Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Video:-Jabuti oo si weyn ugu dabaal degtay maalinta xoriyadeeda iyo madaxweyne Farmaajo oo u hanbalyo udiray
    Somalia

    Video:-Jabuti oo si weyn ugu dabaal degtay maalinta xoriyadeeda iyo madaxweyne Farmaajo oo u hanbalyo udiray

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJune 27, 2017No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa hambalyo ku aadan 40 guuradii ka soo wareegatay markii xornimada ay qaadatay Jabuuti u diray dowladda iyo shacabka reer Jabuuti.

    Madaxweynaha ayaa sheegay in shacabka Soomaaliyeed ay farxada la qeybsanayaan walaalaha Jabuuti oo u dabaal dagayay maalintan qiimaha badan ee markii xornimada ka qaateen gumeystihii Faransiiska.

    “Waxaan hambalyo u dirayaa dowladda iyo shacabka Jabuuti ee walaalaheena ah, oo u dabaal degaya maalintan qiimaha badan oo ah markii xoriyadda ka qaateen gumeystihii Faransiiska”ayaa lagu yiri war qoraal ah oo uu soo saaray Madaxweynaha.

    Sidoo kale Madaxweynaha ayaa dhambaal u diray dhiggiisa Jabuuti, isagoo ugu hambalyeeyay 40-guurada ka soo wareegatay maalinta Xornimada Jabuuti.

    27 June sanadkii 1977 ayay aheyd markii Jabuuti ay xornimada ka qaadatay Gumeystihii Faransiiska, waxaana Soomaaliya ka mid aheyd wadamada ka qeyb qaatay, sidii Jabuuti ay u heli laheyd xornimada.

    Hoos ka daawo muuqaalka sida ay u dhacday munaasabadii dabaaldega maalinta xoriyada Jabuti.

     

    Halkan ka daawo muuqaalka

    https://youtu.be/vvK0m4hVQuI

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Imaaraadka oo uga digay Yurub xagjiriinta Islaamka

    January 11, 2026

    Maraykanka oo duqaymo isdaba joog ah ka fuliyay Buuraha Calmiskad

    January 11, 2026

    Villa Somaliya awood ma uleedahay in ay Ciidamo ka hawlgiso gudaha dhulka PL?

    January 10, 2026
    Latest Posts

    Imaaraadka oo uga digay Yurub xagjiriinta Islaamka

    Maraykanka oo duqaymo isdaba joog ah ka fuliyay Buuraha Calmiskad

    Villa Somaliya awood ma uleedahay in ay Ciidamo ka hawlgiso gudaha dhulka PL?

    2025 oo noqday Sanadkii xaqiijinta Amniga Puntland.

    Faallo:-Xiriirka Sacuudiga iyo Imaaraadka keebaa uleh muhiimad PL?

    Faallo:-Villa Somaliya maka saari kartaa Dalka Dowlada Imaaraadka?

    Villa Somaliya oo ku cadaadinaysa Shiinaha in uu Wasiirka Arimaha dibada yimaado.

    Faallo:-Maxaa sababay baaqashada Wasiirka Shiinaha Ee Muqdisho?

    Faallo:-Khudbada Madaxweyne Xasan Shiikh Ee Caawa?

    Maraykanka oo ka baxay xubinimada hay’ado fara badan oo caalamiya

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.