Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Video+sawiro:-Wafti uu hogaaminayo wasiirka waxbarashada fadaraalka soo gaaray Garowe
    Somalia

    Video+sawiro:-Wafti uu hogaaminayo wasiirka waxbarashada fadaraalka soo gaaray Garowe

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJuly 5, 2017No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Wafti balaaran oo uu hogaaminayo Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Hidaha iyo  Tacliinta sare Dawlada Federaalka ee  Somalia Mudane C/raxmaan Daahir Cismaan iyo agaasimaha guud ee isla wasaaradaas Mudane Maxamed C/qaadir Nuur ayaa booqasho rasmi ah ku yimid caasimada Dawlada Puntland, kadib marti qaad ay ka heleen Wasaarada Waxbarashad iyo Tacliinta sare ee Puntland.

    Waftiga ayaa kala kulmay soo dhowayn balaaran Wasaarada Waxbarashad iyo Tacliinta sare ee Puntland oo uu hogaaminayo wasiirka Wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Puntland Prof, Abshir Yuusuf Aw-Ciise, wasiir ku xigeenka wasaarada waxbarashada iyo tacliinta sare Dr, Maxamed Cali Faarax, agaasimaha guud ee wasaarada waxbarashada  Maxamed C/qaadir Cusmaan iyo shaqaalaha kala duwan ee wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Puntland.

    Waftiga ayaa booqday dhamaan xafiisyada waaxyaha kala duwan ee Wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Puntland kadibna waftiga ayaa booqasho iyo talaan ugu tagay madaxweye ku xigeenka  Dawlada Puntland Eng, Cabdixakiim Cabdullahi Xaaji Cumar Camey.

    Ujeedada waftigu u  yimid ayaa ah ka qaybgalka shirweyne looga hadlayo arimaha waxbarashada labada wasaaradood tan Federaalka iyo tan Puntland.

    Qodobada shirka looga hadlayo ayaa ah.

    1. Sharciga iyo siyaasada waxbarashada.

     

    1. Xoojinta xiriirka iyo nidaamka wada shaqaynta labada wasaaradood.

     

    1. Manaahijta iyo imtixaamaadka: labada wasaaradood waxay si qoto dheer uga wada hadlayaan islana meeldhigayaan ahmiyada uu leeyahay manhaj iyo imtixaan mideysan oo dalku yeesho si loo xaqiijiyo helitaanka waxbarashado tayo leh oo ku taagan manhaj midaysan, qiimeyn midaysan iyo shahaado mideysan .
    2. Deeqaha waxbarashada.

     

    1. Mashaariicda waxbarashada.

     

    1. In la mideeyo qaab dhismeedka xarumaha waxbarashada si waafaqsan nidaamka caalamiga ah.

    Shirku wuxuu bilaabanayaa maalinka khamiista taariikhduna ku beegantahay 06/7/2017, wuxuuna qaadan karaa ku dhowaad mudo asbuuc ah.

    Waa markii sadexaad oo wafti heerkaan ah yimaado Puntland tan iyo 2012 taasna waxay ku tusaysaa sida Puntland fure muhiim ah ugu tahay waxbarashada Somaliya,hoos ka daawo muuqaalka.

     

     

     

     

    Halkan ka daawo muuqaalka

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Dagaalka Iran iyo Israa’iil oo Maalinkii Lixaad galay.

    June 20, 2025

    Xasan si farsamaysan,ayuu ufuliyay amarkii Beesha Caalamka

    June 19, 2025

    Xeerka la dagaalanka argagaxisada PL oo wax laga badalay

    June 19, 2025
    Latest Posts

    Dagaalka Iran iyo Israa’iil oo Maalinkii Lixaad galay.

    Xasan si farsamaysan,ayuu ufuliyay amarkii Beesha Caalamka

    Xeerka la dagaalanka argagaxisada PL oo wax laga badalay

    Maxaa kasoo baxay Shirkii Xasan Shiikh Ee Xamar?

    Baaq ku socda Kufsi wadareedka ka dhacay LC.

    Shirka Bangiyada iyo Maaliyada Puntland oo soo xirmay

    Trump oo ku doodaya Ruushka in lagu daro G-7

    Wararkii ugu danbeeyay dagaalka Iran iyo Israa’iil?

    Faallo:-Maxaa dhacaya hadii Maraykanku ku biiro dagaalka Iran?

    Update:-Dagaalka Iran iyo Israa’iil

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.