Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Video:-Dufcadii Sadexaad ee Ciidanka Booliska Jubaland oo tababar loosoo xiray
    Somalia

    Video:-Dufcadii Sadexaad ee Ciidanka Booliska Jubaland oo tababar loosoo xiray

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyApril 25, 2017No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Kismaayo,idilnews, Jubbaland Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland ee Soomaaliya Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta oo Isniin ah tababar usoo xiray dufcadii Sadexaad ee Ciidamada Booliska Jubbaland kuwaas oo mudo Sadex bilood ah uu tababar uga socday Akadeemiyada tababarka Ciidanka Booliska Jubbaland ee Kismaayo.

     
    Ciidankan oo la baray dhamaan casharada layliga Askari iyo dhamaan waxyabaha uu u bahan yahay Askariga Booliska ah ayaa waxaa ay tiradoodu gaaraysa 201 Askari oo isugu jira wiilal iyo Gabdho si wanaagsan loo carbiyay.
     
    Dhamaan Casharada ay barteen ayay madasha kusoo bandhigeen iyagoo sidoo kale geedo ka ciyaar ku hor maray Madaxada hortooda.
     
    Dabagalka, kahor taga danbiyada, barista, ka hortaga rabshadaha, iyo habab kala duwan oo is difaacista shaqsiga ay kamid tahay ayay Askartu goobta kusoo bandhigeen.
     
    Madaxweynaha Dowlada Jubbaland Mudane Axmed Maxamed islaam ayaa munaasabada ka sheegay in Jubbaland ay dadaal dheer galisay dhismaha Ciidamo Boolis ah oo tayo leh sidii lagu heli lahaa maadama baahida ugu weyn ee Soomaaliya ay tahay Boolis si wanaagsan u shaqeeya maadama falalka amaanka lidka ku ah ay yihiin kuwo u baahan khibrad iyo xeel dheeri wax ku ool ah.
     
    Madaxweynahu wuxuu ka codsaday Dowlada Federaalka ah in ay si siman u qaybiso waxyabaha lagu helo magaca Soomaaliyeed isla markana dhismaha Ciidamada Booliska la gaarsiiyo Dalka oo dhan la iskana kaashado sidii Boolisku uu u noqon lahaa sidii lagu yaqiinay bari samaadka.
     
    Madaxweynaha Jubbaland Ahna taliyaha guud ee Ciidamada qalabka sida oo ka hadlayay Xoraynta deeganada maqan ayaa hoosta ka xariiqay in Booliska maanta tababarka dhamaystay ay yihiin kuwii xasilin lahaa Magaalooyinka gacanta Dowlada ka maqan marka la xoreeyo.
     
    Dhamaan cid walba oo gacan ka gaystay hawshan ayuu Madaxweynahu u mahad celiyay isagoo Ciidamada ku dhiiri galiyay in Bulshada ay la Saxiiban oo ay u nuglaadan,hoos ka daawo muuqaalka.

    Halkan ka daawo muuqaalka

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    The Intricate Web of Power: Djibouti’s Influence, Somali Governance, and Allegations of Corruption

    November 9, 2025

    Maxay Maraykanka uga dhigan tahay udoorashada Duqa New York Mamdani?

    November 9, 2025

    Isdhaafsiga ganacsi ka dhexeeya Somaliya iyo Imaaraadka Carabta?

    November 9, 2025
    Latest Posts

    African Union Commission Welcomes South Africa as G20 Chair and Host.

    The Intricate Web of Power: Djibouti’s Influence, Somali Governance, and Allegations of Corruption

    Maxay Maraykanka uga dhigan tahay udoorashada Duqa New York Mamdani?

    Isdhaafsiga ganacsi ka dhexeeya Somaliya iyo Imaaraadka Carabta?

    Faallo:-Dhibaatada laga dhaxlay Hubka Jimcaale iyo talada Aaran-jaan?

    Maxaa ka jira dacaayadaha laga sameeyo diyaaraadaha taageera Ciidamada PL?

    Faallo:-Loolanka Quwadaha Ee Geeska Afrika iyo doorka Puntland?

    Exclusive: Somali ISIS Leader Allegedly Moved to Qatar as Investigations Probe Secret Transfer Mogadishu,Somalia

    Djibouti at a Crossroads: The presidential transition crisis ahead of April 2026 elections

    U.S–Sudan Relations,By U.S. Embassy in Khartoum

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.