Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Video+Sawiro:-Wasiir xigeenka cusub ee maaliyada Puntland oo xilkii la wareegay
    Somalia

    Video+Sawiro:-Wasiir xigeenka cusub ee maaliyada Puntland oo xilkii la wareegay

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJune 10, 2017Updated:June 10, 2017No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Wasiir kuxigeenka cusub ee Wasaaradda Maaliyadda Puntland Abdisalam Bashiir ayaa maanta 10 June 2017 xilka la wareegay Wasiir kuxigeenkii hore Ahmed Yaasiin Saalax.

    Xaflad labada masuul ay xilalka kula kala wareefgayeen waxaa kasoo qeyb galay qaar ka mid ah Madaxda Wasaaradda Maaliyadda Puntland,Sida Wasiiru dowlaha Wasaaradda Maaliyadda Maxamuud Beeldaaje,Agaasimaha guud ee canshuuraha beriga Cali Jaamac Gaashaan,Xisaabiyaha guud ee Dowlada Puntland iyo Kuxigeenkiisa iyo Shaqaalaha Wasaaradda.

    Wasiiru dowlaha Wasaaradda Maaliyadda Puntland Mudane Maxamuud Beeldaaje ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay kasoo qeybgalka munaasabadaan,wuxuuna ku amaanay Axmed Yaasin shaqadii wanaagsanayd oo uu ka qabtey Wasaaradda mudadii uu xilka hayay, halka uu isna ku dhiiri galiyay Wasiir kuxigeenka cusub inuu dardar galiyo shaqada.

    Wasiir kuxigeenkii horre ee Maaliyadda Puntland Axmed Yasiin Saalax  ayaa sheegay mudadii uu xilka hayay oo ahayd 3 sano iyo shan bilood inuu wax ka qabtey .

    1. Kicinta Canshuuraha.
    2. Kor u qaadida dhakhliga Dowlada.
    3. Ku dhaqanka Miisaaniyada.
    4. Siyaasada Canshuraha Dowlada.

    Ugu danbeyntii waxaa ka hadlay munaasabadaan Wasiir kuxigeenka cusub ee Wasaradda Maaliyadda Dowlada Puntland Cabdisalaan Bashiir Cabdisalaan oo sheegay inuu alle ka rajeynayo inuu u fududeeyo xilkaan, Islamarkaana uu wada shaqeyn dhaw la yeelan doono Madaxda Wasaaradda iyo Shaqaalaheda,hoos ka daawo muuqaalka.

     

     

     

    Halkan ka daawo muuqaalka

    https://youtu.be/KbC4aoQK0pk

     

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Imaaraadka oo uga digay Yurub xagjiriinta Islaamka

    January 11, 2026

    Maraykanka oo duqaymo isdaba joog ah ka fuliyay Buuraha Calmiskad

    January 11, 2026

    Villa Somaliya awood ma uleedahay in ay Ciidamo ka hawlgiso gudaha dhulka PL?

    January 10, 2026
    Latest Posts

    Imaaraadka oo uga digay Yurub xagjiriinta Islaamka

    Maraykanka oo duqaymo isdaba joog ah ka fuliyay Buuraha Calmiskad

    Villa Somaliya awood ma uleedahay in ay Ciidamo ka hawlgiso gudaha dhulka PL?

    2025 oo noqday Sanadkii xaqiijinta Amniga Puntland.

    Faallo:-Xiriirka Sacuudiga iyo Imaaraadka keebaa uleh muhiimad PL?

    Faallo:-Villa Somaliya maka saari kartaa Dalka Dowlada Imaaraadka?

    Villa Somaliya oo ku cadaadinaysa Shiinaha in uu Wasiirka Arimaha dibada yimaado.

    Faallo:-Maxaa sababay baaqashada Wasiirka Shiinaha Ee Muqdisho?

    Faallo:-Khudbada Madaxweyne Xasan Shiikh Ee Caawa?

    Maraykanka oo ka baxay xubinimada hay’ado fara badan oo caalamiya

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.