Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Video:-Madaxweyne Gaas oo khudbad qiimo badan ka jeediyay shirka Tana Forum
    Somalia

    Video:-Madaxweyne Gaas oo khudbad qiimo badan ka jeediyay shirka Tana Forum

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyApril 24, 2017No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha Dawladda Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo maalintii labaad ka qayb galaya shirka Madaxdda Africa ee Tana High Level Forum ayaa khudbad muhiima ka jeediyey shirkaasi oo ka dhacayey magaalada Bahar Daar ee dalka Ethiopia.

    Madaxweynuhu wuxuu khudbadiisa kaga hadlay   khayraad dabiici ah ee cagaaga qaarada Afrika , isagoo   kula taliyey madaxdda ka soo qayb gashay shirka inlaga Faa’iidaysto khayraadkaasi.

    ‘’Macdanta Africa waa qani dhinaca khayraadka dabiiciga ah sida saliidda ceedhiin oo ay ka mid yihiin shidaalka iyo gaaska, laakiin waxaan u baahanahy inaan helno hogaamiyayaal wanaagsan oo fahmi kara khayraadka faa’iidadiisa, hadaynaana hada ka faa’iidaysan oo la soo bixin, waxaa dhici karta in wakhti dhaw laga baxo is ticmaalkiisa, waayo hadaynu nahay dadka kunool Qaaradani Africa ma isticmaalo Technology-yada cusub ee maanta aduunka laga isticmaalo, caalamka intiisa kalena waa kusii horumaraysaa maalinba maalinta kadan beysa’’ ayuu yiri madaxweynaha Dawladda Puntland.

    Madaxweynaha oo ka hadlaya dhinaca amaanka Qaarada afrika ayaa qeexay in loo baahan yahay in layska kaashado amaanka guud ee Qaarada,isla markaana lays dhaafsado xogo ku saabsan dhinaca amaanka si loo sugo.

    ‘’Waa mihiim in layska kaashado amaanka guud ee Qaarada, isla markaana lawadaago xogo ku saabsan amaanka kuwaas oo khuseeya ilaalinta iyo xasiloonida wada noolaansho ee dadka kuwada nool Qaaradani qaniga ah, huru marku wuxuu ka dhashaa oo saldhig u ah  nabada, nabadana waxaa suura gelinkara xidhiidhka wadamada Africa oo hagaaga’’ ayuu yiri madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

    Gabagabadii, Madaxweyne Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa hoosta ka xariiqay in Soomaaliya maanta ku heelan tahay geedina ugu jirto horumarka, isla maarkaana doonayso inay dib uga soo kabato wixii hore usoo maray, hadana ay ka jirto siyaasad wanaag kala danbayn, is ixtiraan iyo dib u doonid Qaranimo Soomaaliyeed,hoos ka daawo muuqaalka.

     

     

    Halkan ka daawo muuqaalka

    https://youtu.be/vycNG5_Z4iw

     

     

     

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Baaq ku socda Kufsi wadareedka ka dhacay LC.

    June 17, 2025

    Shirka Bangiyada iyo Maaliyada Puntland oo soo xirmay

    June 17, 2025

    Trump oo ku doodaya Ruushka in lagu daro G-7

    June 17, 2025
    Latest Posts

    Baaq ku socda Kufsi wadareedka ka dhacay LC.

    Shirka Bangiyada iyo Maaliyada Puntland oo soo xirmay

    Trump oo ku doodaya Ruushka in lagu daro G-7

    Wararkii ugu danbeeyay dagaalka Iran iyo Israa’iil?

    Faallo:-Maxaa dhacaya hadii Maraykanku ku biiro dagaalka Iran?

    Update:-Dagaalka Iran iyo Israa’iil

    Shirweynaha Bangiyada iyo Maaliyada oo Garowe ka furmay

    Wararkii ugu danbeeyay dagaalka Iran iyo Israa’iil

    Doonyo laga shakiyay oo lagu qabtay Bender-beyla

    Wararkii ugu danbeeyay ee dagaalka Iran iyo Israa’iil

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.