Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Video:-Sawiro:-Madaxweyne Gaas oo dhagax dhigay dhismaha garoonka cusub ee diyaaradaha Cabdulaahi Yuusuf Axmed
    Somalia

    Video:-Sawiro:-Madaxweyne Gaas oo dhagax dhigay dhismaha garoonka cusub ee diyaaradaha Cabdulaahi Yuusuf Axmed

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyApril 29, 2017No Comments3 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo saacado kahor soo daahfuray mashruuca dhismaha jidka Garoowe iyo Eyl ayaa magaalada Gaalkacayo ka dhagax dhigay dhismaha gaaroonka diyaaradaha Abdulaahi Yuusuf Axmed,  isla markaana ka qayb galay xafladda daahfurka mashruuca dhismaha garoon kaasi.

    Weftiga Madaxweynaha ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Abdulaahi Yuusuf Axmed ku soo dhoweeyey masuuliyiin ka tirsan goloyaasha dawladda Puntland, maamulka gobolka Mudug kan degmada Gaalkacayo, masuuliyiin ka tirsan madaxtooyada Puntland, saraakiisha ciidama Puntland iyo qaar kamida shacabka  magaalada Gaalkacayo.

    Madaxweynaha ayaa waxaa safarka ku wehelinaayey madaxdda shirkada CCECC oo Puntland ka hirgelinaysa laba mashruuc oo waaweyn oo kala ah dhismaha garoonka diyaaradaha Gaalkacayo iyo samaynta jidka isku xidhidoona Garoowe iyo Eyl.

    Soo dhoweyn kadib Madaxweynaha Dawladaa Puntland ayaa daahfuray dhismaha garoonka diyaaradaha ee magaalada Gaalkacayo, Madaxweynaha oo kahadlay xaflada haafurka gaanka ayaa sheegay in balan qaaadkii ahaa  Hal-Sano, Hal Airport, Labo-Sano Labo Airport iyo Sadex-Sano Sadex Airpot uu maanta rumoobey madaama maanta la daahfurayo dhismaha garoonkii sadexaad ee caalamiya oo Puntland gudeheeda laga hirgeliyo.

    ‘’Waxaan xasuusta anigoo jooga dalka Ingiriiska   gaar haan London ayaa waxaan ku iri dadka reer Puntland ee halkaasi jooga,  Puntland ‘hal sano hal Airpot baan helaynaa Labo sano laba Airport iyo sadex sano sadex Airport’ maantana kii ugu danbeeyey ayan dhagax dhigaynaa, runtii Illahay ayaan ugu xamdi naqaynaa guushaasi, hada waxaanu soo dhagax dhignay wadada isku xidhi doonta Garoowe iyo Eyl, muhiimada kaabayaasha dhaqaalaha iyo isku xidhkoodu waa muhiim, waxayna muhiim u tahay isu socodka dalka, kaabayaasha dhaqaalaha iyo wadanku inii maalgashi helo,’’ ayuu yiri madaxweynuhu Dawladda Puntland

    ‘’inagu waxaan leenahay khayraad dabiiciya oo wadan keena ku duugan lakiin mahaysano aqoontii aan ku soo saran lahayn iyo dhaqaalihii aan kula soo bixi lahayn, dabcan markaan dhisano kaabayaasha dhaqaalaha waxaan helaynaa maalgashi debedeed oo iyagu ugu horeeyaan  ‘’CCECC’’oo ah inay nagu tageeraan sidii aanu uga faa’iidaysan lahayn khayraadkayaga dabiiciga ah, meel fiican ayay maraysaa Puntland waayo majirto Soomaliya meel ay kajirto sadex International Airport’’ ayuu yiri Madaxweynaha Dawladda Puntlnd.

    Dhinaca kale, Madaxweynaha ayaa ku booriyey shacabka Puntland gaar ahaan shacabka gobolka Mudug in lagu tageero shirkada fulinaysa dhismaha garoonka sidii ay u gudan lahaayeen waajibaad kooda shaqo, laguna garab istaago wax kasta oo suurayn kara dhaqaajinta mashruucaasi, waxaana uu sidoo kale sheegay madaxweynuhu in dhawaan iyana la bilaabi doono mashruuca balaadhinta iyo casriyaynta dekeda magaalada Boosaaso.

    Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa ku booriyey shacabka Puntland in lala shaqeeyo shirkada CCECC oo Puntland ka fulinaysa ha labo mashruuc oo waaweyn, waxaana uu tilmaamay in guusha shirkada CCECC uu ku xidhan yahay hadba sidii ay ula shaqeeyaan dadka reer Puntland.

    Ugu danbayn, Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa si rasmi ah u dhagax dhigay dhismaha garoonka diyaaradaha ee magaalada Gaalkacayo, waxaana garoonka lagu dhammayn doonaa dhismihiisa mudo kayar halsano,hoos ka daawo muuqaalka

     

     

     

    Halkan ka daawo muuqaalka

    https://youtu.be/r20Le12lgUo

                                                                      

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Baaq ku socda Kufsi wadareedka ka dhacay LC.

    June 17, 2025

    Shirka Bangiyada iyo Maaliyada Puntland oo soo xirmay

    June 17, 2025

    Trump oo ku doodaya Ruushka in lagu daro G-7

    June 17, 2025
    Latest Posts

    Baaq ku socda Kufsi wadareedka ka dhacay LC.

    Shirka Bangiyada iyo Maaliyada Puntland oo soo xirmay

    Trump oo ku doodaya Ruushka in lagu daro G-7

    Wararkii ugu danbeeyay dagaalka Iran iyo Israa’iil?

    Faallo:-Maxaa dhacaya hadii Maraykanku ku biiro dagaalka Iran?

    Update:-Dagaalka Iran iyo Israa’iil

    Shirweynaha Bangiyada iyo Maaliyada oo Garowe ka furmay

    Wararkii ugu danbeeyay dagaalka Iran iyo Israa’iil

    Doonyo laga shakiyay oo lagu qabtay Bender-beyla

    Wararkii ugu danbeeyay ee dagaalka Iran iyo Israa’iil

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.