Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Video:Daawo Seefu islaam Qadaafi oo xabsiga laga sii daayay
    Saif al-Islam, the son of Libyan leader Muammar Gaddafi, gestures as he talks to reporters in Tripoli August 23, 2011. Saif told journalists that Libya, which has been largely overrun in the past 24 hours by rebel forces seeking to topple his father, was in fact in government hands and that Muammar Gaddafi was safe. REUTERS/Paul Hackett (LIBYA - Tags: POLITICS CIVIL UNREST IMAGES OF THE DAY)
    Somalia

    Video:Daawo Seefu islaam Qadaafi oo xabsiga laga sii daayay

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJune 11, 2017Updated:June 11, 2017No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Wilka ugu yar wiilasha uu dhalay hogaamiyihi hore ee dalka Liibiya Macamar Al-Qadafi ayaa la sheegay in xabsiga laga sii daayay. Koox maamusha gacan ku heynta magaalada Zintan ee galbeedka dalka Libya ayaa waxaa ay shegeen inay sii dayeen Seif Al-Islam, oo ay cafiyeen.

    Seif al-Islam ayaa muddo dhan 6 sanno ku jiray xabsiga ku yaala dalka Liibiya kaddib markii xilka laga tuuray aabihii sannadkii 2011-ka. Waxaana jiray warar hore oo sheegayay in la sii daayay Seif al-Islam balse markii dambe been noqday. Siideynta Saif al Islam Qadaafi ayaa waxaa ay dalka Liibiya kusoo kordhin karta xaalad kale oo kala qeybsanaan ah.

    Saif Al- Islam Qadaafi ayaa xabsiga la dhigay bishii novermber ee sanadkii 2012-ka xilii uu u baxsanayay dalka Niger, waxaana uu soo muuqday isaga oo ka go’an dhowr farood.

    Sanadki 2015-kii maxkmaad ku taala magaalada Tripoli ayaa ku xukuntay dil sababa la xiriira falal dambiyeedyo uu ka geystay dalkaasi xiligii uu socday kacdoonkii ka dhanka ahaa aabihii.

    Saif al-Islam ayaa wali waxaa doondoonaya maxkamada dambiyada caalamiga ee Hague, waxaana loo heystaa dambiyo dagaal, iyo kuwa ka dhan ah bani’aadanimada. Sidaa ay sheegayaan warar aan la xaqiijin Sayf al- Islam ayaa haatan kula sugan ehaldiisa magaalada Bayda ee ku taala bariga Liibiya.

    Saif Gadaffi ayaa wadamada reer galbeedka looga arkaa wajiga kaliya ee ka haray nidaamki Qadaafi.

    Iyadoo gudaha iyo dibadda Libiya ay dad badan u muujinayaan naceyb, ayaa hadana waxaa uu xoogaha taageero ka heystaa gudaha Libya, waxaana suuragal ah in uu isku dayo in uu kusoo laabto siyaasada cakiran ee wadanka Liibiya.

     

     

     

     

     

    Halkan ka daawo muuqaalka

    https://youtu.be/B7XjJYhr2kw

     

     

     

     

    Xigasho BBC

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maraykanka oo si dadban ugu digay Xasan Shiikh

    August 22, 2025

    CDPL iyo firxadkii argagixisada oo isku helay Toga Baallade

    August 22, 2025

    Dhexdhexaadintii Kenya Ee Axmed iyo Xasan oo fashilantay

    August 22, 2025
    Latest Posts

    Maraykanka oo si dadban ugu digay Xasan Shiikh

    CDPL iyo firxadkii argagixisada oo isku helay Toga Baallade

    Dhexdhexaadintii Kenya Ee Axmed iyo Xasan oo fashilantay

    Dagaal kharaar oo ka socda Toga Baallade Ee Calmiskaad

    Beesha Warsengeli iyo Dowlada Puntland oo Shir uga furmayo Bosaso

    Madaxda Yurub,Nato iyo Maraykanka oo ka xaajoonaya dagaalka Ukrain

    Zelensky oo markale lagu soo dhaweeyay Aqalka-cad

    Ciidamada Difaaca Puntland oo sardar leh uwada Wajiga Afraad

    Yaa umaalgelinaya Itoobiya garoonka diyaaradaha cusub?

    Puntland oo soo saartay Boolis Tayo iyo Tiro sareeya

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.