Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Video:-Madaxweyne Gaas iyo wafti uu hogaaminayo ayaa maanta u anba baxay dalka ingiriiska
    Somalia

    Video:-Madaxweyne Gaas iyo wafti uu hogaaminayo ayaa maanta u anba baxay dalka ingiriiska

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyMay 6, 2017Updated:May 6, 2017No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wefti balaadhan uu hogaaminayo ayaa maanta 06 May 2017 safar shaqo ugu ambabaxay dalka Ingiriiska gaar ahaan magaalada London oo uu 10 May 2017  ka furmi doono shir lagaga hadlayo arrimaha Soomaaliya kaas oo ay ka soo qayb gelayaan Madaxdda DFS iyo Dawladdaha kale ee xubnaha ka ah DFS.

    Weftiga Madaxweynaha yaa waxaa garoonka Abdulaahi Yuusuf Axmed ee magaalada Gaalkacayo kusii sagootiyey masuuliyiin ka tirsan goloyaasha dawladda Puntland, masuuliyiin ka tirsan Baarlamaanka DFS oo hawlo shaqo u jooga Gaalkacayo, saraakiil ka tirsan madaxtooyada dawladda Puntland, maamulka gobolka Mudug, kan degmada Gaalkacayo, saraakiisha ciidamada gobolka Mudug iyo qaar kamida wax garadka magaalada gaalkacayo.

    Madaxweynaha iyo weftigiisa ayaa sii maridoona magaalada Nairobi ee dalka Kenya halkaas oo ay uga sii gudbi donaan magaalada London ee cariga Ingiriiska, waxaana uu madaxweynuhu sheegay in halkaasi ay uga qayb geli doonaan shir ay isugu iman doonaan madaxdda DFS iyo dawladdaha kale ee xubnaha ka ah DFS,  isla markaana lagaga arrin sanayo arrimo khuseeya dib u dhiska ciidan qaran iyo horumarka dalka Soomaaliya.

    ‘’ Saaka waxaan u dhoofayaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya oo aan uga sii gudbi doono magaalada London halkaas oo aan uga qayb gelidoono shirkii Soomaalida ee lagu qabanaayo London 10 bisha May, waxaan rajaynayaa inuu noqdo shirkaasi shir guul iyo khayreh Soomaaliyana wax uga soo kordhaan, waxaan rajaynayaa shirkani inuu ka duwanaado shirarkii hore ee laysugu tegijirey wadamada kale sababtu waxa weeye muhiimada uu maanta leeyahay shirkaasi, shirkani muhiimadiisu waxa weeye in lahelo ciidan qaran, in lahelo dib u dhis  horumar dhaqaale oo dalka loo sameeyo oo  ladhaqaajiyo nabad gelyadii iyo horumarkiiba, waxaanu ka filaynaa maxsuulka ka soo baxa shirkaasi uu noqdo  mid wax weyn ka bedela dhaqaalaha iyo amniga ee dalka Soomaaliya’’ ayuu yiri madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas,hoos ka daawo muuqaalka.

     

     

     

    Halkan ka daawo muuqaalka

    https://youtu.be/qdjxuHQlWR4

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Baaq ku socda Kufsi wadareedka ka dhacay LC.

    June 17, 2025

    Shirka Bangiyada iyo Maaliyada Puntland oo soo xirmay

    June 17, 2025

    Trump oo ku doodaya Ruushka in lagu daro G-7

    June 17, 2025
    Latest Posts

    Baaq ku socda Kufsi wadareedka ka dhacay LC.

    Shirka Bangiyada iyo Maaliyada Puntland oo soo xirmay

    Trump oo ku doodaya Ruushka in lagu daro G-7

    Wararkii ugu danbeeyay dagaalka Iran iyo Israa’iil?

    Faallo:-Maxaa dhacaya hadii Maraykanku ku biiro dagaalka Iran?

    Update:-Dagaalka Iran iyo Israa’iil

    Shirweynaha Bangiyada iyo Maaliyada oo Garowe ka furmay

    Wararkii ugu danbeeyay dagaalka Iran iyo Israa’iil

    Doonyo laga shakiyay oo lagu qabtay Bender-beyla

    Wararkii ugu danbeeyay ee dagaalka Iran iyo Israa’iil

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.