Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Video:-Trump oo si maqaab sare leh ugu soo dhaweeyay Aqalka-cad Madaxweyne danbiyo dagaal
    Somalia

    Video:-Trump oo si maqaab sare leh ugu soo dhaweeyay Aqalka-cad Madaxweyne danbiyo dagaal

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyApril 4, 2017No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa dib boorka uga jafay xiriir sanado nuxuuska ahaa oo uu Mareykanku la lahaa wadanka ugu weyn dunida carabta ee Masar, kadib markii Isniintii uu si diiran Aqalka Cad ugu soo dhaweeyay madaxweyne Abdel Fattah el-Sissi.

    Trump ayaa u ballan qaaday Masar inuu kala shaqeynayo la dagaalanka argagixisada iyo kooxaha Islaamiyiinta ee seef la boodka ah.

    Waxey aheyd booqashadii ugu horeysay oo madaxweyne ka socda Masar uu ku yimaado Mareykanka tan iyo sanadii 2009-kii, oo madaxweynihii hore ee Mareykanka Barack Obama uu ku casuumay Washington madaxweynihii hore ee Masar Hosni Mubarak, ka hor kacdoonkii xukunka looga eryay.

    Dhiniciisa madaxweynaha Masar, Sissi, ayaa sheegay inuu aad uga helay halka uu Madaxweyne Trump ka taaganyahay la dagaalanka argagixisada.

    Laakiin Khubarada ka faallooda arrimaha gobolka ayaa qaba inay Trump ku noqon doonto caqabd adag oo dhinaca siyaasadda arrimaha dibadda ah sidii madaxweynihii isaga ka horeeyay, dheeli tirka xiriirka Masar iyo Mareykanka.

    Obama waligii Aqalka Cad kuma uusan casuumin Sisi, wuxuuna ka joojiyay gargaarkii military ee uu siin jiray Qaahira, ka dib markii milatariga oo uu Sisi hogaaminayay ay afgambiyeen madaxweynihii ugu horreeyey ee Masar ee si dimuquraadi ah loo soo doortay Mohammed Morsi, kadibna Sissi xukunka u dhiibay sanad ka dib, 2014-kii.

     

     

     

    Halkan ka daawo muuqaalka

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Imaaraadka oo uga digay Yurub xagjiriinta Islaamka

    January 11, 2026

    Maraykanka oo duqaymo isdaba joog ah ka fuliyay Buuraha Calmiskad

    January 11, 2026

    Villa Somaliya awood ma uleedahay in ay Ciidamo ka hawlgiso gudaha dhulka PL?

    January 10, 2026
    Latest Posts

    Imaaraadka oo uga digay Yurub xagjiriinta Islaamka

    Maraykanka oo duqaymo isdaba joog ah ka fuliyay Buuraha Calmiskad

    Villa Somaliya awood ma uleedahay in ay Ciidamo ka hawlgiso gudaha dhulka PL?

    2025 oo noqday Sanadkii xaqiijinta Amniga Puntland.

    Faallo:-Xiriirka Sacuudiga iyo Imaaraadka keebaa uleh muhiimad PL?

    Faallo:-Villa Somaliya maka saari kartaa Dalka Dowlada Imaaraadka?

    Villa Somaliya oo ku cadaadinaysa Shiinaha in uu Wasiirka Arimaha dibada yimaado.

    Faallo:-Maxaa sababay baaqashada Wasiirka Shiinaha Ee Muqdisho?

    Faallo:-Khudbada Madaxweyne Xasan Shiikh Ee Caawa?

    Maraykanka oo ka baxay xubinimada hay’ado fara badan oo caalamiya

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.