Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Video+sawiro:-Dawlada Turkiga oo Gaalkacyo ka hirgalinaysa isbitaalka ugu weyn Bartamaha Soomaliya
    Somalia

    Video+sawiro:-Dawlada Turkiga oo Gaalkacyo ka hirgalinaysa isbitaalka ugu weyn Bartamaha Soomaliya

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyMay 4, 2017No Comments3 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 04 may 2017 ku qaabilay magaalada Gaalkacayo wefti uu hogaaminayo kuxigeenka safiirka dalka Turkiga u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Mr. Alican Aksoy.

    Kahor inta aanu Madaxweynuhu ku qaabilin xafiiskiisa weftigani ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Abdulaahi Yuusuf Ahmed ku soo dhoweeyey masuuliyiin ka tirsan goloha wasiirada dawladda Puntland, saraakiil ka tirsan madaxtooyada dawladda Puntland, maamulka gobolka Mudug, kan degmada Gaalkacayo iyo masuuliyiin kale.

    Weftigani uu hogaaminayey kuxigeenka safiirka dalka Turkiga u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Mr. Alican Aksoy ayaa u socdey kormeer ku aadan maashaariico horumarineed oo ay ka hirgelin doonaan Puntland gaar ahaan magaalada Gaalkacayo, waxaana kamida shaaricdaasi dhismaha cusbitaal weyn iyo iskuul lagu baran doono farsamada gacanta kaas oo wax weyn ka tari doona sare u qaadida xirfada iyo aqoonta  dhalinta ku dhaqan magaaladaasi iyo guud ahaan Puntland.

    Mashaariicdan ayaa ah kuwo madaxweynaha Dawladda Puntland uu hore ugu gudbiyey safiirka dalka Turkiga u qaabilsan arrimaha Soomaaliya inay ka caawiyaan Puntland, isla markaana ay ka hirgeliyaan magaalada Gaalkacayo maadaama ay cubitaalkii weynaa ee magaaladaasi hore u soo gaadhey burbur xoogan oo gebihaanba dhulka uu la sinmay dhismihii cusbitaanka.

    Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa kulan kula qaatay xafiis kiisa magaalada Gaalkacayo wufuuda kasocotey safaarada Turkiga ee Soomaliya, waxaana uu madaxweynuhu uga mahad naqay dalka Turkiga mashaaricdaasi wax-tarka leh ee ay ka hirgelinayaan Puntland gaar ahaan magaalada Gaalkacayo kuwaas oo wax weyn ka taridoona baahiyaha caafimaad iyo kuwa wax barashowe ee shacabka Puntland iyo ummaadad Soomaaliyeedba.

    Dhinnnaca kale weftiga uu hogaaminayey kuxigeenka danjiraha dalka Turkiga ee Soomaaliya ayaa soo kormeeray goobaha laga hirgelinaayo mashaariicdaasi iyo sidoo kale cusbitaalka weyn ee magaalada Gaalkacayo oo ay ku sugan yihiin dad badan oo ay wax yeelo u geysatay abaartii Alle ka dulqaaday ummaadiisa iyo iskuulka Cumar Samatar oo ka mida goobaha waxbarasho ee ugu facaweyn Soomaaliya.

    Wasiirka wasaarada degaanka Dawladda Puntland ayaa sheegay in Puntland ay ahay albaabkii koowaad ee ay markii ugu horaysey ka soo galeenTurkigu Soomaaliya, taas oo sababtay in Soomaliya iyo Turkigu noqdaan laba dal oo saaxiiba, waxaana uu mahad balaadhan u soo jeediyey shacabka Turkiga iyo xukoomadooda oo ummaadda Soomaaliyeed markasta garab taagan.

    Mr. Alican Aksoy ayaa dhankiisa sheegay in dawladda Puntland ay ka jirto maamulwanaag, kala danbayn, xasilooni iyo wada jir dhanwalba leh, waxaana uu madaxweynaha dawladda Puntland uga mahadnaqay qaabilaada boqran ee uu ku qaabilay.

     

    Ugu danbayn, Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa gudoonsiyey waftiga hadiyado isku jirey hidaha iyo dhaqanka Soomaalida iyo sidoo kale midhaha qaar kamida kuwa Soomaalidu ugu jeceshay uguna isticmaalka badantahay.

     

     

     

    Halkan ka daawo muuqaalka

    https://youtu.be/_qiBSFMXN0Y

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Beesha Warsengeli iyo Dowlada Puntland oo Shir uga furmayo Bosaso

    August 18, 2025

    Madaxda Yurub,Nato iyo Maraykanka oo ka xaajoonaya dagaalka Ukrain

    August 18, 2025

    Zelensky oo markale lagu soo dhaweeyay Aqalka-cad

    August 18, 2025
    Latest Posts

    Beesha Warsengeli iyo Dowlada Puntland oo Shir uga furmayo Bosaso

    Madaxda Yurub,Nato iyo Maraykanka oo ka xaajoonaya dagaalka Ukrain

    Zelensky oo markale lagu soo dhaweeyay Aqalka-cad

    Ciidamada Difaaca Puntland oo sardar leh uwada Wajiga Afraad

    Yaa umaalgelinaya Itoobiya garoonka diyaaradaha cusub?

    Puntland oo soo saartay Boolis Tayo iyo Tiro sareeya

    Kulankii Taariikhiga ahaa Ee Trump iyo Putin oo bilowday

    Maraykanku miyuu aqoonsanayaa Somaliland?

    Ciidamada Difaaca Puntland oo horumar ka sameeyay Gacanmarinta Godadka

    Kulan Taariikhiya oo dhexmaraya Trump iyo Putin

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.