Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Video:-Maxaa looga wada hadlay shirkii Golaha wasiirada Fadaraaalka ee khamiislaha ahaa
    Somalia

    Video:-Maxaa looga wada hadlay shirkii Golaha wasiirada Fadaraaalka ee khamiislaha ahaa

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyApril 20, 2017No Comments3 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa oo uu shir-guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Mudane Xasan Cali Kheyre. Arrimaha kulanka looga hadlay ayaa waxaa ka mid ahaa Maareynta Maaliyadda, Amniga Qaranka, Xuquuqda Shaqaalaha, Qorshaha ka hortaga Musuqmaasuqa iyo arrimo kale.

     Ugu horeyn Ra’iisul Wasaaraha ayaa hoosta ka xariiqay muhiimada maareynta maaliyadda si shaqaalaha rayidka iyo ciidamada ay u helaan xaquuqdooda, isla markaasna loo labo jibaaro aruurinta canshuuraha, iyadoo lala dagaalaayo waxii musuqmaasuq ah ee jira. Warbixin dheer ka dib Golahu waxey isla garteen in si deg-deg ah loo mideeyo nidaamka dakhli uruurinta, si shaqo abuur loogu sameeyo dhallinyarada, in la sameeyo lacagtii shilin Soomaaliga iyo in maamul wanaag lagu saleeyo nidaamka dakhli uruurinta dalka.

    Warbixinta amniga ayaa lagu sheegay in dhowaan uu bilaabanayo howlgal ciidan oo ka dhan ah kooxaha argagaxisada ah, iyadoo la diyaarinayo ciidanka isla markaasna laga howlgalayo sidii waddooyinka gobollada la isagu furi lahaa si shacabka loo gaarsiiyo gargaarka ay u baahan yihiin isla markaana loogu fududeyn lahaa isu socodka iyo ganacsiga.

    Ra’iisul Wasaaraha ayaa warbixin dheer ka bixiyey shirkii Madaxda Qaranka iyo Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada oo uu sheegay in si wanaagsan la isagu afgartay dhammaan arrimihii laga hadlay ayna muuqato yididiilo iyo kalsooni wadashaqeyn buuxda leh. Waxaana la isla gartay in 3dii biloodba mar ay kulmaan, lagana wada howlgalo sugida amniga dalka oo dhan, iyadoo ciidanka la wada qarameyn doono dhowaan.

    Wasiirka Shaqada & Horumarinta Bulshada ayaa warbixin dheer ka bixiyey xaalada shaqaalaha rayidka ah, iyadoo la qiray xaalada adag ee shaqaalahu ku howlgalaan, laguna ammaanay dulqaadkooda iyo howlkarnimadooda, ayaa golahu waxuu ballanqaaday in xaquuqda shaqaalaha laga howlgalo, iyadoo la hagaajinayo maamulka iyo maareynta shaqaalaha, si loo kordhiyo xirfadooda oo wax-soosaarkoodu kor u koco, oo dowladu ay hesho dakhli keeni kara in dhallinyarada loo sameeyo shaqo-abuur.

    Wasiiru-Dowlaha Maaliyadda oo ka warbixiyey qorshaha ka hortaga Musuqmaasuqa ayaa sheegay in la diyaariyey nidaam looga hortagayo lunsashada hantida Qaranka, si loo joogteeyo mushaaraadka shaqaaalaha rayidka ah, in baaris iyo dabagal joogta ah lagu sameeyo sidii loo joojin lahaa musuqmaasuqa oo cidii lagu helo sharciga la horgeyn doono. Sidoo kale waxaa la isla gartay in wacyigelin baahsan la sameeyo oo bulshada looga digayo khatarta ay leedahay musuqmaasuqa si loo ciribtiro bulshada ay door uga qaadato. Hindise Sharciyeedka la dagaalanka Musuqmaasuqana waxaa lagu heshiiyey in la dardargeliyo oo la ansixiyo.

    Wasiirka Dhallinyarada iyo Cayaaraha ayaa ka warbixisay xaaladda Wasaaradda iyo booqashadii uu Guddoomiyaha Xiriirka Africa ku yimid Soomaaliya. Waxeyna u mahadcelisay dhammaan intii kaalinta wanaagsan ka qaadatay booqashada iyo labadii cisho ee uu joogay dalka, tanoo soo celisay sumacadii iyo karaamadii Isboortiga dalka, isla markaasna Guddoomiyaha Xiriirka FIFA uu isna soo booqan doono dalka.

    Ugu danbeyntii Wasiirada Haweenka & Arrimaha Xaquuqul Insaanka ayaa warbixin ka bixisay qorshaha dhismaha Guddiga Xaquuqul Insaanka iyadoo la isla gartay in la dardargeliyo hirgelinta qorshaha dhismaha guddigan oo muhiim u ah bulshada Soomaaliyeed.

    –—DHAMMAAD—-

     

     

     

     

    Halkan ka daawo muuqaalka

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    The Intricate Web of Power: Djibouti’s Influence, Somali Governance, and Allegations of Corruption

    November 9, 2025

    Maxay Maraykanka uga dhigan tahay udoorashada Duqa New York Mamdani?

    November 9, 2025

    Isdhaafsiga ganacsi ka dhexeeya Somaliya iyo Imaaraadka Carabta?

    November 9, 2025
    Latest Posts

    African Union Commission Welcomes South Africa as G20 Chair and Host.

    The Intricate Web of Power: Djibouti’s Influence, Somali Governance, and Allegations of Corruption

    Maxay Maraykanka uga dhigan tahay udoorashada Duqa New York Mamdani?

    Isdhaafsiga ganacsi ka dhexeeya Somaliya iyo Imaaraadka Carabta?

    Faallo:-Dhibaatada laga dhaxlay Hubka Jimcaale iyo talada Aaran-jaan?

    Maxaa ka jira dacaayadaha laga sameeyo diyaaraadaha taageera Ciidamada PL?

    Faallo:-Loolanka Quwadaha Ee Geeska Afrika iyo doorka Puntland?

    Exclusive: Somali ISIS Leader Allegedly Moved to Qatar as Investigations Probe Secret Transfer Mogadishu,Somalia

    Djibouti at a Crossroads: The presidential transition crisis ahead of April 2026 elections

    U.S–Sudan Relations,By U.S. Embassy in Khartoum

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.