Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Video:-Trump oo wacad ku maray in nabad ka dhalindoono Bariga dhexe
    Somalia

    Video:-Trump oo wacad ku maray in nabad ka dhalindoono Bariga dhexe

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyMay 23, 2017No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa maanta wacad ku maray inuu sameyn doono wax kasta oo uu awoodo, si uu nabad uga dhaliyo Bariga Dhexe, isaga oo ku celinaya ballan-qaayadii ay horey u sameeyeen madaxweynayaashii ka horeeyey, oo haddana ku fashilmay inay hadafkaas gaaraan.

    “Waxaan si dhab ah ugu rajo weynahay in Mareykanka uu Israel iyo Falastiin ka caawin doono inay nabad gaaraan oo ay rajo cusub u keenaan gobolka iyo dadkiisa” ayuu yiri Trump kadib kulan saacad qaatay oo uu maanta magaalada Bethlehem kula yeeshay madaxweynaha mamaulka Falastiiniyiinta Mahmoud Abbas.

    Trump ayaa intaas ku daray inuu rumeysan yahay “Haddii Israel iyo Falastiin ay nabad gaari karaan, waxay bilow u noqon doontaa hanaanka nabadda ee Bariga Dhexe oo idil”.

    Isaga oo ka dhinac hadlayey Trump, ayaa Abbas waxa uu sheegay in dhibaatada ugu weyn ee haysata Falastiiniyiinta ay tahay qabsashada iyo deegaameynta Israel ay ka waddo dhulkooda, iyo in Israel ay ku guul darreysatay inay aqoonsato Falastiin.

    “Dhibaatadi maaha diinta Yahuudda, ee waa qabsashada” ayuu yiri Abbas.

    Waxa uu ku celiyey inuu diyaar u yahay inuu aqbalo xal laba dal oo ku suleysan xuduudihii sanadii 1967-kii la calaameeyey,hoos ka daawo muuqaalka.

     

     

     

     

     

     

    Halkan ka daawo muuqaalka

    https://youtu.be/w9RjYT8jdXo

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Imaaraadka oo uga digay Yurub xagjiriinta Islaamka

    January 11, 2026

    Maraykanka oo duqaymo isdaba joog ah ka fuliyay Buuraha Calmiskad

    January 11, 2026

    Villa Somaliya awood ma uleedahay in ay Ciidamo ka hawlgiso gudaha dhulka PL?

    January 10, 2026
    Latest Posts

    Imaaraadka oo uga digay Yurub xagjiriinta Islaamka

    Maraykanka oo duqaymo isdaba joog ah ka fuliyay Buuraha Calmiskad

    Villa Somaliya awood ma uleedahay in ay Ciidamo ka hawlgiso gudaha dhulka PL?

    2025 oo noqday Sanadkii xaqiijinta Amniga Puntland.

    Faallo:-Xiriirka Sacuudiga iyo Imaaraadka keebaa uleh muhiimad PL?

    Faallo:-Villa Somaliya maka saari kartaa Dalka Dowlada Imaaraadka?

    Villa Somaliya oo ku cadaadinaysa Shiinaha in uu Wasiirka Arimaha dibada yimaado.

    Faallo:-Maxaa sababay baaqashada Wasiirka Shiinaha Ee Muqdisho?

    Faallo:-Khudbada Madaxweyne Xasan Shiikh Ee Caawa?

    Maraykanka oo ka baxay xubinimada hay’ado fara badan oo caalamiya

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.