Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Video:-Madaxweynaha Gaas oo faahfaahin ka bixiyay heshiiskii Pl iyo Shirkada DPWorld
    Somalia

    Video:-Madaxweynaha Gaas oo faahfaahin ka bixiyay heshiiskii Pl iyo Shirkada DPWorld

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyApril 7, 2017Updated:April 7, 2017No Comments3 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa xalay oo ay taariikhdu tahay 6 April 2017 ka qayb galay xaflad casho sharaf ah shirkada DPWORLD ee wadanka Isutaga Imaaraadka Carabta u samysay isaga iyo weftigii balaadhnaa ee uu hogaaminayey, xafladaas oo ahayd xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay.

    Munaasidan oo lagu maamuusayey heshiiskii shirkada DPWORLD iyo Dawladda Puntland kala saxeexdeen gelinkii hore ee shalay ayaa waxaa iyaguna si balaadhan uga soo qayb galay madaxda iyo hawlwadeenada shirkadaasi P&O (DPWORLD).

    Sidoo kale waxaa xaflaada casho sharafta kasoo qayb galay oo lagu casumay jaaliyada ee Soomaalida ee wadanka isutaga Imaaraadka Carabta, Jaaliyaadaas oo ay hormuud u ahaayeen Jaaliyadaha reer Puntland ee ku dhaqan wadankaasi.

    Dhinaca kale waxaa qayb ka ahaa kooxaha fanaaniinta, bahda warbaahinta oo si toos ah utebinaysay tan iyo shalay heshiiskii iyo barnaamijkii xalayba, iyo dhamaan warbaahinta kale ee caalamka oo iyaguna wargeysyada iyo mareegaha internet kaba si toos ah iyo si dadbanba uga tebinayey bulshada caalamka ku nool.

    Madaxda Shirkada P&O (DPWORLD) oo munaasibadii ku soo bandhigay muuqaal ay ku sharaxayeen nooca heshiiskaPuntland iyo DPWORLD islaqaateen iyo qaabka ay usocodsiin doonaan howsha balaadhan ee ay qaban doonaan iyo sida ay uflindooonaan balanqaadka ay lagaleen Dawladda Puntland iyo Shacabkeeda.

    Wasiirka Dekadaha Puntland Siciid Maxamed Raage ayaa isaguna dhankiisa sharaxaad ka bixiyey heshiiskani taariikhiga ah iyo marxaladihii kala duwanaa ee uu soo maray tan iyo intii dhiraandhirintiisa lagu jiray.

    Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland oo isna ka mid ahaa weftigii madaxweynaha oo mudo todobaad ah u joogay magaalada Dubai dhaqaajinta heshiika la gaadhay ayaa si weyn u tibaaxay sida ay lagama maarmaanka u tahay in la helo deked buuxisa adeegayada looga baahan yahay in shacabka Puntland loo qabto.

    Ugu danbayn Madaxweynaha Dawladda Puntland oo munaasibada soo gunaaniday ayaa goobtaasi ka jeediyey khudbad kooban uu kaga waramayo sida ay muhiimka u tahay in Puntland loo jiheeyo dhabada horumarka islamarkaana ku nuuxnuuxsaday qorshaha Dawladda Puntland ee ahmiyadiisu tahay sidii loo hirgelin lahaa Puntland cusub oo casriya

    ” hore ayeynu usoconaynaa, waanuna wadnaa hawsha horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha, waxa saxda ahina waxa weeyaan inaynu waajahno nolosha dhabta ah, walaalayaal waa inaan fahanaa in wax aynaan inagu qabsan cidkale inoo qaban karin, waa inaan dedaal la nimaadnaa, waanuna soconaynaa oo albaab kasta garaacaynaa inta aan ka hirgelinayno himiladayada insha Allaahu, garoonka Gaalkacayo 15 bisha Afraad ee sanadkan ayaan bilaabaynaa, wadada Eyl-na 7 cisho ayey ka danbayn doontaa oo waa ku xigasaysaa, hakanmayno weligeen oo horaa loo soconayaa idinkana reer Puntland ahaan waxaa la idiinka baahan yahay inaad hirgelisaan mashaariicda aanu keeno, anaga waanagu keenista mashaariicda idinka hirgelintooda ayaa la idinka rabaa” ayuu yidhi Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

     

     

     

     

     

     

    Halkan ka daawo muuqaalka

    https://youtu.be/grNdbU46tsw

     

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Baaq ku socda Kufsi wadareedka ka dhacay LC.

    June 17, 2025

    Shirka Bangiyada iyo Maaliyada Puntland oo soo xirmay

    June 17, 2025

    Trump oo ku doodaya Ruushka in lagu daro G-7

    June 17, 2025
    Latest Posts

    Baaq ku socda Kufsi wadareedka ka dhacay LC.

    Shirka Bangiyada iyo Maaliyada Puntland oo soo xirmay

    Trump oo ku doodaya Ruushka in lagu daro G-7

    Wararkii ugu danbeeyay dagaalka Iran iyo Israa’iil?

    Faallo:-Maxaa dhacaya hadii Maraykanku ku biiro dagaalka Iran?

    Update:-Dagaalka Iran iyo Israa’iil

    Shirweynaha Bangiyada iyo Maaliyada oo Garowe ka furmay

    Wararkii ugu danbeeyay dagaalka Iran iyo Israa’iil

    Doonyo laga shakiyay oo lagu qabtay Bender-beyla

    Wararkii ugu danbeeyay ee dagaalka Iran iyo Israa’iil

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.