Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Video:-Doorashadii Uk oo soo gabagabowday iyo Xisibiga talada haya oo kuraas lumiyay
    Somalia

    Video:-Doorashadii Uk oo soo gabagabowday iyo Xisibiga talada haya oo kuraas lumiyay

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJune 9, 2017No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link
    Xisbiga haya tallada dalka Britain ee ay hogaamiso ra’iisul wasaare Theresa May ayaa lumiyay aqlabiyadda uu ku lahaa baarlamaanka ka dib doorashadii Khamiistii ka dhacday dalkaasi.
     
    Theresa May ayaa ku guuldaraysatay in ay xoojiso aqlabiyadda uu xisbigeeda ku lahaa baarlamaanka, ayadoo lagu wado inuu dhawaan furmo wadaxaajoodka uu dalkaasi kaga baxayo Midowga Yurub.
     
    Inkastoo uu xisbiga muxaafidka lumiyay kuraas uu ku lahaa baarlamaanka, ayaa haddana weli waxa uu yahay kan ugu weyn UK.
     
    Waxaa la saadaalinayaa in xisbigeedu uu heli doono 318 xilhibaan, halka xisbiga Shaqaalahana uu heli doono 261 xildhibaan. Waxaa soo raaca xisbiga SNP oo isna la saadaalinayo inuu heli doono 35 xildhibaan.
     
    Hoggaamiyaha xisbiga mucaaradka, Jeremy Corbyn ayaa ugu baaqay Theresa May inay iscasisho, balse waxay sheegtay inuu dalku u baahan yahay ”xasilooni” taasoo uu xisbigeedu keeni kara.
     
    Doorashadan oo ah mid wakhtigeeda laga soo hormariyay oo ay ku baaqday ra’iisalwasaaraha dalkaasi Theresa May, waxaana isu diiwaangeliyay in ay codkooda ku dhawaad 46.9 milyan oo qof.
     
    Cod bixiyayaasha qaarkood goor hore ayayba codkooda u dhiibteen, oo waxa ay ku soo gudbiyeen boostada.
     
    Codbixintan ayaa noqonaysa tii saddexaad oo dalkaasi ka dhacda muddo aan ka badnayn labo sano gudahood.
     
    Doorashadii guud ee dalkaasi ka dhacday 2015 ayaa waxaa isu diiwaangeliyay inay codeeyaan 46.4 milyan oo qof.
     
    Dadka u soo baxay doorashadii 2015, markii xisbiga muxaafidka uu ku guulaystay 331 ka mid ah 650 kursi, ayaa waxa ay aheyd boqolkiiba 66.4, taas oo ka sarreysay doorashadii 2010,hoos ka daawo muuqaalka.

     

     

    Halkan ka daawo muuqaalka

    https://youtu.be/zusU_OGQLlk

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Xasan si farsamaysan,ayuu ufuliyay amarkii Beesha Caalamka

    June 19, 2025

    Xeerka la dagaalanka argagaxisada PL oo wax laga badalay

    June 19, 2025

    Maxaa kasoo baxay Shirkii Xasan Shiikh Ee Xamar?

    June 19, 2025
    Latest Posts

    Xasan si farsamaysan,ayuu ufuliyay amarkii Beesha Caalamka

    Xeerka la dagaalanka argagaxisada PL oo wax laga badalay

    Maxaa kasoo baxay Shirkii Xasan Shiikh Ee Xamar?

    Baaq ku socda Kufsi wadareedka ka dhacay LC.

    Shirka Bangiyada iyo Maaliyada Puntland oo soo xirmay

    Trump oo ku doodaya Ruushka in lagu daro G-7

    Wararkii ugu danbeeyay dagaalka Iran iyo Israa’iil?

    Faallo:-Maxaa dhacaya hadii Maraykanku ku biiro dagaalka Iran?

    Update:-Dagaalka Iran iyo Israa’iil

    Shirweynaha Bangiyada iyo Maaliyada oo Garowe ka furmay

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.