Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Video:-Safiirkii Somaliya ee dalka Kenya oo maanta xilka wareejiyay
    Somalia

    Video:-Safiirkii Somaliya ee dalka Kenya oo maanta xilka wareejiyay

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyApril 19, 2017Updated:April 19, 2017No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Dajnirihii hore ee safaaradda Soomaaliya u fadhiyay Wadanka Kenya, haatanna ah Wasiirka Qosheynta, Maalgashigga iyo Horrumarinta dhaqaalaha  Mudane Jamaal Maxamed Xasan ayaa maanta xilka safiirnimo si KMG ah ugu wareejiyay qunsulka safaaradda mudane Cali Maxamed Sheekh Cali Bagadi, kaddib munaasabad lagu qabtay xarrunta safaaradda.

     Munaasabadda ayaa waxaa ka soo qeybgalay Xasan Abshir Faarax, safiirka dowladda Soomaaliya u fadhiya wadanka Indonesia, Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, diblomumaasiyiin iyo shaqaalaha Safaaradda.

    Jamaal Maxamed Xasan ayaa galka safaaradda ku wareejiyay Mudane Cali Maxamed Sheekh Cali Bagadi oo ah ku simaha safiirka ahna qunsulka safaaradda, waxaana warbaahinta si wadajir ah ula hadlay safiirkii hore ahna Wasiirka Qosheynta, Maalgashiga iyo Horrumarinta dhaqaalaha   Mudane Jamaal iyo C/raxmaan Kampala oo ah safiir ku xigeenka ahna qunsulka koowaad ee magacaaban.

    ku simaha safiirka ahna qunsulka safaaradda Mudane Cali Maxamed Sheekh Cali Bagadi oo isna goobta ka hadlay ayaa u mahadceliyay Danjire Jamaal, isagoo ku ammaanay wax qabad mudadii uu xilka safariinimo hayay.

    Ugu dambeyn ku simaha safiirka ahna qunsulka safaaradda Mudane Cali Maxamed Sheekh Cali Bagadi  ayaa shahaado sharad goobta ku guddoonsiiyay safiirkii hore ee safaaradda Soomaaliya ee wadanka Kenya, taas oo ku saabsaneyd wax qabadka dajirihii hore ee Wadanka Kenya,hoos ka daawo muuqaalka.

     

     

     

     

     

    Halkan ka daawo muuqaalka

     

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Imaaraadka oo uga digay Yurub xagjiriinta Islaamka

    January 11, 2026

    Maraykanka oo duqaymo isdaba joog ah ka fuliyay Buuraha Calmiskad

    January 11, 2026

    Villa Somaliya awood ma uleedahay in ay Ciidamo ka hawlgiso gudaha dhulka PL?

    January 10, 2026
    Latest Posts

    Imaaraadka oo uga digay Yurub xagjiriinta Islaamka

    Maraykanka oo duqaymo isdaba joog ah ka fuliyay Buuraha Calmiskad

    Villa Somaliya awood ma uleedahay in ay Ciidamo ka hawlgiso gudaha dhulka PL?

    2025 oo noqday Sanadkii xaqiijinta Amniga Puntland.

    Faallo:-Xiriirka Sacuudiga iyo Imaaraadka keebaa uleh muhiimad PL?

    Faallo:-Villa Somaliya maka saari kartaa Dalka Dowlada Imaaraadka?

    Villa Somaliya oo ku cadaadinaysa Shiinaha in uu Wasiirka Arimaha dibada yimaado.

    Faallo:-Maxaa sababay baaqashada Wasiirka Shiinaha Ee Muqdisho?

    Faallo:-Khudbada Madaxweyne Xasan Shiikh Ee Caawa?

    Maraykanka oo ka baxay xubinimada hay’ado fara badan oo caalamiya

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.