Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Video:-In ka badan Boqol qof oo ku geeriyooday Booyad shidaal oo ku qaraxday dalka Pakistan
    Somalia

    Video:-In ka badan Boqol qof oo ku geeriyooday Booyad shidaal oo ku qaraxday dalka Pakistan

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJune 25, 2017No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Saraakiil ayaa sheegay in ugu yaraan 123 qof ay dhinteen ka dib markii booyad shidaal siday ku qaraxday meel u dhaw magaalada bariga Pakistan ku taal ee Ahmedpur.

    Dad ayaa ku soo ururay meesha ay booyaddu ku qallibantay oo doonayey in ay dhurtaan shidaalka, ka dibna waxa dab qabsaday booyaddii sidaas ayayna dad badani ku dhinteen. Tobanaan kale ayaa isbitaallaada lagu dawaynayaa.

    Dad sigaar cabayey oo goobta joogay ayaa loo malaynayaa in ay sababeen dabka qabsaday shidaalkii daatay iyo booyaddaba, sidaa waxa ku waramay TV-ga Geo ee Pakistan laga leeyahay isagoo soo xiganaya dad goob joog ahaa.

    Wadooyinka dalkaas ayaa lagu yaqaan in ay khatar badanyihiin, baabuurta oo aan si fiican loo daryeelin iyo wadeyaal si bilaa taxadar ah u kexeeya baabuurta ayaa loo aaneeyaa shilalka ka dhaca dalkaas.

    Diyaaradaha qumaatiga u kaca ee ciidanka ayaa goobta loo diray si ay dadka dhaawaca ah isbitaallada ula gaadhaan, sidaana waxa sheegay af-hayeenka ciidanka Maj-Gen Asif Ghafoor.

    Warbaahinta Pakistan ayaa baahisay sawirrada baabuur iyo maydad dhuxuloobay, waxaana laga cabsi qabaa in tirada dhimashadu sii kordhi doonto,hoos ka daawo muuqaalka.

     

     

     

     

     

    Halkan ka daawo muuqaalka

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Imaaraadka oo uga digay Yurub xagjiriinta Islaamka

    January 11, 2026

    Maraykanka oo duqaymo isdaba joog ah ka fuliyay Buuraha Calmiskad

    January 11, 2026

    Villa Somaliya awood ma uleedahay in ay Ciidamo ka hawlgiso gudaha dhulka PL?

    January 10, 2026
    Latest Posts

    Imaaraadka oo uga digay Yurub xagjiriinta Islaamka

    Maraykanka oo duqaymo isdaba joog ah ka fuliyay Buuraha Calmiskad

    Villa Somaliya awood ma uleedahay in ay Ciidamo ka hawlgiso gudaha dhulka PL?

    2025 oo noqday Sanadkii xaqiijinta Amniga Puntland.

    Faallo:-Xiriirka Sacuudiga iyo Imaaraadka keebaa uleh muhiimad PL?

    Faallo:-Villa Somaliya maka saari kartaa Dalka Dowlada Imaaraadka?

    Villa Somaliya oo ku cadaadinaysa Shiinaha in uu Wasiirka Arimaha dibada yimaado.

    Faallo:-Maxaa sababay baaqashada Wasiirka Shiinaha Ee Muqdisho?

    Faallo:-Khudbada Madaxweyne Xasan Shiikh Ee Caawa?

    Maraykanka oo ka baxay xubinimada hay’ado fara badan oo caalamiya

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.