Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Video:-Maxay kaga wada hadleen kulankoodii ugu horeeyay ee ay wada yeeshaan Madaxweyne farmaajo iyo madaxda Imaaraadka
    Somalia

    Video:-Maxay kaga wada hadleen kulankoodii ugu horeeyay ee ay wada yeeshaan Madaxweyne farmaajo iyo madaxda Imaaraadka

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyApril 10, 2017Updated:April 11, 2017No Comments3 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa kula kulmay magaalada Abu Dhabi Caasimadda dalka Imaaraadka Carabta ee Midoobay, Dhaxalsugaha Abu Dhabi ahna Abaanduulaha ciidamada qalabka sida ee dalkaasi Sheikh Mohammed bin Zayed Al Nahyan.

     Kulanka oo ka dhacay qasriga badda, ayaa looga wada hadlay xiriirka walaalnimo ee labada dal , qaabkii lagu xoojin lahaa, loona horumarin lahaa danaha labada dal.

    Intii kulanka uu socday ayaa lagu soo bandhigay iskaashiga  labada dal ee dhinacyada kala duwan sida mashaariic horumarineed oo Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta ay fulineyso oo u dan ah shacabka Soomaaliyeed, si dib loogu dhiso hey’adaha qaran ee Soomaaliya.

    Madaxweyne Farmaajo ayaa soo bandhigay dadaalka dowladdiisa ay ugu jirto la dagaallanka argagaxisada iyo si loo sugo amniga iyo deganaanshaha Soomaaliya.

    Madaxweynaha Soomaaliya ayaa muujiyay in Soomaalida ay uga mahadcelinayaan Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta taageeradeeda joogtada waxuuna tilmaamay in shacabka Soomaaliyeed ay mudnaan iyo tixgelin siinayaan aragtida wanaagsan ee Dowladda Isutagga Imaaraat-ka Carabta.

    Madaxwayne Farmaajo wuxuu carabka ku adkeeyay  tixgelinta uu u hayo Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta iyo hoggaankeeda taageerada xiriirka ah ee ay u fidiyeen shacabka Soomaaliyeed xilligii adkaa , isaga qiray kaalinta wax ku oolka ah iyo midda sokeeyenimo ee Sheikh Mohammed bin Zayed Al Nahyan uu u haayo dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

    Dhankiisa, Sheikh Mohammed bin Zayed Al Nahyan waxa uu sheegay in Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta ee uu hogaamiyo Madaxweyne Sheikh Khalifa bin Zayed Al Nahyan ay sii wadi doonto taageeridda walaalaha Soomaaliya, ayna ka caawin doonto dib u dhiska hey’adaha qaran si loo taageero amniga , deganaanshaha iyo horumarka, isaga oo u rajeeyay shacabka Soomaaliyeed barwaaqo, horumar iyo inuu ku guulaysto hiigsiga iyo yididiilada ay doonayaan inay gaaraan

    Sheikh Mohammed bin Zayed Al Nahyan waxa uu tilmaamay in Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta ay ballan-qaadeyso sii socoshada xiriirka taariikhiga ah ee kala dhexeeya shacabka Soomaaliyeed, waxa kale oo yiri “Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta waxa ay is garabtaagi doontaa, taageeri doontaa dadaalka Madaxweyne Farmaajo ee hiigsanaya amniga, deganaanshaha iyo horumarka

    Waxaa dhanka Dowladda Federaalka Soomaaliya uga qeybgalay kulankaasi Wasiirka Arrimaha Dibadda Amb. Yuusuf Garaad Cumar Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Cabdulqaadir Macallin Nuur, Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada, Xuseen Sheekh Cali Lataliyaha amniga qaranka ee Madaxweynaha iyo tiro kale oo mas’uuliyiin ah.

    Dhanka Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta waxaa ka qayb galay Dr. Anwar bin Mohammed Gargash Wasiiru dowlaha arrimaha dibadda, Ali bin Hammad Al Shamsi kuxigeenka Xoghayaha guud ee Golaha sare ee amniga qaranka iyo Mohammed Mubarak  Al Mazrouei Agaasimaha diiwaanka Dhaxalsugaha Abu Dhabi,hoos ka daawo muuqaalka.

     

     

     

     

    Halkan ka daawo muuqaalka

    https://youtu.be/k2rsG3jWIX8

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    The Intricate Web of Power: Djibouti’s Influence, Somali Governance, and Allegations of Corruption

    November 9, 2025

    Maxay Maraykanka uga dhigan tahay udoorashada Duqa New York Mamdani?

    November 9, 2025

    Isdhaafsiga ganacsi ka dhexeeya Somaliya iyo Imaaraadka Carabta?

    November 9, 2025
    Latest Posts

    African Union Commission Welcomes South Africa as G20 Chair and Host.

    The Intricate Web of Power: Djibouti’s Influence, Somali Governance, and Allegations of Corruption

    Maxay Maraykanka uga dhigan tahay udoorashada Duqa New York Mamdani?

    Isdhaafsiga ganacsi ka dhexeeya Somaliya iyo Imaaraadka Carabta?

    Faallo:-Dhibaatada laga dhaxlay Hubka Jimcaale iyo talada Aaran-jaan?

    Maxaa ka jira dacaayadaha laga sameeyo diyaaraadaha taageera Ciidamada PL?

    Faallo:-Loolanka Quwadaha Ee Geeska Afrika iyo doorka Puntland?

    Exclusive: Somali ISIS Leader Allegedly Moved to Qatar as Investigations Probe Secret Transfer Mogadishu,Somalia

    Djibouti at a Crossroads: The presidential transition crisis ahead of April 2026 elections

    U.S–Sudan Relations,By U.S. Embassy in Khartoum

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.