Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Video:-Jeneral Siciid Dheere”Argagixisada ka dagaalanta Puntland intooda badan waxay ka yimaadaan Somaliland”
    Somalia

    Video:-Jeneral Siciid Dheere”Argagixisada ka dagaalanta Puntland intooda badan waxay ka yimaadaan Somaliland”

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJune 11, 2017No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link
    Talyaha guud ee ciidamada difaaca Puntland Jeneral Siciid Maxamed Xirsi (Siciid Dheere), ayaa waraysi uu saxaafada siiyay maanta waxuu ku faahfaahiyay khasaaraha dagaalkii Af-urur.
    Talyaha oo hadlay markii koowaad tan iyo intii uu dhacay weerarkii alshabaab ee saldhiga Ciidamada Puntland ee Af-urur.
    Siciid Dheere ayaa sheegay in ciidamada Puntland ay argagixisada ka dileen 25-maleeshiyadooda ah oo ay ku jiraan saraakiishii hogaaminaysay,sidoo kale waxuu beeniyay in ay jiraan maleeshiyo afartameeyo ah oo horay uga soo goostay alshabaab oo lagu daray ciidanka Puntland iyagoon loo samayn dhaqan celin in ay qayb ka ahaayeen weerarkii Af-urur.
     
    Talye Siciid Dheere oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay mar la waydiiyaya su’aal ahayad halkee kasoo galaan Puntalnd argagixsada hawlgalada ka fulisaa,waxuu ku jawaabay….
     
    ”Koonfur way ka yimadaan ,balse inta badan xiligan waxay kasoo galaan Somaliland oo noqotay wado lasoo maro”,
     
    Sida lawada og yahay maamulka beesha Isaaq ee Somaliland, ayaa si cad u taageera argagixisada ka dagaalanta buuraha Galgala.
     
    Waxaa xusid mudan hawlgaladii ugu danbeeyay ee ay fuliyaan ciidamada difaaca Puntland oo ay kusoo qabteen 23 kamid ah maleeshiyada alshabaab in 17 ka mid ah maleeshiyada la qabtay ay u dhasheen beesha Isaaq.
     
    Somaliland waxay kaloo siisaa kooxaha argagixisada ah Hub,Saanad milatari oo kala duwan,Hoy iyo Saad kale,
     
    Dawlada Puntland, ayaa dhawr jeer ku eedaysay Somaliland in ay taageerto kooxahaas,sidoo kale warbixin ay sii daysay dawlada itoobiya ayaa lagu cadeeyay doorka somaliland ee taageerida argagixisada ka dagaalanta buuraha Galgala.
     
    Ujeedka maamulka beesha Isaaq ee Somaliland u taageero kooxaha argagixisada ah ee ka dagaalanta Puntland,ayaa ah ka mashquulinta Puntland dhulka somaliland ay ka haysato ee Laascaanood iyo deegaamo ka tirsan Gobolka Sanaag iyo in aysan Puntland ku talaabsan horumar kaabayaasha dhaqaalaha ah.
     
    Maamulka beesha Isaaq ee Somaliland waxuu kaloo taageeraa oo abaabulaa ururka argagixisada ah ee alshabaab qaybtiisa ka dagaalanta ama ka fulisa hawlgalada iskugu jira dilka iyo qaraxyada koonfurta somaliya,gaar ahaan magaalada muqdisho,hoos ka dhagayso codka Talye Sicii Dheere.

     

     

     

     

    Halkan ka daawo muuqaalka

    https://youtu.be/kRYZgbeaN-U

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Xasan si farsamaysan,ayuu ufuliyay amarkii Beesha Caalamka

    June 19, 2025

    Xeerka la dagaalanka argagaxisada PL oo wax laga badalay

    June 19, 2025

    Maxaa kasoo baxay Shirkii Xasan Shiikh Ee Xamar?

    June 19, 2025
    Latest Posts

    Xasan si farsamaysan,ayuu ufuliyay amarkii Beesha Caalamka

    Xeerka la dagaalanka argagaxisada PL oo wax laga badalay

    Maxaa kasoo baxay Shirkii Xasan Shiikh Ee Xamar?

    Baaq ku socda Kufsi wadareedka ka dhacay LC.

    Shirka Bangiyada iyo Maaliyada Puntland oo soo xirmay

    Trump oo ku doodaya Ruushka in lagu daro G-7

    Wararkii ugu danbeeyay dagaalka Iran iyo Israa’iil?

    Faallo:-Maxaa dhacaya hadii Maraykanku ku biiro dagaalka Iran?

    Update:-Dagaalka Iran iyo Israa’iil

    Shirweynaha Bangiyada iyo Maaliyada oo Garowe ka furmay

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.