Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Video:-Wasiirka maaliyada”dowladda cusub ay ku dhowdahay in ay gaarto isku filnaansho maareeynta kharashka ku baxay dowladda”
    Somalia

    Video:-Wasiirka maaliyada”dowladda cusub ay ku dhowdahay in ay gaarto isku filnaansho maareeynta kharashka ku baxay dowladda”

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyMay 31, 2017No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Dr. C/raxmaan Ducaale Beyle, oo maanta shir saxaafadeed ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay arrimo badan oo ay tahay waxqbadka Wasaaradda labadii bilood ee la soo dhaafay, kordhinta dakhliga dowladda, sare u qaadista isla xisaabtanka, deymaha dalalka caalamka ay Soomaaliya ku leeyihiin iyo hanaanka canshuuraha dalka.

     Dr. C/raxmaan Beyle, Wasiirka Maaliyadda ayaa sheegay in dowladda cusub ay ku dhowdahay in ay gaarto isku filnaansho maareeynta kharashka ku baxay dowladda..

    “ Waxaan dooneynaa in wadanka uu ku filnaado kharashaadka ku baxaya dowladda sida bixinta mushaaraadka iyo running cost oo ah, waxyaabaha shaqada ku soconeyso, labadii bilood ee la soo dhaafay waxaa ku guuleysanay in aan bixino mushaaraadka ciidanka iyo shaqaalaha dowladda”

    Wasiirka ayaa sidoo kale tilmaamay in markii hore canshuurta beriga ay aheyd dakhliga dalka in ka badan 90% maantana ma jirto arintaas sababtana waa amni darada jirta, haddii amniga la sugo waa la isku filnaanayaa.

    Wasiir Beyle ayaa sidoo kale, sheegay in dalka lagu leeyahay lacag ka badan $5 Bilyan taas oo ay ku leeyihiin dalal iyo hey’ado caalami ah, isla markaana wadahadolo dheer kadib lagu rajo weyn yahay in laga cafiyo deymahaas.

    “Deynta waxaa nagu leh saddex qolo oo kala ah dalalka Yurub, dalalka Carabta oo ah kuwa ugu badan iyo  bankiyo caalami ah hay’da lacagta adduunka {IMF} iyo World Bank”sidaa waxaa yiri Wasiirka maaliyada

    Wasiirka ayaa sheegay in ay dalalkaas iyo hey’adaha ay kala hadleen sidii deyntaas looga cafin lahaa Soomaaliya, maadaama aysan bixin Karin lacagtaas, waxaana lagu xirey shardi ah in ay hagaajiyaan hannaanka Maaliyadda dalka, isla markaana muddo 12 bilood ah loo qabtay in ay arintaas hirgeliyaan si loo cafiyo deynta.

    Sidoo kale, Wasiir Beyle ayaa sheegay in deeq lacageed oo gaaraysa $50 Million ay ka heleen bankiga aduunka, taas oo lagu qaban doono dadka abaaruhu saameeyeen in mashaariic kale loogu sameeyo.

    Ugu dambeyntii Wasiirka Maaliyadda dalka ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay bixiyaan canshuurta ku waajibtay ayna dhankooda ilaalin doontaan amaanadaas,hoos ka daawo muuqaalka.

     

     

     

     

     

    Halkan ka daawo muuqaalka

     

     

     

     

     

     

     

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    The Intricate Web of Power: Djibouti’s Influence, Somali Governance, and Allegations of Corruption

    November 9, 2025

    Maxay Maraykanka uga dhigan tahay udoorashada Duqa New York Mamdani?

    November 9, 2025

    Isdhaafsiga ganacsi ka dhexeeya Somaliya iyo Imaaraadka Carabta?

    November 9, 2025
    Latest Posts

    African Union Commission Welcomes South Africa as G20 Chair and Host.

    The Intricate Web of Power: Djibouti’s Influence, Somali Governance, and Allegations of Corruption

    Maxay Maraykanka uga dhigan tahay udoorashada Duqa New York Mamdani?

    Isdhaafsiga ganacsi ka dhexeeya Somaliya iyo Imaaraadka Carabta?

    Faallo:-Dhibaatada laga dhaxlay Hubka Jimcaale iyo talada Aaran-jaan?

    Maxaa ka jira dacaayadaha laga sameeyo diyaaraadaha taageera Ciidamada PL?

    Faallo:-Loolanka Quwadaha Ee Geeska Afrika iyo doorka Puntland?

    Exclusive: Somali ISIS Leader Allegedly Moved to Qatar as Investigations Probe Secret Transfer Mogadishu,Somalia

    Djibouti at a Crossroads: The presidential transition crisis ahead of April 2026 elections

    U.S–Sudan Relations,By U.S. Embassy in Khartoum

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.