Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Video:-Nadwadii 15-aad oo diiniya oo looga hadlay abaaraha iyo Xisbiga Takfiiriga ah ee Alsaariquun bil xaq
    Somalia

    Video:-Nadwadii 15-aad oo diiniya oo looga hadlay abaaraha iyo Xisbiga Takfiiriga ah ee Alsaariquun bil xaq

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyApril 16, 2017Updated:April 16, 2017No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Waxaa Xalay ka bilowday Masjidka wayn ee Al-Rawda  Nadwo Cilmiyeedkii  15-aad ee Sannadlaha ahayd  oo ka dhici jirtay magaalada Boosaaso.

     Nadwadan oo ciwaankeedu ahaa Gundhigga Islaaxa Ummadda iyo Caqabadaha Hortaagan.

    Kadib markii Aayadaha Quraanka lagu furfurtay, waxaa hadalka qaatay Boqor Burhaan Boqor Muuse oo bogaadiyay Nadwada iyo culumada soo qabanqaabisay, intaa kadib waxa uu boqorku  ka hadlay waddanka xaaladda uu ku jiro iyo abaaraha ka jira,  oo uu ku tilmaamay in ay abaartan tahay tii ugu darnayd oo abid nasoo marta,  waxa uuna tilmaamay in dhibaatadaas looga bixi karo Cabsida Alle iyo ummaddu in ay Ilaaheed u noqoto.

    Waxaa Intaa kadib kalimado soo dhawayn iyo ula jeeddooyinka loo qabto nadwooyinka sannadlaha ah ka  hadlay labada sheikh ee kala ah Sh. Axmed Daahir iyo Sh.C/Raxmaan Bukhaari, waxayna labada sheekh u mahad celiyeen culumada ka qayb qaadanaysa Nadwada oo ka kala yimid dal iyo dibadba.

    Intaa kadib waxaa si toos ah loo guda galay darsigii koowaad oo ku saabsanaa Sooyaalka Caqlaaniyiinta iyo dhibaatooyinka fikirkaas oo uu soo jeediyay Sh. Fu’aad Maxamuud X.Nuur.

    Ugu horrayn waxa uu sheekhu qeexay waxa ay yihiin Caqlaaniyiintu, waxa uuna sheegay in lagu tilmaamo ”Koox isu taagtay in ay baddasho Sooyaalka ay ummadi leedahay ” ,  sidoo kale waxa uu sheegay in lagu tilmaamo “Koox aaminsan in diinta la oggolaysiiyo fikirada ku xooggan adduunka”.

    Intaa kadib waxa uu ka warramay fikirkaan meesha uu ka soo jeedo iyo cidda bilowday, waxa uuna sheegay in uu kasoo jeedo firqada culumada islaamku ay u yaqaannaan MUCTAZILAH (المعتزلة) kooxdaas oo aaminsan In Caqliga laga hor mariyo wax walba oo diintu sheegtay, kooxdaas oo diidday in qabriga la isku cadaabayo, axaadiithta tilmaamaysa dheelmiska nabiga NNKH, Soo dagista Nabi Ciise NKH iyo waxyaabo badan oo diintu sugtay.

    Gabagabadii waxaa soo gunaanaday darsigaas sh.axmed faarax Garaase oo tilmaamay sababaha keenay caqlaaniyadda iyo hababka looga hor tagi karo,hoos ka daawo muuqaalka.

     

     

    Halkan ka daawo muuqaalka

    https://youtu.be/qjdSuO6Ug2s

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Wada xaajoodkii oo fashilmay iyo Xasan oo la qaawiyay

    August 13, 2025

    Galmudug:-Kulan Amniga looga xaajoonayo oo ka dhacay Dhuusamareeb

    August 11, 2025

    Garaacis xoog badan oo ku socota Godadka argagixisada Calmiskaad

    August 10, 2025
    Latest Posts

    Wada xaajoodkii oo fashilmay iyo Xasan oo la qaawiyay

    Galmudug:-Kulan Amniga looga xaajoonayo oo ka dhacay Dhuusamareeb

    Garaacis xoog badan oo ku socota Godadka argagixisada Calmiskaad

    Xasan Shiikh oo xaalku ku adag yahay !!

    Faallo:-Ma loo baahnaa soo noqoshada Siyaasadii Laba Wajiilaynta Maraykanka?

    Cali Xoosh oo si dhuumasha ah uga baxay Laascaanood

    Muhiimada dhismaha Wadada Bosaso- Dhadaar

    Mw Deni oo Dhagaxdhigay Wadada Bosaso-Dhaadaar

    Faahfaahinta Deegaamada ay Ciidamada PL Gacanmarinayaan

    Ciidamada PL oo ku dhaqaaqay Gacan marinta Godadka argagixisadu ku gubato

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.