Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Video+Sawiro:-Madaxweyne Gaas wadooyin cusub oo laamiya ka dhagax dhigay Garowe
    Somalia

    Video+Sawiro:-Madaxweyne Gaas wadooyin cusub oo laamiya ka dhagax dhigay Garowe

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJune 28, 2017No Comments3 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxseynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 28 June 2017 magaalada Garoowe ka dhagax dhigay  waddooyin laamiya kuwaas oo halbowle u ah bilicda iyo isu socodka caasimada, intaasi kadib waxaa uu Madaxweynuhu kormeeray Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland.

    Munaasibada  dhagax dhiga wadadooyin kaasi ayaa waxaa iyaguna kasoo qayb galay Wasiirka Wasaarada Hawlaha Guud iyo wasiir kuxigeenka Wasaaradda Arimaha gudaha dawladdaha hoose  iyo horumarinta ree miyiga, duqa degmada Garoowe,iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyadda dawladda Puntland.

    Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa ugu horayn dhagax dhigay wadada Fadhi Samo oo dherer keedu dhan yahay 1KM iyo 400M ( hal-kiloo mitir iyo afarboqol oo mitir ) ,

    Madaxweynaha oo kahadlaya muhiimada ay u leedahay wadadani Fadhi Samo ayaa sheegay inay wax weyn kusoo kordhin doonto bilicday iyo dhismaha caasimadda, isla markaana ay ka dawlad ahaan muhiim u tahay in caasimadu noqoto mid qaabiyad wanaagsan leh oo u qalanta caasimadda Dawladda Puntland, waxaana uu bogaadhiyey Madaxweynuhu sida wanaagsan ee shacabka Garoowe uga qayb qaateen bilicda magaalada.

    ”runtii waan ku faraxsanahay bilicda magaaladda Garoowe ee caasimada dawladda Puntland, muhiim baynoo tahay inay magaaladu qurux badan tahay, caasimad istaahisha bilicda, horumarka iyo wanaaga Puntland waa inay noqotaa,  waxaana kow ka ah horumarkaasi waa jidadka, magaaladu waa inay jid leedahay, wadooyin lamaro leedahay waxayna soo kordhinaysaa taasi ganacsi , horumar, bilic iyo amni intaba, runtii tani waxay qayb ka tahay xasilinta iyo amniga caasimada, waana bogaadinayaa company-gii ku guulaystey waana rajaynayaa inay shaqo wanaagsan qabtaan” ayuu yiri Madaxweynaha Dawlada Puntland.

    Dhinaca kale Madaxweynaha ayaa xusay in wadadani lagu hirgelinayo mashruuca JPLG, isla markaana ay dawladu kaalinteeda ka qaadato markasta wax ku kordhinta mashruucaasi.

    Sidoo kale Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa dhagax dhigay dhismaha wadada Bulsho oo iyana laga hirgelindoono wadodo laami ah taasi oo dhererkeedu yahay (1km iyo 370m) iyo balaadhinta Jidka Sodonka oo isna labilaabi doono shaqadiisa, waxaana uu sheegay madaxweynuhu in mashaariicda laga fulinaayo caasimada aanay ku koob naan doonin mashaariicda hada socota hase ahaatee dhowaan ay bilaabmi doonaan mashaariic badan oo ay ka midtahay barnaamijka horumarinta caasimada oo ka kooban jidad tiro badan iyo buundooyin, waxaana mashruucaasi dawladda ka taageeri doona Bangida Aduunka.

    Madaxweynaha ayaa sidoo kale mahad balaadhan u soo jeediyey dhammaan intii ka qayb qaadatay qaabaynta, habaynta iyo bilicda magaalada Garoowe maadaama ay taasi maanta sahashey in si fudud magaalada looga hirgeliyo wadooyinkan, waxaana uu madaxweynuhu shacabka Puntland ugu baaqay in laga qayb qaato horumarka baaxadale  ee Puntland oo dhan kasocda.

    Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud ee Dawladda Puntland ayaa isna dhankiisa bogaadiyey wadooyinka bilicsan ee caasimada laga hirgelinaayo, waxaana uu ugu baaqay shacabka Puntland inay diyaar u ahaadaan dhaqaajinta iyo hirgelinta mashaariicdaasi.

    Ugu Danbayn,  madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa kormeeray Wasaaradda Maaliyadda Dawladda Puntland, isla markaana kulan gaara laqaatay Masuuliyiinta kala duwan ee Wasaaradaasi, waxaana uu soo kormeeray dhismaha cusub ee wasaaraddu yeelandoonto oo dhismihiisi meel wanaagsan marayo.

    –DHAMMAAD–

    XAFIISKA, WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

     

     

     

     

    Halkan ka daawo muuqaalka

    https://youtu.be/5iNPbt2KW5g

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    November 19, 2025

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    November 19, 2025

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    November 19, 2025
    Latest Posts

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    Faahfaahin duqaymo lala beegsaday firxadka argagixisada

    Faah-faahin dheeraad ah Miisaaniyadda sanadka 2026 Ee Puntland

    Somaliya oo codkeeda ku biirisay Qasa in la geeyo Ciidan shisheeye

    Palestinian Authority welcomes UN Security Council resolution on Gaza

    𝗪𝗮𝗳𝘁𝗶 𝘂𝘂 𝗵𝗼𝗴𝗴𝗮𝗮𝗺𝗶𝗻𝗮𝘆𝗼 𝗪𝗮𝘀𝗶𝗶𝗿 𝗝𝘂𝘅𝗮 𝗼𝗼 𝗴𝗮𝗮𝗿𝗮𝘆 𝗗𝗵𝗮a𝗱𝗮𝗮𝗿

    Wasaarada Arimaha gudaha oo go’aan ka gaartat khilaafka Golaha Deegaanka

    Ciidamada Puntland oo qaaday hawlgal culus

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.