Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Video:-Wax badan ka gow awooda Hooyada bambooyinka
    Somalia

    Video:-Wax badan ka gow awooda Hooyada bambooyinka

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyApril 14, 2017No Comments3 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Militariga dalka Mareykanka ayaa bamkii ugu weynaa oo aan nukliyer ahayn, markii ugu horeysay ku dhuftay gobolka Nangarhar ee bariga dalka Afghanistan.

    Weerarka loo adeegsaday bamkan oo loo yaqaanno ‘hooyada bambooyiinka’ waxaa la fuliyay xalay.

    Waxaa la sheegay in lala eegtay qadad dhulka hoostiisa ah oo ay adeegsadaan dagaalyahannada ururka la baxay Khilaafada Islaamka ee degmada Achin.

    Isticmaalka bamka noocan ah oo aan nukliyer ahayn uma baahna in madaxweynaha Mareykanka uu fasaxo.

    Waa hub aad u culus oo dhererkiisa gaarayo 30ft, culeyskiisuna yahay 9,800kg.

    Waxaa lagu hagaa GPS-ka Internetka, waxaana xambaara diyaaradaha xamuulka ee MC-130. Waxayna qarxdaa waxyar ka dib marka uu dhulka ku dhoco.

    Inkastoo bamka noocan ah diyaarad laga soo rido haddana waxaa dhinac kaga xiran qalab hagaya, wuxuuna leeyahay baalal uu ku duulo, gadaalna wuxuu ku leeyahay afar baal oo yaryar.

    Ujeedada ugu weyn ee laga leeyahay waxay tahay in qarax weyn ay samayso ayna baabi’iso dhul gaaraya 1.6km.

    Maadada Aluminium ee laga sameeyay bamka waxay xoojineysaa baaxadda waxyeelada bamka.

    Bamka ‘dhufeys baabi’iyaha’ waxaa loo hagaajiyay inuu burburiyo qadadka dhulka hootooda mara iyo agabka lagu keydiyo dhulka hoostiisa.

    Hubkan waxaa loo diyaariyay in loo adeegsado dagaalkii Ciraaq, halkii bamna waxaa ku baxaysa dhaqaale gaaraya $16 milyan oo dollar.

    Markii ugu horeysay ee la tijaabiyo waxay ahayd 2003-dii, balse waa markii ugu horeysay oo dagaal loo adeegsado.

    Sidoo kale, bamkan loo bixiyay ‘hooyada bambooyiinka’ ma aha midka ugu weyn ee Mareykanka uu haysto ee aan nukliyer ahayn.

    Bamka kale ee ka weyn oo lagu magacaabo MOP xitaa dhanka culeyska wuu ku labo jibaarmaa ‘hooyada bambooyiinka’

    Dalka ay Mareykanka xifaaltamayaan ee Ruushka wuxuu sameystay bam kale oo aad u weyn oo ay u bixiyeen ‘aabaha bambooyiinka oo dhan’. Waa madfac ku duula shidaal oo si weyn wax u baabi’iya.

    Waxaa sidoo kale loo yaqaannaa bamka Thermobaric, wuxuuna ku qarxaa laba marxaladood.

    Midda koobaad, qarax yar oo hawada ku faafiya waxyaabo yaryar oo ifaya taasina waxay sababtaa cadaadis iyo mowjado waaweyn oo qaraxyo ah.

    Mid ka mid ah ujeedooyiinka ugu waa weyn waxaa ka mid ah in niyad ahaan loo dhaawoco kooxda lala eegto madfaca oo lagu baqdin geliyo qaraxa weyn ee uu sameeyo gantaalka iyo burburka uu geysto.

    Madaafiicda kale ee la mid ka ah waxaa ka mid ah PLU-82 oo loo sameeyay in uu meel kayn ah dhulka la simo oo uu ka dhigo dhul bannaan, si diyaaradaha qumaatiga u kaca ay ugu degaan,hoos ka daawo muuqaalka.

     

     

     

    Halkan ka daawo muuqaalka

    https://youtu.be/aF2BnJ-gNbo

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Imaaraadka oo uga digay Yurub xagjiriinta Islaamka

    January 11, 2026

    Maraykanka oo duqaymo isdaba joog ah ka fuliyay Buuraha Calmiskad

    January 11, 2026

    Villa Somaliya awood ma uleedahay in ay Ciidamo ka hawlgiso gudaha dhulka PL?

    January 10, 2026
    Latest Posts

    Imaaraadka oo uga digay Yurub xagjiriinta Islaamka

    Maraykanka oo duqaymo isdaba joog ah ka fuliyay Buuraha Calmiskad

    Villa Somaliya awood ma uleedahay in ay Ciidamo ka hawlgiso gudaha dhulka PL?

    2025 oo noqday Sanadkii xaqiijinta Amniga Puntland.

    Faallo:-Xiriirka Sacuudiga iyo Imaaraadka keebaa uleh muhiimad PL?

    Faallo:-Villa Somaliya maka saari kartaa Dalka Dowlada Imaaraadka?

    Villa Somaliya oo ku cadaadinaysa Shiinaha in uu Wasiirka Arimaha dibada yimaado.

    Faallo:-Maxaa sababay baaqashada Wasiirka Shiinaha Ee Muqdisho?

    Faallo:-Khudbada Madaxweyne Xasan Shiikh Ee Caawa?

    Maraykanka oo ka baxay xubinimada hay’ado fara badan oo caalamiya

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.