Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Video:-Dawlada Masar oo dalkeeda galisay xaalad deg-deg ah oo sadex bilood ah
    Somalia

    Video:-Dawlada Masar oo dalkeeda galisay xaalad deg-deg ah oo sadex bilood ah

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyApril 10, 2017Updated:April 10, 2017No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha Masar, Cabdulfataax al-Sisi, ayaa ku dhawaaqay xaalad degdeg ah oo uu dalkiisa galayo muddo 3 bilood ah, tallaabadaasi oo ka dambeysay weerarradii shalay lagu qaaday laba kaniisadood oo ay leeyihiin Qibdhiyiinta, kuwaasoo ay ku dhinteen dad ka badan 45 qof.

    Madaxweyne al-Sisi ayaa horay u amray in ciidanka milateriga Masar uu howlgalo ka sameeyo guud ahaan dalka oo dhan.

    Ururka isku magacaabay dowladda Islaamiga ayaa sheegay in uu fuliyay weerarradaasi ka dhacay kaniisadaha ku yaalla magaalooyinka Tanta iyo Alexandria.

    Masiixiyiinta laga tirada badan yihiin ee Masar ayaa waxaa horay loola beegsaday weerarro noocan ah.

    Weerarradan ayaa kusoo beegmay xilli muhiim u ah taariikhda Masiixiyiinta oo ay xusaan markii nebi Ciise CS uu galay magaalada Qudus.

    Baaderi weynaha Catholiga, Pope Francis, oo isu diyaarinaya in todobaadyada soo socda uu booqdo Masar si uu taageero ugu muujiyo Masiixiyiinta dalkaasi, ayaa cambaareeyay weerarrada,hoos ka daawo muuqaalka.

     

     

     

     

    Halkan ka daawo muuqaalka

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Wada xaajoodkii oo fashilmay iyo Xasan oo la qaawiyay

    August 13, 2025

    Galmudug:-Kulan Amniga looga xaajoonayo oo ka dhacay Dhuusamareeb

    August 11, 2025

    Garaacis xoog badan oo ku socota Godadka argagixisada Calmiskaad

    August 10, 2025
    Latest Posts

    Wada xaajoodkii oo fashilmay iyo Xasan oo la qaawiyay

    Galmudug:-Kulan Amniga looga xaajoonayo oo ka dhacay Dhuusamareeb

    Garaacis xoog badan oo ku socota Godadka argagixisada Calmiskaad

    Xasan Shiikh oo xaalku ku adag yahay !!

    Faallo:-Ma loo baahnaa soo noqoshada Siyaasadii Laba Wajiilaynta Maraykanka?

    Cali Xoosh oo si dhuumasha ah uga baxay Laascaanood

    Muhiimada dhismaha Wadada Bosaso- Dhadaar

    Mw Deni oo Dhagaxdhigay Wadada Bosaso-Dhaadaar

    Faahfaahinta Deegaamada ay Ciidamada PL Gacanmarinayaan

    Ciidamada PL oo ku dhaqaaqay Gacan marinta Godadka argagixisadu ku gubato

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.