Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Video+Sawiro:-Culumada Bosaso oo si adag u naqdiyay xisbiga Takfiiriga ah ee Sacaadadiin bil xaq
    Somalia

    Video+Sawiro:-Culumada Bosaso oo si adag u naqdiyay xisbiga Takfiiriga ah ee Sacaadadiin bil xaq

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyApril 21, 2017No Comments4 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Waxa caaway gashay habeenkii lixaad nadwo cilmiyeedii sanad laha ahayd ee ka socotay magaalada Boosaaso, caaway waxay isugu jidhay nadwadu labo qaybood ,qaybta hore waxaa lagu qaatay labo muxaadaro oo oo ka mid ahaa duruusta nadwada, muxaadarada hore ee nadwada oo kusaabsanayd ”Burburka Akhlaaqda ” waxaana soo jeediyay Dr Xasan Sh. Cali Warsame , muxaadarada labaad oo iyaduna kusaabsanayd ”Deegaanka iyo wanaajinta iyo xumaynta uu ku hayo bini aadamku ”, waxaana soo jeediyay Shiikh Maxamuud Xaaji Yusuf.

    Intaa kadib waxa loo gudbay qaybtii danbe ee nadwaa oo ku saabsanay soo xiritaanka nadwada, waxayna ka koobnayd kalmado ay soo jeediyeen qaar ka mid ah culimaada, madaxda dhaqanka iyo aqoonyahanadii ka soo qayb galay nadwada caaway .

    Ugu danbaytii Shiikh Faarax Maxamed Cajab ayaa akhriyey bayaankii nadwdii shan iyo tobanaad.

    Bayaankuna waxa uu u qorraa sidan soo socota:

    Bayaankii gabagabada Nadwada 15aad ee Boosaaso

    Mahad oo dhan Allaah baa iska leh, nabadgelyo iyo naxariisi Nabi Maxamed korkiisa ha ahaato, Intaa ka dib:-

    Qodobada Bayaanka

    1- Culimada ka soo qaybgashay nadwada 15aad ee magaalada Boosaaso waxay ugu baaqayaan shacabka Soomaaliyeed in ay Rabbigood u soo wada noqdaan, ayna joojiyaan wax kasta oo Ilaahay ka caraysiinaya, isla markaasna ay shareecada islaamka si buuxda ugu dhaqmaan, hoggaanka siyaasada iyo hoggaanka dhaqankuna ay arrintaas hormuud ka noqdaan.

    2- Shacabka Soomaaliyeed waa shacab 100% muslim ah, diyaarna u ah in diintooda la baro, wixii ka qaldanna loo saxo; sidaa darteed Jamaacooyinka ku andacoonaya in shucuubta caalamka islaamku riddoobeen, waxaan ugu baaqaynaa inay Ilaahay ka baqaan oo ay joojiyaan marinhabaabinta ummadda, hadday khayr doon yihiinna ay awooddooda galiyaan sidii bulshada diinteeda loo bari lahaa, wixii ka qaldanna loogu sixi lahaa, ee aysan isku dhabarjabin inay dadka ka dhaadhiciyaan inay gaalo yihiin.

    – Markii aan si qotodheer u darisnay afkaarta iyo dhaqamada kooxda la magac-baxday maandoon waxaa noo caddaatay in aysan xurmaynayn Qur’aanka iyo Xadiiska nabigeena midna, ayna caqligooda iyo afkaarta gaalada diin ka dhigteen; sidaa darteed waxaan ugu baaqaynaa dadweynaha soomaaliyeed inay ka digtoonaadaan baadinimada iyo kufriga ay ku faafinayaan baraha bulshadu ku xiriirto (Social media). Dhalinyarada aqoonyahanka ahna waxaan ugu baaqaynaa inay afka iyo qalinkaba kula diriraan ilaa ay xerada diinta ku soo celiyaan ama ay sharkooda ummadda ka aamusiyaan.

    4- Annaga oo ka ambaqaadayna aayadaha Qur’aanka ah iyo axaadiista nabigeena صلى الله عليه وسلم waxaan dadweynaha Soomaaliyeed ugu baaqaynaa inay ilaaliyaan walaalnimada iyo midnimada , ayna ka dheeraadaan wax kasta oo dhaawacaya xiriirkooda walaalnimo, sida: qabyaalada, dulmiga iwm.

    5- Waxaan ugu baaqaynaa guud ahaan bulshada soomaaliyeed iyo maamulkaba inay ilaaliyaan deegaanka oo saamayn toos ah ku leh nolosha dadkeena iyo duunyadeenaba, lagana sameeyo cilmi-baarisyo faahfaahsan iyo wacyigalin joogto ah, si looga badbaado masiibooyinka ka dhalan kara baabi’inta deegaanka bad iyo berriba.

    6- Umadda jiritaankeeda iyo awoodeeduba waxay ku jiraan ilaalinta akhlaaqda islaamka iyo dhaqankii wanaagsanaa ee soo jireenka u ahaa soomaalida, waxaan ka digaynaa burburka akhlaaqeed ee ku lammaan aaladaha netka iyo filimaanta afsoomaaliga loo turjumay, iyo waliba dhar-xirashada aan waafaqsanayn shareecada islaamka rag iyo dumarba.

    7- Cadaaladda iyo Garsoorku waa tiirka ugu muhiimsan oo umaddi ku dhisnaan karto, sidaa awgeed waxaan ugu yeeraynaa umadda soomaaliyeed shacab iyo dawladba xaqiijinta iyo garab istaagga Garsoorka heer kasta (qofka, qoyska, qabiilka, maxkamadaha, maamulada).

    والله التوفيق

    Bayaankan waxa saxiixay culimada Kala ah:-

    1-Sh .Daahir Aw Cabdi
    2- Sh . C/wahaab sh isxaaq
    3-Sh . Maxamuud xaaji yuusuf
    4- Dr Xasan Sh Cali Warsame
    5- Dr Aadam Sh Cali
    6- Sh. Axmed c/samed
    7- Sh . Maxamed macalim axmed
    8- Sh . Axmed Daahir Xasan
    9- Sh . C/raxmaan Maxamed dhowre (Bukhaari)
    10- Sh fu’aad Maxamuud x. Nuur
    11- Sh. Faarax Maxamed cajab
    12- Sh axmed faarax warsame
    13- Sh axmed maxamed faarax (dheeli)
    14. Sh c/laahi cabdi shabeele
    15-Sh Maxamed c/laahi c/dule

     

     

    Halkan ka daawo muuqaalka

    https://youtu.be/_ZviLlVC4kc

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Baaq ku socda Kufsi wadareedka ka dhacay LC.

    June 17, 2025

    Shirka Bangiyada iyo Maaliyada Puntland oo soo xirmay

    June 17, 2025

    Trump oo ku doodaya Ruushka in lagu daro G-7

    June 17, 2025
    Latest Posts

    Baaq ku socda Kufsi wadareedka ka dhacay LC.

    Shirka Bangiyada iyo Maaliyada Puntland oo soo xirmay

    Trump oo ku doodaya Ruushka in lagu daro G-7

    Wararkii ugu danbeeyay dagaalka Iran iyo Israa’iil?

    Faallo:-Maxaa dhacaya hadii Maraykanku ku biiro dagaalka Iran?

    Update:-Dagaalka Iran iyo Israa’iil

    Shirweynaha Bangiyada iyo Maaliyada oo Garowe ka furmay

    Wararkii ugu danbeeyay dagaalka Iran iyo Israa’iil

    Doonyo laga shakiyay oo lagu qabtay Bender-beyla

    Wararkii ugu danbeeyay ee dagaalka Iran iyo Israa’iil

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.