Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Video:-Soomaaliya iyo Kenya oo kala saxiixday heshiisyo muhiim ah
    Somalia

    Video:-Soomaaliya iyo Kenya oo kala saxiixday heshiisyo muhiim ah

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyMarch 23, 2017Updated:March 23, 2017No Comments4 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in laba isbuuc gudahood dib loo billaabi doono duulimaadyada tooska ee Muqdisho iyo Nairobi, iyadoo meesha laga saari doono in lagu sii hakado garoonka ku yaalla magaalada Wajeer ee gobalka Waqooyi bari Kenya.

    Hadalkan ayuu ka sheegay shir jaraa’id oo ay si wada jir ah u qabteen madaxweynaha Soomaaliya Maxamed cabdullaahi Farmaajo oo booqasho rasmi ah ku joogo Kenya.

    “Waxaan amar ku siinay mas’uuliyiinta ammaanka ee labadeena dal inay si deg deg ah u kulmaan kuna heshiiyaan qaabkii ay u dib ugu billaabi lahaayeen duulimaadyada tooska ah ee Muqdisho iyo Nairobi iyadoo duulimaadka ugu horreeyana aan fileyno laba isbuuc gudahood”, ayuu yiri Kenyatta.

    Dowladda Kenya ayaa horay u ballan qaaday inay xayiraada duulimaadyada tooska ah qaadi doonto wixii ka billowdo bishii Desember ee sanadkii hore, balse taa ma dhicin, mana jirin wax sharraxaad ah oo laga bixiyay.

    Wasiirka arrimaha dibedda Kenya Aamina Maxamed ayaa bishii September ee sanadkii hore warfidiyeenada u sheegtay in la qaadi doono xayiraadaasi mar ay Muqdisho uga qeybgeleysay shirka IGAD.

    “Waa in meesha laga saaro joojinta diyaaradaha Muqdisho ka baxa ee Nairobi u socda kuwaasoo lagu hakiyo Wajeer balse waa in laga shaqeeyo ammaanka labada garoon Muqdisho iyo Jomo Kenyatta, ka hor inta aan arrintaasi la hirgelinin” ,ayey tiri wasiirka arrimaha dibedda Aamina Maxamed.

    Madaxweyne Farmaajo ayaa soo dhaweeyay go’aankaasi isagoo sheegay in rajeynayo inuu dhaqangalo laba isbuuc ka dib.

     

     

     

    Madaxweyne Farmaajo ayaa soo dhaweeyay go’aankaasi isagoo sheegay in rajeynayo inuu dhaqangalo laba isbuuc ka dib.

    Labada madaxweyne waxay sidoo kale ku heshiiyaan in dib loo fura xadka labada dal oo ay dowladda Kenya xirtay 2007dii sababa dhinaca ammaanka ah.

    Muddo 30 mlamaood gudahood ayaa dib loo furi doonaa marinada xadka labada dal ee Beled-xaawo—Mandheera iyo Libooy—Doobley.

    inkastoo xadka uu si rasmi ah u xirnaa, haddana saameyn weyn kuma yeelan isku socodka dadka iyo badeecooyinka.

    Madaxweynaha Soomaaliya waxaa la filayaa in uu ka qeyb galo kullan gaar ah oo madaxda waddamada IGAD ku yeelan doonaan Nairobi maalinta Sabtida ah.

    Kullankan oo ay marti gelinayso Kenya waxaa lagu eegi doonaa xaaladda abaarta iyo sidii wax looga qaban lahaa, arrinta qaxootiga Soomaaliyeed ee Kenya doonayso in ay dib ugu celiso Soomaaliya, Xaaladda ammaanka, iyo dabcan taageerada IGAD ee kullanka Soomaalida ee lagu qaban doono London bisha May ee soo socota,

     

    Qodobada lagu heshiiyay ee ay kala saxiixdeen labada Madaxweyne oo aan idin soo koobnay ayaa kala ah:-

     

    1. In 2 toddobaad gudohood lagu soo afjaro hakadkii amni (security transit) ee Wajeer ay kusoo mari jireen duullimaadyada ka yimaadda Soomaaliya, halkaas oo ay silic iyo saxariir badan kala kulmi jireen shacabka. Hadda kaddib, duullimaadyada ka yimaadda Muqdisho waxay toos ugu dagi donaan Nairobi.

    2. In muddo bil gudaheed ah laba bar ama marin soohdimeed laga sameeyo Beled-Xaawo/Mandheera iyo Dhoobleey/Libooy, halkaasna ay isaga gooshaan dadka iyo dunyada. Waxaana halkaas ku baxaya darbigii la sheegi jiray, waxaana si xowli ah isugu furmaya ganacsiga.

    3. In laga billaabo maanta dadka haysta baasaboorrada diblomaasiga ah iyo kuwa adeegga (service) ay dal-ku-galkooda (visa) ka qaadan doonaan gegiyada dayuurdaha labada dal.

    4. In arrimaha qaxootiga looga shaqeeyo hannaankii saddex geesoodka ahaa ee ay hore ugu heshiiyeen Kenya iyo Soomaaliya iyo Hey’adda Qaramada Midoobay u Qaabilsan Qaxootiga ee UNHCR.

    5. In Kenya ay 200 oo macallin, 200 oo kalkaaliso caafimaad iyo 100 maamulayaal sare oo dowladeed ay si bilaash ah ugu tababareyso Soomaaliya.

    6. In dib loo soo nooleeyo Guddiga Wadajirka ah ee Iskaashiga (JCC) halkaasna ay labada dowladood uga shaqeeyaan dhammaan howlaha ka dhaxeey,hoos ka daawo muuqaalka.

     

     

     

     

    Halkan ka daawo muuqaalka

    https://youtu.be/_gY4OwNmyYs

     

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Baaq ku socda Kufsi wadareedka ka dhacay LC.

    June 17, 2025

    Shirka Bangiyada iyo Maaliyada Puntland oo soo xirmay

    June 17, 2025

    Trump oo ku doodaya Ruushka in lagu daro G-7

    June 17, 2025
    Latest Posts

    Baaq ku socda Kufsi wadareedka ka dhacay LC.

    Shirka Bangiyada iyo Maaliyada Puntland oo soo xirmay

    Trump oo ku doodaya Ruushka in lagu daro G-7

    Wararkii ugu danbeeyay dagaalka Iran iyo Israa’iil?

    Faallo:-Maxaa dhacaya hadii Maraykanku ku biiro dagaalka Iran?

    Update:-Dagaalka Iran iyo Israa’iil

    Shirweynaha Bangiyada iyo Maaliyada oo Garowe ka furmay

    Wararkii ugu danbeeyay dagaalka Iran iyo Israa’iil

    Doonyo laga shakiyay oo lagu qabtay Bender-beyla

    Wararkii ugu danbeeyay ee dagaalka Iran iyo Israa’iil

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.