Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Video:-Dawlada Fadaraalka oo si kulul uga jawaabtay hadalkii Alshabaab!!
    Somalia

    Video:-Dawlada Fadaraalka oo si kulul uga jawaabtay hadalkii Alshabaab!!

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyApril 20, 2017Updated:April 20, 2017No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Dowladda Somaliya ayaa cambaareysay digniin uu soo saaray ururka Al-Shabaab oo uga digaya waalidiinta Soomaalida inay carruurta u diraan Iskuullada iyo Jaamacadaha aan Islaamiga ahayn.

    Wasiirka warfaafinta dowladda Somalia Cabdiraxman Cumar Cusmaan ayaa sheegay in talaabada Al-Shabab ay muujineyso mas’uuliyad darada madaxdooda iyo sida ay uga soo horjeedaan jiritaanka dadka Soomaaliyeed.

    “Al-shabaab waxay isku dayaysaa inay carruurta ka hor istaagaan waxbarashada quman, waxayna rabaan inay maskaxda ka badalaan si ay u noqdaan kuwo iyaga taabacsan oo aan su’aal ka keenin afkaartooda dagaalka iyo qarbudaada ku dhisan” ayuu yiri Wasiirka.

    Digniinta Al-Shabaab ayaa waxaa jeediyay afhayeenkooda Sheekh Cali Maxamuud Raage oo soo duubay cod 26 daqiiqo.

    Codka Shiikh Cali dheere oo lagu baahiyay baraha taageera Al-Shabaab ayaa waxaa ku sheegay in carruurtu ay aadi karaan oo kaliya Iskuulada Islaamiga ah, isagoo sheegay in kuwa kale aysan wanaagsaneyn.

    Waxa uu uga digay jaamacadaha iyo iskuulada iyo cid kasta oo gacan ka geysata ka qeyb qaadashada manhaj faafinaya sida uu hadalka u dhigay dhaqanka reer galbeedka inay cawaaqib ka kulmi doonto,hoos ka daawo muuqaalka.

     

     

     

     

     

    Halkan ka daawo muuqaalka

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    The Intricate Web of Power: Djibouti’s Influence, Somali Governance, and Allegations of Corruption

    November 9, 2025

    Maxay Maraykanka uga dhigan tahay udoorashada Duqa New York Mamdani?

    November 9, 2025

    Isdhaafsiga ganacsi ka dhexeeya Somaliya iyo Imaaraadka Carabta?

    November 9, 2025
    Latest Posts

    African Union Commission Welcomes South Africa as G20 Chair and Host.

    The Intricate Web of Power: Djibouti’s Influence, Somali Governance, and Allegations of Corruption

    Maxay Maraykanka uga dhigan tahay udoorashada Duqa New York Mamdani?

    Isdhaafsiga ganacsi ka dhexeeya Somaliya iyo Imaaraadka Carabta?

    Faallo:-Dhibaatada laga dhaxlay Hubka Jimcaale iyo talada Aaran-jaan?

    Maxaa ka jira dacaayadaha laga sameeyo diyaaraadaha taageera Ciidamada PL?

    Faallo:-Loolanka Quwadaha Ee Geeska Afrika iyo doorka Puntland?

    Exclusive: Somali ISIS Leader Allegedly Moved to Qatar as Investigations Probe Secret Transfer Mogadishu,Somalia

    Djibouti at a Crossroads: The presidential transition crisis ahead of April 2026 elections

    U.S–Sudan Relations,By U.S. Embassy in Khartoum

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.