waxaa garoonka diyaarahadaha Kanooko ee magaalada Garoowe ku soo dhoweeyey Madaxweyne ku xigeenka Dawladda Puntland Eng. Cabdixakiin Xaaji Cabdulaahi Cumar Camey, Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland Mudane Axmed Cali Xaashi iyo ku xigeenadiisa, masuuliyiin ka tirsan goloyaasha dawladda Puntland, saraakiil ka tirsan Madaxtooyada dawladda Puntland iyo qaar kamida bulshada magaalada Garoowe.

    Soo dhoweyn kadib Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa waxa uu daahfuray mashruuca dhismaha wadada isku xidhidoonta Garoowe iyo Eyl, xafladda daahfurka mashruucani ayaa ka dhacday xarunta jaamaca bariga Africa faraceeda magaalada Garoowe.

    Madaaxweynaha ayaa sheegay in wadadani isku xidhi doonta Garoowe-Eyl ay ka mid tahay kaabayaasha dhaqaale ee lagu horumarinaayo Dawladda Puntland, isla markaana ay ka qayb ahayd balan qaadyadii xiligii ololaha uu u balan qaaday shacabka Puntland.

    ‘’Wadadani dabcan waxay kamid tahay kaabayaasha dhaqaale ee lagu horumarinaayo Puntland, runtii in badan baan ku celceliney muhiimada ay leedahay dhisida kaabayaasha dhaqaalaha dabcan idina waad fahansantihiin bay ila tahay, shirkada CCECC waa shirkad nala degan oo Puntland joogta Garoowe dhulna waa ku leedahay xafiisna waa ka furatay hadda, waaxaan rabnaa marka in bini aadanku xaalada uu ku jiro uu wax ka bedelo oo uu fekero waana sababta aan inagu xayawaanka uga duwanahay, inaan la nimaadno farsamo dhulkayaga aan ku dhisano ka faa’iidaysano khayraadkeena waa mid loo baahan yahay, wadan kanina majiro wax isbedela uu samaynaayo hadaan kaabayaasha dhaqaaluhu aysan is bedelin’’ ayuu yiri madaxweynaha dawladda Puntland.

    Madaxweynaha ayaa sidoo kale tibaaxay in shirka Tana Forum lagaga hadlaayey ka Faa’iidaysiga khayraadka dabiiciga ah, waxaana uu sheegay in lagu lafagurayey shirka sidii looga faa’iidaysan lahaa khayraadka ay qaniga ku tahay Qaradani Afica.

    ‘’ Shir baan ka imid hada Tana Forum la yiraahdo oo madax badan oo African ahi isugu timid oo lagaga hadlaayey khayraadka Africa, waxaana keentay inaan ka hadalo waynaan ka faa’iidaysan khayraaadkaasi, Puntland waa meel mihiim u ah aduunka xeebta u dheer Soomaliya ayaan leenahay Soomaaliyana xeebta Africa u dheer ayay leedahay , Africa waa qaarada aduunka ugu qanisan marka laga hadlayo khayraadka dabiiciga ah (Natural resources ) hadana meel kastoo Africa ah dhibaataa ka taagan, ufiirso inaga waxaan la ciir-ciiraynaa abaar soo laab laabatay mana jirto meel aduunka abaari ka dhacdo Africa meeyo waayo waxaynaan ka faa’iidaysanayn khayraadkeenii dabiiciga ahaa’’ ayuu yiri Madaxweynaha dawladda Puntland.

    Ugu danbayn Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa kula dardaarmay shacabka Puntland inlaga wada shaqeeyo horumarka oo dawladda lagu garab istaago dedaalka ay ugu jirto inay horumariso kaabayaasha dhaqaalaha, waxaana uu sidoo kale xusay madaxweynuhu in horumarka Puntland kasocda  uun san ka jirin meel kale oo Soomaaliya ah,hoos ka daawo muuqaalka.

     

     

     

     

    Halkan ka daawo muuqaalka

    https://youtu.be/w80oYw93dXg

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Imaaraadka oo uga digay Yurub xagjiriinta Islaamka

    January 11, 2026

    Maraykanka oo duqaymo isdaba joog ah ka fuliyay Buuraha Calmiskad

    January 11, 2026

    Villa Somaliya awood ma uleedahay in ay Ciidamo ka hawlgiso gudaha dhulka PL?

    January 10, 2026
    Latest Posts

    Imaaraadka oo uga digay Yurub xagjiriinta Islaamka

    Maraykanka oo duqaymo isdaba joog ah ka fuliyay Buuraha Calmiskad

    Villa Somaliya awood ma uleedahay in ay Ciidamo ka hawlgiso gudaha dhulka PL?

    2025 oo noqday Sanadkii xaqiijinta Amniga Puntland.

    Faallo:-Xiriirka Sacuudiga iyo Imaaraadka keebaa uleh muhiimad PL?

    Faallo:-Villa Somaliya maka saari kartaa Dalka Dowlada Imaaraadka?

    Villa Somaliya oo ku cadaadinaysa Shiinaha in uu Wasiirka Arimaha dibada yimaado.

    Faallo:-Maxaa sababay baaqashada Wasiirka Shiinaha Ee Muqdisho?

    Faallo:-Khudbada Madaxweyne Xasan Shiikh Ee Caawa?

    Maraykanka oo ka baxay xubinimada hay’ado fara badan oo caalamiya

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.